Atlanta Habeenkii Warbashada
oo xiiso badan lahaa
Sannada dugsiyeedkan 2002-2003
, 37 arday Somaliyeed ayaa ka qalin jebiyey dugsiyada Atlanta
Qore Burhan Cabdi Doorshe, Atlanta | Burabdi@hotmail.com
June 13, 2003
Waxaa habeenkii Sabtida:
24.5.2003 ahayd lagu qabtay Dugsiga Sare ee Clarkston, Georgia. xaflada si
wanaagsan loo soo agaasimay. Xafladaa oo sannadkiiba mar la qabto laguna
maamuuso ardayda ka qalin jebisay dugsiyada sare ee Atlanta sannad kasta iyo
dhamaam ardayda ku jirta jaamacadaha iyo macadyahada Atlanta Georgia USA.
Sannada dugsiyeedkan 2002-2003 waxaa ka baxday
37 arday Somaliyeed meeshii ay sannadkii hore ay ka baxeen 19 arday, taasi waa
dadaal wacan oo ay walidiintu qeyb fiican ka qaateen in caruurtoodu ka harin
waxbarshada, meesha sannadkii hore arday badan ku guul-daraysteen in ay sii
wadataan waxbarshadoodii dugsiga sare daruufo kale duwan awgeed.
Waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo isugu
jiray dumar, raga, caruur. Waalidiin, culumaa-udiin iyo inta jecel ubadka
Somaaliyeed in ay waxbartaan waxaa kaloo ka soo geyb galay xaflada qalin
jabinta Mas’uuliyiin jagooyin sare ka haya Gobolka Georgia sida Denise L.
Majette oo ah U.S. Prepresentative fourth District, Georgia iyo Abdul Akbar oo
Councilman Clarkston city, Georgia.
Waa ardaydii Somaliyeed oo sanadka ka baxay
dugsiyada sare ee Atlanta |
Waxaa sannadkan ka soo geyb galay oo xiiso
badana ku soo kordhiyey xaflada labo mudane aqoon fiican u leh maduuca xaflada
oo ka yimid gobolo kale si ay caruurta Soomaaliyeed ugu dhiiri galiyaan in aan
waxbarshada laga harin oo meel fiican caruurtu ka gaarto tacliinta sare, labada
mudane oo kale ahaa Prof. Warfaa Ahmed oo ka yimid gobalka Utah iyo Mahamoud
N.Wardere musharaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis, Minnesota lana
shaqeeya Mr. Norm Coleman oo ah U.S. Senator Minnesota, waxaana marti-qaadka u
fidiyey madaale Burhan Cabdi Doorshe oo ah madaxa gudiga qaban qaabiyey xaflada
qalan jabinta sanadkan iyo sanadkii horaba,wayna ka aqbaleen codsigaas, waana
ugu mahad-celinaynaa reer Atlanta ahaan.
Waxaa lagu furay xaflada Quraanka kariin iyo
Muxaadaro uu soo jeediyey Nasir Warsame kuna booriyey arday iyo waalidiinta in
labda cilmi kana aaqiro iyo kana aduunyo la isku daro, salaadan la tukado.
Macilin Mahamed Xirsi Bahal waxuu waalidiinta u sheegay in ay kordhiyaa
xariirka dhexeya caruurtooda lana socdaa waxka dhacay iskuulka lana xariir
macalimiinta caruurtood.wax u dhiga.
Mahamoud Wardher oo hadalkii qaatay waxuu
caruurta ujeediyey in ay bilow tahay waxbarashadiinu waana in qalinka la soo
qorto ee aan la jabin waxuu kaloo amaan badan u soo jeediyey reer Atlanta iyo
Gudiga SEN soo agaasimay xaflada oo ay ku adag tahay reer Minneapolis in ay
isku keenaan dad intaan dhan oo mawduuc waxbarsho isugu yimid waa siduu hadlka
u dhigayey. Taasi waxay ka firxisay reer Atlnata oo dhan.
Hasan Yasin oo u hadlay gudiga abaabuka
xaflada SEN waxuu mahad-balaaran u soo jeediyey marti sharafta dibada nooga
timid iyo dadweynaha reer Atlanta sida fiican u soo xaadiray caawo si ay u
waxbarshada ugu baraaru-jiyaan ubadka Somaaliyeed waxuu intaas ku daray in
ganacsatada reer Atlanta la’aantood aan la qabteen shirka caawo waxay naga
caawiyeen dhamaam qarashkii u baxay xafladan waana ku amaanay taas.
Mudane Wardere oo aqrinaya agendaha Somali
Educational Night. Mudane Oday baa ku xiga. Dr. Mahamed Cali Nuur iyo
Prof. Warfaa Ahmed from Utah oo la dhacsan Agendaha SED. Iyo Harbi iyo
Cabdi Qali oo isla hadal. |
Prof. Warfaa Ahmed oo runtii aqoon fiican u
leh waxbarshad muddo badana wax ka soo dhigay wadankii aan cunay hadan wax ka
dhiga jaamacad gobalka Utah waxuu u sheegay ardayda iyo waalidiintaba in la
kordhiyo barshada Diinta Islamka lana baro ubad soo koray waa siduu hadalka u
dhigay, waxuu yiri bara caruurta salaanta islamka ogaada haddii caruurto barato
sida loo dhaho How are you? Waa baran karaan salaanta Islamka iyo hadal badan
oo faa’iido u leh ubadka Somaaliyeed.
Dr. Mahamed Cali Noor waxuu ardayda u soo
jeediyey in aan waxbashad laga harin waana mid kale ah oo aad wax ku qabsan
kartaa dadkiina iyo dalkiina aad wax ugu tari kartaa ayuu yiri.
Osman Abdirisaq iyo Ibrahin Abukar iyo Wariyey
Cabdisalaan waxay gubaabin iyo hadalo qiimo iyo qaayo u soo jeediyee Arday
siiyeena tusaalooyin ay guul ku gaari karaan,waxay kaloo qeyb weyn ka qaateen
abuulka xaflada oo si xiiso leh ku dhamaatay, hooyo Caasho Geele iyo hooyo kale
waxay ubadka Somaliyeed ku diiro galiyeen in aad warbarshad la wato wax kastan
ka hormariya iyada bay dheheen
Guud ahaan qaabka ay u dhacaday waxuu ahaa
qorshe hore looga baraan degay iyo aqoontii laga dhaxlay sannadkii hore oo
xaflad la billaabaal. Ujeed gudiga abaabulku waa in kaalintii Bulshada
Somaaliyeed la waayin la tuso in caruurta leeyahiin dadka danbeeya oo ka badan
labad waalid jecelna in ay wax noqdaan ubadka Somaaliyeed.
Somaali ha noolaato hana is fahanto Amiin!
Madaale Burhan Cabdi Doorshe, Madax SEN oo
Somali Sagal Radio ugu tabinay sadii ay ku dhamaatay xafladii qalan jabim |
Qore Burhan Cabdi Doorshe Atlanta
Burabdi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Ardayda
Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda
Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji
June 9
Warbixin: Afar arday oo ay wajiyadooda farxadi
ka muuqato kaddib markii ay dhamaysteen waxbarashadoodii.. GUJI
20/5
Ardaydii
Soomaaliyeed ee ka Qalin jabisay Jaamacadda Minnesota
Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta
Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI.....
ARDAYDA
SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA
150
arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota
HABEENKII
SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA
Caruurta
Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
|