SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DUBAI

GABADHA WANAAGSAN EE GUURDOONKA AHAY IXTIRAAM WAALIDKAA

C/raxmaan Axmed Cabdi

C/O U.A.E

E-Address: cmaslax@hotmail.com

KAAH


Walaasheayda Soomaaliga ahay Guurku ceeb ma ahan iyo inaad wiil jeclaataa, waa sharaf waana wanaag inaad guursataa, Allihii ku abuurtay ee wax walba qadartiisa lahaa ayaa baneeyay inaad Guursato ninkasta oo Muslim ah, islaannimaduna ka dhab tahay, sidaas darteed waad guursan kartaa ogoowse waxaa wax walba kaaga fiican Waalidkaa oo kugu qanacsan inaad guursato, waxaa jirta in Gabdhaha inta badan ay ku guursadaan waan Caashaqay,waa dooqeyga, waan ka helay runtii, laakiinse sida badan gabadha saas ku guursato waa lawada ogyahay meesha ay ku danbeyso, hadaba si aad dhib oo dhan uga badbaado ilaahay ayaa kaa badbaadinkara marka hore, laakiinse soo ma haboona nin wanaagsan reerkaaduna kula ogyihiin kaana xishoonaayo inaad guursato, marka aan saas ku leeyahay kama wado mid ina adeerkaa ah ama aad qarabo tihiin ee waxaan ka wadaa ninka aad guursanayso ha ahaado mid aqlaaq iyo diini intaba ku wanaagsan, hana ku shukaansanin magaalo iyo bannaan, ku shukaanso Gurigiina, u ogoloow inuu yimaado gurigiina waalidkaana ka codso inay kuu ogolaadaan inaad wiilkaas la sheekeysato kana dhaadhico oo usheeg inaad is rabtaan, shukaansigu ma ahan wax ceeb ah ama sida ay dhallinyaro badan u yaqaanaan ee ah gabadha in meel cidla ah lala tago, way fiicantahay inaad dadka ka fogaato waayo waxa idinka dhexeeya waa wax sir idiin ah, fogaansahahana ha u qaadanin meel qarsan, waxaad fadhiisan kartaa meel dadku kaa arkayaan Codkaagase aan laga maqlaynin.

Markaad intaas sameyso Ogoow waalidkaa kalsoonida uu kugu qabo way saa’ideysaa wayna kugu farxayaan, laakiinse maalinkii aad banaanka iyo Darjiinooyinka aad la fariisato waad ku qasaaaaraysaa waayo ninka aan raali ka hayn inuu gurigaada kuugu yimaado wanaagaadana ma rabo.

QOYSKA.... GUJI

Walaasheyda qaaliga ahay ogoow masaafo aad nin la gasho waa wax aad u fool xun mana kuu fiicna diin iyo caadaba labadaba waa mid aan kuu fiicnayn, abaayo macaan ma ogtahay sharafta aabahaa iyo tan hooyadaaba inaad Maalin qura laad ku dhufankarto oo aad sumcad darro ku rido karto labadii ku dhashay? isla markasna soo ma ogid inaad sharaf iyo qiimo iyo yeeli karto? Waxaad shraftooda ku ciyaari karta markaad guurkaada xumayso oo aad habeen dhax iyo nin aan lagugu ogayn caloosha ubad ugu qaado waa qasaaro iyo niyad jab wayn oo aad waalidkaa ku rideyso.

Waxaad sharaftooda dhowri kartaa markaad guurkaada hagaajiso oo ninkasta oo ku damca aad waalidkaa ku xirto haduu diidana aad ugu jawaabto wax uusan waalidkaa raali ka ahayn kuguma raacayo haduu yeelana aad gacanta qabsato.

Abaayo Macaan Dhowr Shatraftaada iyo Sharafta waalidkaada Rabbina Ka cabso oo haku dheelin Guurkaada.

C/raxmaan Axmed Cabdi

C/O U.A.E

E-Address: cmaslax@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

QORAALKII HORE EE C/RAXMAAN AXMED.... GUJI

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan,  

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD