DIBIN DAABYADA UU KU HAYO QARAN NADIIF AH
QALINKA GURACANI
FAAFIN: WWW.SOMALITALK.COM
Hassan Salahudin | hassanabdillahi@hotmail.com
| Leicester, Uk.
Waxaa mahad iyo amaanba mudan
maamulka shabakada wararka ee somalitalk oo inta aan akhrinayey aan si weyn uga
dareemay inay dhex ka yihiin aragtida iyo qoraalada kala mabda ‘a iyo
fikradaha xambaarsan ee ay akhristiyaasha iyo qorayaashu ka soo gudbiyaan
daafaha kala duwan ee dunida.
Qalinka iyo warqada isuma qaadan
waayadan oo dhan iyada oo tan iyo caruurnimadaydii ay saxaafadu ahayd hiwaayad
iyo balwad maskaxdayda ku dhereran waxase igu qaaday qormada maqaalkan maanta
ka dib markii aniga oo dhex mushaaxaya bogaga habaysan ee shabakada somalitalk
aan isha ku dhuftay maqaal DUX
LA’AANTA DAWLADA CUSUB EE DAWLADA RIYAALE IYO DIBINDAABYADA DADWAYNAHA,
waxa wax lala yaabo ah ciwaanka maqaalka oo sida muuqata aanu qoruhu si habsami
leh uga fiirsan bal u fiirso erayga DUX LA’AAN, wuxuu eraygaas oo si fufud
afka yarkaa uga soo baxay sharaf dhac weyn ku yahay masuuliyiinta,
aqoonyahanada iyo wax garadka miisaaman ee lagu soo daray dawlada cusub ee
madaxweyne daahir riyaale kaahin magacaabay dhawaan.
HADALKU INTA UU UURKAAGA KU JIRO
AYUU AMAANADAA YAHAY, waa sababta aan akhristayaasha Somalitalk ugu soo
bandhigay ciwaanka maqaalkaygan DIBINDAABYADA UU KU HAYO QARAN NADIIF AH
QALINKA GURACANI.
Diridhaba
oo kali ah maaha ee waxa waayadan dambe soo batay dhalaan caado ka dhigtay inay
qalinka iyo warqada isku dul saaraan wax dhaleecayn iyo eedayn oo gabi ahaanba
ay maskaxdooda iyo maankoodaba ka maqantahay sidee wax lagu toosiyaa loona
dhiiri galiyaa waxa la dhisaym, waxa tusaale kuugu filan xarumaha ay soomaalidu
ku leeyihiin mareegtada Internetka oo inyar mooyaane inta badani ay mataalaan
qabiil iyo qab qab layaal dagaal.
Saxaafadu maanta caalamka waxay
maraysaa inay noqoto hub la adeegsado kan ugu khatarsan oo wax yar oo aan waxba
ahayn ayaa lagaaga dhigi karaa wax weyn marka uu gacanta ku dhigo ma naxe sita
qalin guracan oo aan jeclayn habsamida ay ku socoto dhisitaanka dawladiisa.
Dawlada uu dhisay madaxweyne
daahir riyaale kaahin markii aan akhriyey liiska wasiiradiisa waxay intooda
badani iila muuqdaan inay yihiin aqoonyahano miisaan culus leh oo xilal kala
duwan ka soo qabtay dawladii isaga ka horaysa mid walbana uu gudan karo booska
loo igmaday(Right man for the Right position), ilaa hada ma garan karo sababta
uu yarku u adeegsaday eray sidan u culus Dux
la’aan iyadoo ay Somaliland maanta hayso dhabihii ugu haboonaa ee ay u
mari lahayd dawlad dadka oo dhan matasha una soo jiida ictiraaf caali ah.
Ugu dambayntii waxaan uga digayaa
saxafiyiinta da’yarta ah ee soomaaliyeed ee soo koroya walina sita qalinka
iyo buuga inay digtooni xad ah ka muujiyaan qormooyinka ay ku soo bandhigayaan
shabakada Internetka, wargeysyada iyo meelkasta oo wararka faafisa, waayo hadii
uu qalinku leexdo wuxuu dibindaabyo weyn u keeni karaa helitaanka qaran nadiif
ah, qalinka oo kaa guracda sida uu wax u baabin karo waxa tusaale kuugu filan
dhacdadii ka dhacday wadanka Nigeria dhawr bilood ka hor, ka dib makrii masiixi
reer Nigeria ahi uu ku soo qoray Wargeyska THIS DAY, erayayo
dhaleecaynayey Nabi Muxamed(NNKH) erayadayadaas oo kiciyey dareenka shucuubta
muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Nigeria aakhirkiina waxay sababtay geerida
boqolaal qof oo reer Nigeria ah, waa hadal yar oo wargeysa lagu soo qoray.
Hassan Salahudin,
email: hassanabdillahi@hotmail.com
ama xasanguray@yahoo.com
Leicester, Uk,
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|