SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Aqoon yahanno Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay Mr Saleh Halim, safiirka Masar u joogo Soomaliya.
KAAH

Aqoon yahanno Soomaaliyeed ee ka timid London, UK oo haatan ku sugan Nairobi ayaa xalay la kulmay Mr Salah Halim ahna safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, oo haatan ku sugan Nairobi, kana mid ah hay'adaha caalamka ee jooga shirka Mbagathi.

Casho sharaf ey abaabuleen aqoon yahanno soomaaliyeed ayey kula kulmeen safiirka Masar u jooga soomaaliya. Mr Halim oo u warramayey aqoon yahanadda soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay talaabo mudan ku dayasho in soomaalida dibedda joogta ey qeyb weyn ka qaataan sidii loogu guuleysan lahaa dib u shirka heshiisiinta ee haatan ka socda Mbagathi. Mr Halim wuxuu ka codsaday in aqoon yahannada soomaaliyeed ee dibedda iyo gudahaba midoobaan oo ey u soo jeestaan sidii loo heli lahaa dowlad soomaaliyeed oo soo celisa nidaamka iyo nabadda shacabka soomaaliyeed u ooman yahay.

Safiirka wuxuu ku nuuxnuuxsaday in shirka uusan si xowli ah u socon sababo badan darteed kana codsaday soomaalida iney yeeshaan mowqif mideysan iyadoo la fiirinayo danta guud ee soomaalida, lagana fogaadaa fara gelinta dowladdaha shisheeye. Mr Halim ayaa sheegay in soomaalidu ey iyaga is eedeeyaan marka hore inta aan la eedeyn caalamka isagoo ka jawaabayey su'aal aheyd in Masar ey ka gaabisay howsheedii ku aadaneyd xagga soomaaliya. Mr Halim wuxuu sheegay in dowladdiisu ey taageertay TNG ha yeeshee uu yiri iney ku guuleysan waayeen iney wada xaajood la yeeshaan hoggaamiyeyaasha kooxaha.

Mr Halim wuxuu yiri haddii soomaalidu ey midoobaan oo hal mowqif yeeshaan inaan ba loo baahneyn dowladdaha shisheeye oo ey ka mid yihiin Ethiopia, Egypt, iwm. Mr Halim wuxuu ka codsaday aqoon yahanadda soomaaliyeed iney xoojiyaan dadaalkooda culeysna saaraan hay'adaha caalamka, IGAD iyo mas'uuliyiinta soomaaliyeed sidii xal waara loo gaari lahaa.

Aqoon yahanadda soomaaliyeed oo iyagana u mahad celiyey safiirka ayaa ka codsaday in Mr Halim uu dadaalkiisa sii wado isagoo waddanka Masar iyo waddamada Carabtaba dar dar geliyo sidii loo gaari lahaa xal waara oo Soomaalida dan u ah. Mudane Tarzan ayaa u sheegay safiirka in tirada baarlamaanka ee 450 ka aan la oggolaan karin sababtana ey tahay in waddanka uusan awoodin dhaqaale ahaan iyo iney dhib noqoneyso maamulka tiradaas aadka u badan. Tarzan sidoo kale wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in tirada 361 ey kuligood noqdaan xildhibaano, waayo laguma soo xulin buu yiri aqoon ku wajahan iney xildhibaan noqon karaan sidaas daraadeed waa in odayaasha soomaaliyeed iyo aqoon yahanada ey isu tagaan soona xulaan mas'uuliyiin ka bixi kara ka mid noqoshada xildhibaanimo.

Eng. Yarisow oo isna ka hadlay xafladda ayaa ugu mahad celiyey safiirka waqtigiisa uuna sheegay iney diyaar u yihiin iney la shaqeeyaan safiirka sidii xal waara loo heli lahaa. Eng. Yarisow wuxuu ku tilmaamay fal geesinimo ah in Mr Halim uu xafiis ku leeyahay Muqdisho, inta badanna uu tago, wuxuuna ka codsaday inuu dowladiisa ka dhaadhiciyo in waddanka Soomaaliyeed oo dowlad yeeshaa ey dan u tahay Masar, dowladdaha carabta iyo caalamka oo dhan. Xafladda waxaa kaloo ka hadlay Mudane Abdullahi Hussein Jamac.

warkaan kala xiriir:
Abdirahman Omar Osman
 
yarisow70@hotmail.com

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Lashiray Kiplagat
Aqoon yahanadaas oo kayimid London, UK ayaa... GUJI...
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD