Qaarada Africa iyo Gumaystayaashii Taabay
(Qaybta 1)
W/Q, Ahmed Iid Aadan | June 20, 2003
ahmediid@hotmail.com
India
Qaarada Afrika oo ah qaarada labaad ee ugu wayn aduunka waxa bedkeeda
lagu qiyaasay 1,1700,000 mayl oo laba jibaaran,qaaradu waxay leedahay cimilo
kala duwan oo u badan dhexdhexaad iyo dhul carro san kuwaas oo suura galiyay
inay hodan ku noqoto khayraadka kala duwan,sida xoolaha nool,wax soo saarka
beeraha,khayraadka badda iyo macaadinta kala gedisan oo ay kamid yihiin
dheeman ,dahabka, koberka, iwm.
Qaarada Africa dhulkeeda oo aad u balaadhan iyo dadkeeda oo aan sidii
loo baahnaa uga faydaysan khayraadkeeda aqoon yari hawgu wacnaato ama dadaal
la,aanba ee ayaa sabab u noqotay muddo fog ilaa maanta in aan lasoo saarin
khayraad badan oo dabiici ah oo ay qani kutahay ,waana halka uu ka yimi
magaca ah qaaradii dihnayd oo mudo badan loogu yeedhi jiray.
Qarnigii 15aad badhtamihiisii baa portuguese ku bilaabeen hordhicii
waxay ku tilmaameen ganacsi ay la yeelan doonaan dadwaynaha reer africa ee
daganaa Africada galbeed iyagoo wakhtigaas xarumo yar yar oo ganacsi ka
samaystay xeebaha galbeed ee Africa qaarkood.muddo yar kadib markii uu
portugese ku bilaabay ganacsigaas yar ayay yurubtii kale oo dhexdooda tartan
ka jiray ogaadeen talaabadaas cusub ee portuguese ku dhaqaaqay taasoo
keentay in ay ayaguna ganacsi kaas lamid ah ka bilaabaan, waxaana kamid
ahaa wadamada habkaa kaga dayday portugeseka wadamada ay kamid ahaayeen
Spain,Holland iyo kuwa kale,laakiin wadamadaas oo idili waxay ganacsigaas
bilaabeen intii aan Africa la sahamin, sidaas darteed aqoon badan xiligaas
uma ay lahayn wadamadaasu qaarad waynta Africa, baaxadeeda iyo
khayraadkeedaba.
Mudadii u dhexaysay qarnigii 15aad ilaa horaantii qarnigii 19aad
wadamada reer yurub wax wara oo la tilmaami karo kamay haysan Africa , marka
laga reebo xeebaha galbeed oo ay tira yar oo kamid ahi ay joogeen sidaan kor
kusoo sheegay,laakiin markii lasoo gaadhay badhtamihii isla qarnigii 19aad
bay si rasmi ah u sahamiyeen Africa,xiligaas oo ay meelo kamida africa
yimaadeen laba nin oo midi ahaa ingiriis ka kalena ahaa suxufi u dhashay
holland,labadaas nin markii ay laabteen waxay wadamadii reer yurub u
sheegeen inay soo arkeen dhulwayne ilaha dhaqaale hodan ku ah iyagoo dadkii
africa daganaana ku tilmaamay dad kadambeeya dadyawgii ku dhaqnaa qaaradihii
kale ee aduunka.Intaasu markii ay dhacday,wadammo badan oo reer yurub ahaa
baa bilaabay haloosi iyo inay ku tallamaansidii ay u qabsan lahaayeen
qaarada africa ee hodanka ku ah ilaahas dhaqaale,ganacsato badan oo ay ku
jiraan dadkii isaga gooshi jiray wadamada aduunka ayaa sidoo kale u riyaaqay
warkaas.......
LA SOCO QAYBAHA DAMBE
W/Q,
Ahmed Iid Aadan | June 20, 2003
ahmediid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan,
Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|