Midab Takoor, Af Takoor, Timo Takoor
iyo Sinji Takoor-ba Soomaali baa leh
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
ceyntejournalist@attbi.com
June 9, 2003
Culimada Cilmu-Nafsiga wexeey aaminsan yihiin
oo eeyna jarribeen in Beni'aadamka waxa ugu horeeya ee uu u weehannaabo eey
tahay: Bulshada dhexdeeda oo laga aqbalo. Waxaa loola jeedaa; Qofku marka uu
heer qaangaar-ba soo cagacageeyo wuxuu dagaal dheer u galaa sidii uu isugu
muujin lahaa qof wanaagsan oo bulshada dhexdeeda "Macquul" ugu yaraan
ka ah. Hadii uu qofku taa ku fashilmo, Culimada Cilmu-nafsigu wexeey leeyihiin
qofkaasi wuxuu khatar ugu jiraa "Isku dhex yaac" nafsadeed, taas oo
deedna horseedi karta khataro halis ah, sida: Isdil IWM.
Marka laga hadlayo qof bulshada dhexdeeda laga
aqbalo waxaa looga gol leeyahay in qofkaasi uu dareemo in sharaf iyo xushmeyn
uu asaagiis la dherer yahay. Dalkeenii hooyo ee Soomaalia waxaa ka jiray
musiibooyin kudhawaad mujtamaca soomaaliyeed oo dhan eey raalli iyo nus isaga
ahaayeen. Quursi, yasmo, xaqirid iyo xaq-duudsiin ayaa gogol u dhig u ahaa,
illaa iyo haatanna u ah. Waxaa jiray maantana jira "Midab takoor,
Af-takoor, Timo takoor iyo Sinji takoor" waa sida uu Dr. Cali Khalif
Galayr u dhigaye. Mar uu ka hadlayey xafladii "Quursigu qiil ma leeyahay"
ee lagu qabtay Jaamacadda Minnesota, Todobaad kahor.
bal aan isku dayo inaan yara qeexo faracyada
kor ku xusan ee quursiga, sida soomaaliya looga isticmaalo.
Midab takoor: waa yasmo qof aadami ah lagu
dhugto indha-xaqirid, iyadoo markaas lagu heysto midabka alle u uumay.
Somaliya dadka asalkoodu carabta yahay ama shaanshida iyo reer xamarkuba
waxaa loo arkaa ineey muwaadinnimadoodu bar tahay. xitaa waxaan xusuustaa
iyadoo leysku caayo markii aan yaryareyn oo laba ciyaal is-dagaasho midka
woxoogaa baqa ayaa la dhihi jiray "Carabnimada iska daa nooh"!
Af (Luqad) takoor : waa yasmo lagu maqlo
qof beni-aadam ah dhago xaqirid, iyadoo danbigiisu yahay Lahajadiisa (Qaab
dhawaaqa luqadda) oo kaliya. Dadka afka May-ga ku hadla ayaa ugu lahjad
duwan soomaaliya, sidaas awgeed baa leysku caayn jiray "eelaayohoow
xunka ah" IWM. Iyadoo inta badan dadka ku hadla lahjadda May-ga eeysan
dhalasho ahaan Eelaay aheyn.
Timo takoor: waa yasmo lagu takooro qof
aadami ah qaabka tintiisu uga adag tahay dadka kale, ama sankiisu uga yara
ballaaran yahay. Waxaa amakaag leh in Qabaa'ilka isu arka Laandheerayaashu
eey leeyihiin kumanaan ka timo adag Jareerweyne, kana san ku duleel weyn,
misana laguma dheeho dadka lagu yaso tintooda adeeygeeda.
Sinji takoor: Waa quursi la quursado qof
aan midab, luqad iyo timo toona ka duwaneyn soomaalida kale, balse la
leeyahay waxaad tahay: Midgaan, Boon Tumaal, Eeylo, Kabtol iyo magacyo baas
oo "Ceriyaanees" ah sida uu Abwaan Siciid Saalax u dhigay.
Dhamaan dabaqadahan midab takoorku waa kuwa
illaa iyo imminka ka aloosan soomaaliya. Marka soomaalida kale ku mashquulsan
tahay dibu-heshiisiin, La-Quursadayaashu wexeey ku mashquulsan yihiin: Tolow
hadii dowladi dhalato, ma "Kud ka guure qanje u guur " beey noqon
doontaa, mise bulshada leydinka karantiilay baa markale leydinku soo dabbaali
doonaa?
Xanuun aad u darani inuu jiro waxaan ka gartay
Xaaji Muuse Mire oo shirkii sabtidii ka dhacay Minnesota ee aan soo sheegay
oohin afkiisa la qaban waayey, isagoo 70 iyo dheeraad jir ah, eeyna hor tuban
yihiin boqolaal soomaali ah. Xaajigu wuxuu cod oohini ku dhafan tahay ku yiri
" Maba is laheyn intaad nooshahay baa arrinkani soomaali intan le'eg ka
wada hadli doontaa". Odayaal uu Abwaan Siciid Saalax ugu horeeyo baa u
istaagay Xaajiga oo madaxa ka dhunkaday, ha yeeshee wuxuu raaciyey arrinkale oo
tiiba kasii murug badan " Anigoo jooga Columbus, Ohio ayaan arrinkan ka
hadlay, markii aan bannaanka u baxay baa waxaa igu soo shamuumay dad badan,
wiil dhalinyaro ah baa igu yiri: Adeer gabar hadeey kuu joogto igu nikaaxi
caawa ! Waxaan ugu jawaabay; orod oo adeeradaa ii keen aan kuugu nikaaxee"
ayuu yiri. Warkaasi waa mid dhawaq meel fog ku dhacaya oo misana soo
laalaabanaya xambaarsan. Macnihiisa oo koobani wuxuu yahay: Hadii adinka
dhalinayarooy aad Aqbasheen in quursigu uusan qiil laheyn, duqowdiina ayaa wali
aaminsan oo aan soo dooneyn gabar midgaan ah. Xaaji Muuse Mire wuxuu afkiisa ku
cabiray waxa ku jira uurka kumanaan la quursado.
Dhanka wax kaqabshada arrinkani hadii aan u
jalleeco, horta "farta iyo meesha bugta ayaa is og" oo waan ka
warheynaa in Culimaa'udiinka soomaaliyeed eeysan waligood - intaan anigu ogahay-
si toos ah u daffirin quursiga, iyagoo daliishana ayaadaha eebe. Waxaana
Qur'aanka iyo Sunnada ku jira boqolaal meelood oo lagu cadeeynayo Sinaanshaha
alle loo siman yahay. taa horta waa mid eey culimadu ka jiifteen. Laakiin Sh.C/raxman
Shariif oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa sabtidii ka
dhawaajiyey arrin kale oo iyana qossol laheyd. Wuxuu yiri " Hadii aan
markii aan waddankii joognay xirfadaha Tumaal iyo Kabatol iyo Kawaanle isku
caayi jirnay, maanta shaqooyinkeena intooda badan ayaaba ah mid kamid ah
seddexdaas shaqo". Dhanka aqoonyahannada hadii aan eego, waxaan arkay
iyagoo ka soo horjeeda midab takoorka, laakiin ku marmarsiimoonaya "Anigu
guursan maayo qof layaso maxaa yeelay inaan caruurteyda cuqdadeeyo ma doonayo,
oo lagu caayo waa bah Midgaan!" Sidaas waxaa igu yiri nin Somaali ah oo
heysta shahaado jaamacadeed.
Nasiib xumo, kudhawaad sanad kahor mar aan
sameeyey baaritaan aan su'aalo ku weydiiyey 79 dhalinyaro soomaaliyeed oo
dhamaantood dugsi sare ka baxay, kana dhashay Laandheer ku sheegga soomaalida,
ayaan natiijo ku helay in 73% eey wali ka go'an tahay ineey guursadaan
Laandheerayaal kale, hadii eey waayaanna eey 50% doorbideen ineey ajnabi
guursadaan inteey soomaalida la quursado guursan lahaayeen. Wallee "Faanoole
Fari kama Qodna". Marka iyaga shaqo loo diidana wexeey ku cabaadaan "Qof
caddaan ah baa leyga siiyey" oo waa ley midab takooray.
Arrinka lagama maarmaanka ahi waxa weeye in
dadka la quursadaayi aashuun ku addinka ka baxaan oo billaabaan ineey ku
faanaan reeraha eey yihiin. Hadii eey kusii socdaan ineey is-qarniyaana, weeyba
qarsoomayaan. Maxeey uga baahan yihiin ineey is qariyaan marba hadii
Janaraalkii ugu sareeyey ee abid soo mara ciidamadii xoogga dalka soomaaliya,
isla markaana ahaa madaxweyne ku xigeenkii soomaaliya iyo xubin Gudigii sare ee
Kacaan Max'ed Cali Samatar uu ahaa nin ka soo jeeda dadka la quursado. Laakiin
kamaskax iyo maalba badnaan malaayiiin laan-dheere isku sheega. Soomaalida kale
ee ka soo horjeedda Quursigana waa ineey caadiyeeyaan ku dhawaaqidda magacyo si
nux nux ah loo yiraahdo oo Midgaan, Tumaal, Boon, Jareer iyo Eeylo eey kamid
yihiin, iyadoo loo arkayo inaaneey waxba dhaamin; Hawiye, Daarood, Dir iyo
Raxanweyn oo dhamaantood si amakaag leh u jecel ineey "Reer Banii-Haashim"
isku xiriiriyaan nasab ahaan. Hadii waxa lagu heysto Midgaanku tahay "Bakhti
buu cunay"na waxaa cad inuu kaga saxsanaa ninka gaajada isu dilay, ee yiri
"Nasab baan ahay " oo Bakhtiga ma cuno. Ma Nabi Muxammad SCW baad ka
fadli badan tahay? Isagaaba Banneeyey in bakhtiga la quuto marka nafta loo
yaabee. Halkaasna haku beenowdo Maahmaah ku sheegga Soomaaliyeed ee "Waan
baahanay Bakhti looma Cuno"
C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceyntejournalist@attbi.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
QORAALADII HORE EE CEYNTE
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|