SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB

Diridhabow sidi sididaada mooyee dhul-dhacaaga hubso

Qore:cabdillaahi faarax cabdi |  qamaan2002@hotmail.com 

June 9, 2003

KAAH

waxaan halkan raali gelin kasiinayaa prof: ali khaliif galaydh iyo musharaxa da'da yar ee doonaya inuu u guntado, kana saaro silica iyo saxariirka soomaali haysta mr jaamac xasan khaliif iyo dhamaan ummadda soomaliyeed, ee uu danqay liicitaankii uu ku liicay siyaasiyiintaa, saaxiibkay maxamed abdi xasan (dhiridhabe.)

Waxaana umalaynayaa inaan warkiisu nimankaa waxba yeelayn, laakiin ay dad lamid ah mr diridhabe ay caayidoonaan siyaasiyiin kale oo udhalatay waqooyiga.

Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa( dhirbaaxo dhirbaaxaa kaa fujisa)intaan taasi dhicin, ayaan leeyahay raali ahaada shaqasi iyo beel ahaanba.waxaan saaxiibkay maxamed abdi xasan leeyahay ha u horseedin hana bilaabin in qalabka warbaahinta laga caayo siyaasiyiinta soomaaliyeed.(qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa)(siyaasi lacaayaa siyaasi lacaayuu keenaa.)

Hadaan uleexdo dhinaca siyaasada maahmaah ayaa oranaysa (sagaaro saxaro muuqan doonta ayey aaastaa.) 1991 waxaynu ku dhawaaqnay madax banaani,saxaafadana waxaynu u sheegi jirnay wax layiraahdo somaliland aan dhaafsiisnay burco,adduunkuna wuxuu uhaystay inay somaliland-tu tahay goboladii uu gumaysan jiray ingiriisku, iyagoo weliba ay ka dhex arkayeen masraxa somaliland, siyaasiyiin magac ku leh soomaaliya sida alla ha unaxariistee maxamed xaaji ibraahin cigaal. hadaba dhimashadii ruugcadaagii cigaal iyo dhaxalkii siyaasiga wacyigu keenay mr riyaale, waxaad moodaa inay soo afjartay saxaafadii iyo baaxadii soomaaliland.

Taasna waxaa keenay isagoo kaleexday ama raaci waayey siyaasadii ruugcadaagii,sida tegida caro harti iyo degdegidii uu ladegdegay doorashooyinkii,kuwaas oo uu cigaal u arkayey inay soo afjarayso saxaafada somaliland.

daahir riyaale waxay siyaasadiisu wacyigu keenay u saamixiwayday inuu isweydiiyo waxay u tegiwaayeen madaxdii soomaaliland caro dhulbahante iyo warsan geli sida c/raxmaan tuur iyo ruugcadaagii cigaal.waa tii iyada oo laleeyahay joog uu barqo durduriyey cagtana saaray, wadadii cadeyd ee sool oo ay joogaan, kii ay awalba kamaagayeen madaxdii ama siyaasiyiintii somaliland.waa tii ay kaga dhacday kabtay ma aragtay iyo weliba warbaahintii oo ku hanbabartay sool yaa xukuma, iyo somaliland waa intee.waxaa jirtay maamaah soomaaliyeed(meel aar ka kacay atoor farfariisay.)waana tii uu lahaa guugcadaaga siilaanyo.tegida laascaanood ee riyaale waxay kadhigantahay dheri karaya oo aan bislaan in isyidhi laf kala bax dabadeedna uu karkii leefay. alaylehe karkii ayaa leefay.

ta labaad waxay ahayd doorashooyinkii dowladaha hoose,tii sadexaadna waxay ahayd doorashadii madaxweynenimada ee aan weliba xaqa u dshivin ee lagaga eexday ninkii sababta u ahaa soomaalilnimada,waqtiyadaana waxaa qwalabka warbaahintu isla dhexmareen,somaliland intee xukuntaa iyo yaa xukuma sool,sanaag iyo buuhoodle kuwaas oo aan habayaraatee aan doorasho marnaba ka suuragelin.dhacdooyinkaasina waxay soo afjareen saxaafadii somalilnd oo ku soo afjareen gobolo kooban.

markaa waxaa mudan in aynu isweydiino dhowr su'aalood:

  1. riyaale muxuu uqabtay somaliland
  2. xagey raacsanyihiin gobolada, sool,sanaag iyo buuhoodle
  3. maxay yihiin siyaasiiyiinta joogta hargaysa ee u dhashay sool,sanaag iyo buuhoodle,daacase ma uyihiin somaliland.
  4. waa maxay hadafka siyaasiyiinta somaliland weliba kuwa isaaq.
  5. wax ma isla'ogyihiin,siyaasiyiinta isaaq iyo kuwa harti

riyaale wuu uga daray somaliland,su'aasha labaad,sool, sanaag iyo buuhoodle waxaa xukuma dadka u dhashay oo weliba waxay raacsanyihiin punland,siyaasiinta joogta hargaysa ee u dhashay gobolada kor ku xushan,waxay soomaaliya ku leeyihiin magac iyo weliga geegaankoodaba,umase hagarbaxaan oo madoonayaan waxaynu doonayno.siyaasiga caanka ah axmed maxamed aadan (qaybe)waa ninkii somaliland soo xiredy welina intuu shir jaraa'id qabtay ma oran midnimada somaliland waa muqadis.xitaa isakuma deyin inuu doorashooyinkii geeyo deegaankiisa,xitaa marna mabooqan.markaa siyaasada dhabta ah ee siyaasiyiinta ka soo jeeda beela aan isaaqa ahayn waxa weeye inay meesha ku sugaan somaliweyn.

su'aasha ugu danbaysa muxuu yahay mabda'siyaasiyiinta isaaq,runtii iyaga laftoodu waxay meesha kusugayaan soomaaliweyn oo waxay doonayaan midnimada soomaaliya,oo waxay layaabanyihiin waxqabadla'aanta soomaalidii kale.wayna is ogyihiin siyaasiinta dhamaantood meelkastoo ay joogaanba ee waxa xiiqayaa waa shacabka soomaaliyeed.

markaa maxamed abdow(sidi sididaada mooyee dhuldhacaaga hubso.)hana ugefin sharaftaada,ta qabiilkaaga,deriskaaga iyo tan siyaasiyiinta soomaaliyeed meelkastay joogaanba.

waad mahadsantihiin

Qore:cabdillaahi faarax cabdi |  qamaan2002@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARQAD FURAN OO KUSOOCTA JAAMAC KHALIIF 
Musharaxa Madaxwqeynaha Soomaaliya.... Guji 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD