SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Darmaan Doqonsanaa Damac Waalanaa?

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

ceyntejournalist@attbi.com 

June 15, 2003

 

KAAH

Mar marka qaar ma is tiraah Mutacallimiintu ineey mooryaanta dhaamaan beey aheyd? Mise ku fikirtaa in shaqsiyaadka wax ku soo bartay Galbeedka ayeey aheyd ineey garwaaqsadaan macaanka wada noolaanshaha iyo miraha doorashooyinka? Aniguba aan ugu hor maree runtii sidaas beey ila aheyd. Haddase in Soomaalidu xaalkeeda "Budo gaar u tuman " yahay baa ii bidhaameysa.

Waddankan intii aan wax ku baranayey waxaan bogga gogol dhigga koorso ama maado kasta ku arkaa hadafka koorsadaas. Mar walba waxaanan ka weyn "To be Critical Thinker" oo ah inaad si dhab ah oo isnaqdini ku dheehan tahay u fikirtid, deedna go'aamadaada ku saleysid. Haddaba C/Nur Darmaan ayeey taasi garab martay, Alle ayaanse ka baryaa inuu intaas inoogu simo.

Todobaadkii hore ayaa madaxeyne cusub ku soo biiray magaalada ugu madaxweynayaasha badan koonkan eeynu ku noolnahay; Muqdisho- Magaaladiii aan ku dhashay kuna barbaaray- ee nasiib darradu ku habsattay. C/nur Darmaan oo uu dhalay safiir hore oo soomaaliya u fadhin jiray Washington, isla markaana wax ku bartay Mareykanka ayaa inta tobaneeyo oday isu shiriyey ku andocooday in "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya" loo doortay. Darmaan waa guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ah ee Somalia- Hadiiba uu xubno leeyahay. Shaqsiyyan waxaan il-gaar ah ku eegay qaabka magac bixinta Madaxweynanimadiisa. Waxaan arkay inuu isu magacaabay "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya". Sidaas wuxuu kaga duwan yahay Madaxweynayaashii hore ee Xamar, oo dhamaantood kumeelgaar sheegtay. Min Cali Mahdi, soo Mar reer Aala-Ceydiid, ku keen C/Qasim.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa ineey is yiraahdaan, tolow duulka shirka isugu tagay sow daacad kama aheyn doorashada Darmaan? Jawaab-ta fududi waa MAYA. Soomaaliya hadii aad Qado bilaash ah meel qurxan ku sameyso oo ka soo qeyb gala tiraahdo, Cid ka deyrineysa ineey sabtaas timaaddo ayaanba jirin. Doorasho laba maalmood ku qabsoontay, oo billow iyo dhammaad aan laheynna waa ii koow. War Darmaan Doqonsanaa Damac Waalanaa?

Darmaan inuusan miisaamin is magaabistiisa waxaa u daliil ah laba arrimoodba:

Waa midda horee, halka uu Darmaan hooyga ka yeeshay waxaa in kayar 1 KM isna hoy ka dhigta Ina-Adeerkiis Dr.C/Qasim oo la kufay culeyskii Carta, meel uu wax ka billaabana aan gareyneyn ilaa iyo hadda.

Midda labaad, Darmaan wuxuu iska indha tirayaa, isla markaana carqalad horudhac ah ku yahay Shirka Nairobi ka socda, ee Caalamku daadihinayo.

Lama hubo ilaa iyo hadda cidda soo adeegsatay Mr.Darmaan, ha yeeshee wuxuu durba Airport-ka Ballidoogle kala soo degay gawaari buuxda oo ah Shillin soomaali uu soo daabacday- Shaqqo uu awalba Mr.Darmaan aad ugu fara dhuudhuubnaa. Wuxuu marka taas ku tusayaa asxaabta Itoobiya iyo Carabaha u tuugsi tagta, inuu isagu Malaysia u tuuganimo tago. Mr.Darmaan ma uusan ka dhawaajin Ajande Siyaasadeed ilaa iyo imminka. Laakiin wuxuu muujiyey Ajande aan lagu dhawaaqin - Qulbid iyo qasid dheeraad ah oo loo geysto shacabka xakaaray ee reer Muqdisho. Abaal marinna wuxuu reer Muqdisho uga dhigay inuu ugu soo biiray Hogaamiye kooxeedyadooda aan xisaabta laheyn. Wexeey u dhowdahay inuu isna boqortooyadiisa "Darmaam-Land" ka askumo xaafadda Hodan ee Magaalada Muqdisho. Waxaaba horba leysla dhex maryaa inuu wado qorshe uu gegi dayuuradeed kaga sameysan doono bartamaha Muqdisho, Isagoo markaas iska dhega tiraya gooddigii Mr. Muuse S. Yalaxow ee ahaa " Muqdisho hadii aadan dhalashada Muddulood wadan, Marti baad ku tahay!". Darmaan wuxuu si qardajeexnimo degdegi ku dheehantahay isugu soo muquuninayaa dhabbe qodxa badan.

Kolka, iyadoo sidaas uu xaalku yahay, Darmaan wuxuu durbadiiba noqday Hogaamiye kooxeeedka ugu cusub, uguna cadowga badan Muqdisho. Kooxaha SRRC iyo G8-ba si wadajir ah ayeey u dhalleeceyeen is magacaabistiisa. DKMG ma iyadaaba ka aamusi karta, marba hadii seendadii dhowr-ka Kiilo Mitir aheyd biyo ugu soo galeen? Laakiin Xuseen Ceydiid oo xamarba kuu diinsan arageeda ayaa yiri " Darmaan waa nin dhalinyaro ah oo aan illaa Mareykanka isku naqaanay, waxna ka qaban kara dhibka Soomaaliya" Sida hadalka Mr. Ceydiid iiga muuqateyna, wexeey aheyd: war ninka isku ciyaal baan aheynoo, ilma safiir baan soo wada aheyn, Mareykanna waan isla nahey. Markeeygaba Madaxweyne waan soo sheegtay, isna hasoo daalo. hadal sidaas u dhadhamaya ayuu Ceydiid-Yare ka yiri arrinka Darmaan.

Waxaan ku soo gunaanadaa hadal aan is dhaafsannay nin aan saaxiib nahay oo Muqdisho Jaamad ka dhigta. Waxaan weydiiyey xaalkiisa, wuxuuna iigu jawaabay "Saaxiib, Waxaan wali waxbarashadeydii ku dhex wataa magaalo eey isku heystaan ku dhawaad 10 kooxood, qoladii soo harta ayaanan u shaqeyn doonaa, markaan Jaamacadda dhameeyo" ayuu si jees jees leh u yiri.

C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceyntejournalist@attbi.com
 
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD