Horta waxaa mahad leh ilaahay abuuray khalqiga ee inaga
dhigay dad islaam ah oo uu ugu nimceeyey diinta muqadaska ah ee islaamka, waa
marka xigta eh waxaa wax walba ka muhiimsan isfahamka iyo isqadarinta.
waxaa jirta in taariikhda umadda afsoomaliga ku hadasha oo aad iskaga gaaban ay
hadana soo martay mawjado coladeed, siyaasadeed dhaqaale iyo weliba
kelitalinimo oo aad u qoto dheer oo run ahaantii salka ku haysa dhibaatada
haatan ka taagan somalia markaan leeyahay somalia uma jeedo dadka iyo dalka
somaliland ee waxaan u jeeda waa dadka dega somalia ( farmer italian
protectorate capital mogadisho).
Akhristayaal waxaa taariikhda cidina ma qorto eh jirta
oo la wada xasuusanyahay in wixii soomaliya la odhan jiray ee qiirada lagu
sameeyey ay aabe u ahaayen oo ay sameeyen ummaddda iyo shacbiga reer somaliland
waxaa ka soo bilaw sannadahii kontomeeyadii ilaa laga soo gaadhay markii
xorriyadda ay qaadatay jamhuuriyadda somaliland waxaa ummadda somaliland u
heelanayd xorriyad iyo wada jir ay maruun ku faanan oo ay kula midooban wixii
ay filayeen ee ahayd qiirada israaca oo ay ku walooloban calan xanbaarsan shan
xidigood oo ka turjumaya shantii soomaliyeed ee kala firidhsana waxaa
magaalooyinka hargeysa burco iyo berbera ka bilaabmay abaabul xoogbadna oo ay
sameeyen ururo iska abaabulay bulshada reer somaliland oo aqoon aad u
xanbarsanayd watay.
Waxaa la soo gaadhay goortii iyo amintii dawladda
mustacmaradda ahayd ee ingiriisku ( british protectorate) ay wareejin lahayd
xorriyadda gacantana u gelin lahayd dadka iyo ummadda somaliland waxaa 12:00
habeenimo kumanaan qof oo iskaga yimid lixda gobol ee somaliland u qaybsantahay
ku soo xoonmeen meel badhtamaha magaalada hargeysa ku taalla oo aan haatan wax
sidaasa ka durugsanayn goobta ay ku taallo fagaaraha kheyriyada ee ay
siyaasiyiinta iyo dawladda somaliland uga qudbadeeyan shacbiga somaliland,
akhristow xaqiiqdii shacabka somaliland kuma uu fikirayn oo qudha xoriyadd ay
keligood ku taaman iyagoon shacabka somaliland u dhalan xisdi iyo keli talinimo
ayaa waxa maankooga ku weyna goormad dadka afka soomaliga ku hadla la midayn
doona isla markii ay dawladda ingiriisku ku wareejisay calanka siyaasiyiintii
reer somaliland oo uu hor kacayey siyaasigii weynaa madaxweynihii somaliland ee
dhawaan geeriyooday marxuum mudane maxamed ibraahim cigaal.!
Siyaasi cumar carte qaalib iyo rag kale oo fara badan
ayaa waxaa la soo gaadhay aroornimadii iyada oo aan habeenka laga seexan
dhamaan gobolada iyo magalooyinka dalka somaliland oo dhan waxay ay dadku ku
tiraabayeen somaliya ha is raacdo" waxaa habeenkii danbe la iskugu yimid beerta
xorriyadda ee magaalada hargeysa waxaa halkaa ka soo jeediyey geerar aad u
dheer oo run ahaantii halhays weyn noqday gebyayaagii weyna ee suldaan
cabdilaahi timacade oo gabaygiisi dheera uu hal ku dhig u ahaa " SAREEYOW MA
NUSQAMOW BAL SIDUU YAHAY EEGNE KANA SIIB KANA SAAREY" waxaa goobtaasi ka hadlay
rasa'isal wasaarahii ugu horeeyey ee somaliland oo ahaa alla ha u naxariistee
maxamed ibraahim cigaal madaxweynahii geeriyooday ee somaliland kelmadahii
halkaa uu ka yidhi ee aanay xita shacbiga reer somaliland weli iloobin waxaa ka
mid ahaa " shacabkayga qaaliga ahow umusha waa la todoba bixiyaaye aynu todoba
cisho la sugno" laakiin mudane cigaal ilaahay naxariistii jan! no ha siiye
wuxuu taa kala kulmay buuq isla aroortina waxaa la dhegax tuuray gurigii uu ka
degena magaalada hargeysa iyada oo dadku ku eedaynayeen inuu ula dan leeyahay
inuu walaalahayo somaliya naga reebo, nasiib darro waxaa la soo gaadhay 1 july
sannadii 1960 oo ahayd markii uu talyaanigu ( italian protectorate) xorriyadda
siiyey somalia.
Iyada oo shacabka somaliland ay u ahayd rayn-rayn iyo
tamaashad ayaa waxaa lagu beegay in labada dal waa somaliland eh iyo somalia la
mideeyo si bila shuruud ah waxaa waraaqo digniin ah ka soo gaadhayeen
siyaasiyiinta reer somaliland wadanka ingiriiska oo looga digayey inaan midawga
lagu degdegin ee loo yeelo xikmad balse taasi may dhicin ee waxaa dhabowday
hamigii ay qabeen shacabka somaliland intaan hadaba akhristow labada dal la
isku darin ayaa waxaa golahii wasiirada ee dalka somaliland oo madax uu u ahaa
maxamed ibraahim cigaal warqad u soo direen barlamaankii uu talyaanigu u
sameeyey somalia oo uu madax u ahaa aadam cabdalle cismaan Aadan cadde taas oo
loogu sheegayey in labada dal midooban isla maalinta xorriyadda la siinayo
somalia oo ku beegnayd 1 july balse nasiib darro waxaa loogu soo jawaabay maxaa
shuruud aad la imanaysaan, yaa idinka wakiil ah" ha ku degdegina midawga"!!!!!
iyo hadala noocasi ah yaabka yaabkii laakiin umadda iy! o shacabka somaliland
oo aad u jibaysna may dareemin hadalada waxay ka soo qaadeen hadalo walaalnimo
iyada oo somalidu hore ugu maahmaahday " gacal isma cidhiidhyo" waxaa ay dadka
iyo shacabka somaliland oo ay ka wakiil ahaayeen maamulkii uu ingiriisku ku
wareejiyey xorriyadda uu madax u ahaa alla ha u naxariiste maxamed ibraahim
cigaal si bilaa shuruud ah oo xitaa aan jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa (
united nations) aan lala socodsiinin ula midoobin goboladii koonfurta ee
somalia waxaa si bila shuruud ah loogu doortay caasimad magaalada muqdisho oo
ahayd caasimadii somalia ee italian protectorate ka, akhristow xasuusnow
kharashaadkii dawladda lagu midoobay ama aan idhaahde misaaniyaddii (the
budget) waxaa boqolkiiba sideetan ( 80%) laga keenay somaliland, xagga somalia
oo talyaanigu caydh kaga tegay boqolkiiba labaatan laga keenay, waxaa isla
markiiba la gelay doorasho iyada sidan wax loo qorsheeyey:-
RA'IISULWASAARAYAAL
|
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
------------------------------
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
--------------------------
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
-------------------------
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
-------------------------
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
-----------------------
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
-----------------------
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
-----------------------
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
-----------------------
...............
--------------------
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
-----------------------
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
|
1. in uu madaxweynahu ahaado ( koonfur) AADAN CADDE
2 . in ra,isal wasaaraha laga dhigo (koonfur) cabdirisaaq xaaji xuseen
3. golaha baarlamanka oo ka koobna 99 xubnood somaliland waxa laga siiyey 33
xubnood.
4. golaha wasiirada oo ka koobna 21 wasiir somaliland
waxaa laga siiyey afar wasiir.
5. caasimada waxaa laga dhigay muqdisho oo ahayd
koonfur
akhriste waxaa shacabka somaliland oo sidaa aan kor ku
soo sheegay u oleeyey miyadnta loogu abaal guday cabudhin yasitaan iyo in laga
dhigo dad aan waxba ahayn waxa ka mid ahaa kelmadaha halhayska u noqday ee aan
weligood iyo allahood shacbiga reer somaliland maankooga iyo maskaxdooda ka
faaruqayn markii ay reer somaliland kalgacalkay u qabeen ugu tageen muqdisho si
ay walaalnimada iyo soomalinimada ula wadaagan koonfur kelmado ay ka mid
ahaayeen " SOOMALI KHALDAAN, QUDHMIS, XUNYAHOW XUNKU DHALAY" iyo kuwa kale oo
aanan halkan ku soo koobi karayn oo run ahaantii iska daa inta jirta ee reer
somaliland ahe ka uurka ku jira ka sii damqado, waxaa akhriste la soo gaadhay
sannadahii 1969 kii waxaa ka dhacay dalka afgambi militery, iyada oo run
ahaantii hargeysa waa caasimadda somaliland eh aan sidaasiba looga dareensanayn
oo ahayd goob yasan oo aan hanaanka dawladnimaba ka jirin, oo ay dawladda la
sheegayaba ku koobnayd muqdisho, waxaa 1969 21 oct! ober afgambi militery ku
qabsaday dalka gacanku dhiiglahii hubaysnaa ee afweyne barre, waxaa u bilaabmay
shacabkii reer somaliland ee masaakiinta ahaa hoog iyo balanbal waxaa dhegta
dhiiga loo daray kumanaan iyo kumanaan qof oo iskugu jira caruur hooyoyin
gabdho iyo wayeelba hargeysa waxaa ay noqotay hoyga xasuuqa iyo dhawaaca, waxaa
shacabka somaliland loo gooyoy gaar ahaan kuwii ku noola magalada hargeysa
qodobadan.
1. in dadka ku nool somaliland aanay dhisan karin wax
ka dheer laba dabaq dhisme ah.
2. in aan haba yaraate lagala soo degi karin wax alaab
ah dekedda berbera albaabadana loo .xidho iyadoo la adeegsanayo dekedda
magaalada jibouti oo ugu dhawayd somaliland.
3. gawaadhida nooca lala dhex maro magalooyinka
hargeysa waxaa loo bixiyey ( isaaq ma gayo) oo aynu fahmi karo macnaha iyo
murtida ka danbaysa.
4. dadka degen gobolada somaliland waxaa lagu amray in
aan haba yaraate shanta galabnimo albaabada loo laabo goobaha ganacsiga
shakhsina lagu arkayn meel ka mid ah magalooyinka.
5. Saacadu markay gaadho 12:00 habeenimo ee saqda dhexe
ayaa waxaa guryaha magaalooyinka Hargeysa, Burco, iyo Berbera, ku garaaci jiray
ciidamo loogu yeedhi jiray dhabar jabinta kuwaasi oo cidii xoogleh ee ay guriga
ugu tagaan la bixi jiray.
Akhristow siduu ii sheegay wiil yar oo ku sugna
sannadkii 1987kii magaalada hargeisa ayaa waxaan weydiiyey siduu dareenkiisu
ahaa wuxuuna iigu jawaabay
"waxa aan xasuusta aniga oo jiray todoba sanno in
guriga nalugu soo jabiyey aniga iyo hooyaday saqdii dhexe iyada oo inta ay
askari baadhay daba ilaa dacal weliba naloogu henjabay in nala layn doono,
waxaan xaadir u ahaa nin aanu jaar ahayn oo hortayada lagu dilay maydkiisina
lagu daray xabaalaha xasuuqa ee goobta duleedka hargeysa ee loo yaqaan "goobta
dilka" ninkaas miskiinka ahaa oo aan waxba galabsanin", sidaasi waxaa ii
sheegay wiil yar oo ku sugan magaalada hargeysa oo ka gaabsaday inuu magaciisa
sheego run ahaantii ma soo koobi karo dhibaatadii ku dhacday shacabka
somaliland cidhiidhigii iyo duligii ay isbadeen ee la kulmay, waxaa la soo
gaadhay sannadahii 1988 kii waxaa ka bilaabmay magalooyinka hargeysa, burco,
berbera, halgan hubaysan oo lagu jihaadayey xoraynta gobolada somaliland waxaa
ku daatay dhiig fara badan waxa ku naf waayey geesiyaal naftooda u huray
xoraynta dhulkooga hooyo, nasiib wanaag waxaa sannadkii 1991 ciidamadii !
halyayayada ahaa ee xaqu dirirkii SNM ( somaliland national movement) ay
gacanta kaga dhigeen xukunki kacankii hanti wadaaga ee cunsiriga ahaa ee
siyaad barre gacanta dhamaan gobolada iyo dhulka uu ka koobanyahay
somaliland akhristow waxba yaanan hadal kugu daaline waxaa la soo gaadhay 18
MAY 1991 waxaa beelaha wada dega lixda gobol ee somaliland wax garadkoogi
cuqaashoodi iyo siyaasiyiintoodi isku urureen magaalada burco oo ay kaga
hadleen aayaha iyo mustaqbalka somaliland waxaa aroornimadii 10 barqanimo 18
MAY 1991 madaxweynahii somaliland ee hore ahaan gudoomiyahii ururkii SNM uu ku
dhawaaqay dib ula soo noqoshada xorriyadii luntay ee somaliland waxaa u
bilaabmay shacabka somaliland oo ay u dhamaadeen tiif dhibaato hoog iyo
balanbal xagga akhristow muqdisho lagu raaxaysanayey jiifka, iftiin iyo
saansaad xoriyadeed oo run ahaantii ay lumiyeen balse ay ku heleen dhiigoodi oo
ay daadsheen, akhriste waxaan daliil uga dhigan kara in labada magaalo ee
hargeysa iyo muqdis! ho aanayba isku iman karin waxaad weydiisa qof reer
muqdisho ah maxaa ka dhacay somaliland xaqiiqdii war iyo wacaal kama hayo wuxuu
ku baraarugay caydiid iyo caato oo islaynaya, hadaba waxaan jecelahay kuwa ku
fikira magaca somaliweyn iyo kuwa u hana qaada inaan weydiiyo su,aalahan oo aan
u rabo jawaabo rasmiya oo caqli gal ah:-
1. halkay jirta midnimada danbe ee hadhay?
2. yaa dumiyey calankii shanta xidigood lahaa ee
somaliweyn tallow ma caydiidba mise waa caato idinka ka jawaabi?
3. dhibaatada dhacday ee reer koonfureedow aad ku
baraarugteen ma ta jirta tobonkan sanno ee muqdisho wareersanaydba mise waa tii
jirtay soddonkii sanno 1969 ilaa 1991?
4. markaad reer koonfureedow leedahiin dib u heshisiin
yaa la heshiisinaya ee islaayey?
5. su,aasha iigu danbaysa weeyane ma umalaynaysaan
shacabkay dhibaatadaasi ku dhacday ee sidaasi fudud xoriyadoodu uga baxday ee
dhiigasi ku daatay in ay aayar markale muqdisho u keeni idinka ka jawaabi doona?
su,aalahaasi xaqiiqdii waa qaar aan jawaab u doonayo,
guntii iyo gebo gebadii ayaan waxaan leeyahay " marka ay baabacada cad ee bini
aadmiga ku taalla ka soo baxaan ee lagu arko timo ayey somaliland iyo
shacabkeeda iyo dawladeedu intay aayar xoriyadooda soo qaadan marlabaad
muqdisho keeni karaan alla mahad leh somaliland guul iyo gobonimo
FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
TELEPHONE: 00-92-300-9259624
E-MAIL: