SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ILBAXNIMADII SOMALIDA, QAYBTII LABAAD QABIILKA IYO SOMLIDA KEEBAA HOR YIMID?

FAAFIN: WWW.SOMALITALK.COM

Qore: mahamud samatar | samatarapt@yahoo.com 

KAAH

Ilbaxnimaddii Somalidu waxa ay bilaanbatay markii ay bolshadu Somalidu bilawday in ay meel dagto , taas oo ah markii ay qaybo bulshada Somalida ka mid ihi ay bilaabeen in ay dagaan oo ay beero falasho iyo farsamo gacmeed bilaabeen , joojijiyeena reer guuraanimaddii,

Qaybtii dagtay waxa ka mid ahaa farsamooyinkii gacmeed ee ay bilaabeen , bir tumid , kabo tolid iyo geedo qor , waxa ay bilaabeen in ay birihii ka sameeyaan, warmo, midiyo , gudin iyo weel wax lagu cuno, waxa kale oo hargaha ka samayeen kabo , taas oo ay ka iibin jireen ama kaga badalan jireen xoolaha inta dhaqata, ama reerguuraaga ahayd.

Somalida ugu hor dagtay ee bilawday farsamo gacmeedka , bilawdayna ilbaxnimadii Somaliyeed waa beelaha imika loogu yeedho Midgaha , Tumaal ama Gabooyaha, Beelahani waqtigan la joogo ma dagaan miyiga, haddii ay dagaana aad ayay u yartahay inta imika dagtaa miyiga , sabata oo ah waa dadkii ugu hor bilaabay meel daggida, ama magaalo dagga, farsamo gacmeedka iyo ilbaxnimadooda awgeed.

Somalidani waxay ay xidhiidh la lahayd wadamo badan, sida Hindida, Carabta iyo Turkiga oo ay la lahaayeen xidhiidh ganacsi, kana iibin jireen waxa ay soo saaraan, goortaas oo ahayd intii aanay Somalidu bilaabin Beelaysiga ama Qabiilka , lana wada ahaa Somali in reer guuraa ah iyo meel dagatay kana dheexeeyay xidhiidh ganacsi.

Hadaba sidii aan horeba ugu soo sheegay qoraalkaygii ahaa , QABIILKA IYO SOMALIDA KEEBAA HORYIMID? ayaa meelahaa 1400 ilaa 1600 ka hor ama goortii ay ina soo gaadhay diinta Islaamku ay waxa dhulkeena yimid rag carab ah oo yidhi waxa aanu nahay Shuyuukh , kuwaas oo ah Shuyuukhda ay beela somalida qaar ka mid ihi ku abtirsadaan , ayaa goortaas waxa bilaabmay beelaysigii taas oo ay bilaabeen Shuyuukhdaasi, intii raacdayna ay bilawday in ay ku Abtirsato .

Intii aan raacin Shuyuukhdii inkasta oo ay muslim ahaayeen ,hadana waxa ay Shuyuukhdii ama intii raacday bilaabeen in ay iska takooraan ama iska socaan oo ay hoos u dhigaan uguna yidhaan Midgaan , Tumaal ama Gabooye .Goortaas oo ahayd bilawgii baabii ilbaxnimaddi Somalida.

Sababata ay Carabtaasi u bilawady kala qaybinyta Somalida ayaa waxa ay ahayd si inta farsamo yaqaanka ee tartanka ganacsi kula jirtay looga saaro suuqa si Carbta uun wax looga iibsaddo, taas ayaa waxa ay dhalisay in uu dib udhac ku yimaado waxa soo saarkii Somalida inagana dhigtay in aynu u xidhxidhmano Carab iyo wax ay soo saarto ama inoo iib keento.Maantadan meelkasta oo ay Somali daggantahay waxa aad ku arkaysaa haddii ay laba dukaan , taaloole ama kabatoleba oo isku agyaal oo uu mid Somali leeyahay ka kalena Carab leeyahay , waxa aad arkaysaa in ka carabku leeyahay ay Somalidu wax ka iibsanayso ama wax ka tolaynaso, taas oo sababta in shaqadii Somaligu lahaa halkaa ku kacdo ama ku xidhanto.

Waxa iswaydiin mudan maxaa keenay in ay isku cayno hebel waa Midgaan ? Maxaa keenay in aynu iska waynayno inteenii farsamada iyo wax soorka lahayd ee ina jeclaysiiyay wax uu shisheeye sameeyay?

Bal u fiirso waxa ay Suudaanta carabawday ee woqooyi ku hayso , Suudaanta kuunfur ee loogu yimid dhulka, ogow Suudaanta woqooyi waxa iska dhalay ninkii Carabka ahaa ee waxa addoonsanayay iyo haweenaydii u addonsanayay ee madoobayd ama uu gufsaday.

Maanta waa in meel kasta oo ay Somali dagantahay ha ahaato, Somaliland, Somalia, Djiboutia , Somalida Ethiopia ama Somalida Kenyaba, waa in la abaal mariyaa Somalidaa la soo dulamay, ee caruurtoodii marka ay iskuulada tagaan ay ay caruurta kale ku cayayso waa Midgaan, bal ilmahaa yar ee aan wax galbsan waxa haysta iyo mustaqabalkiisa ka warama, bal ka waran hadii uu ilmahaaga noqon lahaa ilmaasi?

Gabogabadii sida qudha ee ay Somalidu kaga bixi karaysaa Beelaysiga waxa weeyi marka ay amaan noqoto, Midgaanimadu , Tumaalnimaddu ama Gabooyenimadu, ee waxabarashada ama macadka wax barashada ee iskuulada lagu soo darro ilbaxnimaddi Somalida, in ahaahyeen dadkii ilbaxnimada Somalida bilaabay , Somlida Midgaha imika loo yaqaan , hase yeeshee uu shisheeye cay iyo dacaayad u fidiyay si uga faado Somalida kale ganacsigeeda, halkaana ay ku baa ba'day ilbaxnimaddi Somalidu.

Waa sida qudha ee ay bulsho caafimaad qabtaa ku dhalankarto Beelaysiga iyo Qabiilkuna uu ku baa bi karaa, ilmo kasta oo Somilna ay cuqdadu uga bi kartaa, waa marka aynu ilbaxnimadii Somalida taariikhdeedii caruurta iskuulada ugu dhignaa taas oo kor qaadaysa niyadda iyo kalsoonida caruurta u dhalatay beelaha bilaabay ilbaxnimada SOMALIYEED.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

» Qabiilka iyo Soomaalida keebaa Horeeyey [M. Samatar]

Qore: mahamud samatar | samatarapt@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD