QABIILKA(BEELAHA) IYO SOMALIDA KEEBAA
HORYIMID?
Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com
June 15, 2003
|
Ummad meel ku dhaqani ama ku wada noolayd
muddo badan , sida Somalidu ogu soo noolayd geeska Afrika muddo aad u farabadan
ama kuma naan sano, intii uu aadamahu ku abuurmay dunidan aan ku noolanahay,
waxa ay ummad kasta oo meel ku wada nooli samaysatay af ay kuwada hadasho ama
isku afgarato, sida Somalidu ay samaysatay af Somaliga, taas oo qaadatay muddo
aad u dheer in uu afkaas ku baaho meelkasta oo ay Somali dagantahay, oo
suuragal tahay in marba marka ay baahi timaado ay fikardo cusub dhalanayeen
taas oo keenaysay in ay duruufuhu ama kolba xiliga la joogo erayo cusub oo ka
turjumaya xiliga la joogo la abuurayay, eryaduna ay faafayeen, oo muddo dheer
ay qaadanasay in uu eraygu hirgallo, ama uu faafo gaadiid la'aan , cabsida iyo
dhibaatada bulshada ka haysatay habar dugaaga, taas oo ay jiritaanka ummad meel
ku dhaqani ay caadi u ahayd in ay nolol maalmeedkeeda ku xidhnayd in ay la
tartamaan dugaagga , ha ahaato iska babaadin ama ka badbaadin waxa ay ku
noolaayeen markaas, sida xoolaha ay dhaqanayeen ama ugaadh ay dishoodeen.
Taariihkda aadmahu waxa ay sheegeysa in ay
bulsho meel ku dhaqani ay soo martay xiliyo kala duwan
- 1. Xiligii ugaadhsiga
- 2. xiligii reer guuraanimada
- 3. xiligii beerro falashada iyo meel dagga
sida tuulooyinka
- 4. Iyo xilgii magaalo dagga iyo farsamo
adeegsiga
Haddaba intaas oo xili ummad kasta oo meel
dagani oo leh af ay isku afgarato way soo maratay , Somaliduna intaas oo xili
way soo martay oo taas waxa muujinaya degaankeena , afkeena iyo dhaqankeena.
Afkeenu, af somaligu, waa qani marka aad eegto
sugaanteena , waxana ugu wacan mudada dheer ee uu af Somaligu soo jiray, taas
oo lagu qiyaasi karro ama la barbardhigi karo mudada ay afafka kale ama
ilbaxnimooyinka kale ee adduunku soo jireen in af Somaliguna soo jiray, laguna
qiyaasi karo muddo ku dhaw 5000 ila 10,000 oo sano, sababta oo ah af ay ummadi
samaysatay muddo gaaban kuma samaysmi karo, af Somaliguna samaykiisu kuma iman
ama ma samaysmin intii ay Beelaysigu ama Qabiilku samaysmay, waxana taa
cadaynaya haddii qof Somali ihi abtirsado , waxa laga yabaa in uu tiriyo
labaatan oday, labaatankaa odayna ay qiyastii da'doodu jirtay 70 ila 80 sano,
taas oo ah in ay beeshaasi jirtay 1400 ilaa 1600 oo sano.
Hadaba inga oo ku jirna xiligii Reer
guuraanimada , meel dagga iyo beero falashada oo ay inteeni dagtay ay bilawday
in ay farsamooyin bilaabeen , sida kabo tolka , ka samayta cumuuda daryaha iyo
haamaha biyaha sida jalxadaha, iyo ka samaynta dirta alaabaha uu aqalku u
baahanyahay sida fandhaalka iyo xeedhada , oo aynu isku filanahay ayaa waxa
xeebaheena yimid dadyawga degaankeena u dhaw sida hindida iyo carabta , oo laga
yaabo in waxogaa ingaga horeeyeen meel dagga taas oo suurtagalisay in ay xagaa
farsamadana ingaga horeeyaan, mudadaas oo ku dhaw 1400 ilaa 1600 sano , taas oo
ah goortii aynu bilawnay Qabiilka ama Beelaysiga.
Inaga oo Somali ahaan soo jirnay 5000 ilaa
10,000 sano caddayna uu yahay afkeena Qaniga soo abuuridiisii ayaa waxa inoo
yimid Turki markii dambena Carab , inaga oo aan kala lahayn qabiil ama beello
oo Somali uun wada ah ayaa mudadaas ay carabtu timid dhulkeena 1400 ilaa 1600
sana ka hor , goortaas oo laga yaabo in ahayd markii diinta Islaamku ina soo
gaadhay.
Markii ay Carabtu dhulkeena timid ayaa waxa ay
bilawaday in ay Somalidii kala qaybiso si ay uga faa' ido , ha ahaato ganacsi
ama dhulba , waxa timid in ay la tartamaan intenii meel dagga iyo farsamada
gacanta bilawday , Somalidaas oo ahay intii inoogu ilbaxsanayd, ilbaxnimadaas
oo ka timid farsamdii oo ay kasameeyeen mid ganacsi oo degaanka iyo dibadaba ah
.
In muddo ah iyada oo ay Carabta loltamayaan
inteenii meel degga ama ilbaxnimada bilawday ,ayaa markii dambe waxa yimid
dhulkeena rag Carab ah oo leh waxa aan ahay Sheekh hebel oo diinta faafinaya,
iyada oo diintu iyaga ka hor ina soo gaadhay, shuyuukhdii waxa raacay intii aan
meel degga bilaabin ee ahayd xoolo dhaqatada , waxa ay bilaabeen in ay dadkii
maskaxda ka dhaqaan iyaga isku dadbaya diin oo intii raacday ay yidhaadeen waxa
tihiin caruurtaydii ama xertaydii oo waad igu abtirsanaysaan, intii kale ee
raacin ee danteeda wadatayna waxa ay yidhaahdeen waa midgo ama tumaal, kuwaas
oo ahaa kuwii ugu hor ilbaxay Somalida ha ahaato xag farsamo ama meel degba,
ahaana kuwii la looltamayay shisheeye kasta xag gancsi iyo farsamaba .
Qabiilku, Beelaysigu, wuxu bilaabmay markii ay
Carabta ay beelaha Somalida ka midka ku abtirsadaan ay yimaadeen dhulkeena ,
sida Sheekh ciise , Sheekh isaxaaq iyo Sheekh ismaaciil jabarti (Daarood).Sababta
oo ah haddii aanay Somalidu ka hor jirin shuyuukhdan, af Carabi ayaan ku hadli
lahayn.
Somalida aan ku abtirsan Carabta laftoodu waxa
ay yeesheen Sheekh Somali ah , Sheekhaas oo ay noqdeen xertiisii ama
caruururtiisii kuna abtirsadaan.Shuyuukhdaas oo ku dayanayay kuwii Carabta .
Waxa dhici karta in aanu Sheekhaasi wada
dhalin inta ku abtirsata , ee ay intii xeertiisa ahayduuni ay bilawday in ay ku
abtirsadaan. Sababta oo Somalidu way ka da' wayn tahay Abtirsiinta, oo
Shuyuukhadan xer uun baanu u noqonay, markii hore se Somalida midgaha iyo
tumaalada lagu sheego ayuun baan ahayn, ka horna Qabiil iyo beello maynu kala
lahayn.
Maantadan dhulka Somalidu dagto waxa aad ku
arkaysaa Shuyuukh leh xer gaadhaysa 50 meeyo , oo la leyahay hebel waa xerta
Sheekh hebel .
Somalidu may kala lahayn Qabiil iyo Beeelaysi
, Midgaha iyo Tumaaladuna waa dadkii inoogu hor ilbaxay , meel dagga iyo
farsamadana inoo bilaabay, shisheeyuhana takooray si uu ganacsiga iyo
dhaqaalaha ogala wareego
Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
»» GOORMAY
HABOONTAHAY BEELAYSIGU
»» MADHIBAAN
IYO AJI WAA ISKU ASAL!
»» Midab
Takoor, Af Takoor & Timo Takoor
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|