GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED
G/W/S/013/03 LONDON, 30/05/2003 | Faafin: June 1, 2003
UJ:- Joojinta Afuubyada sida naxariista
daran loogu hayo qeybo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed
Mudanayaal, Marwooyin Walaalayaal
Waxaa wax laga xumaado ah joorfalka iyo
tacadiga sii soconaya ee weli ka socda Muqdisho iyo hareeraheeda, Tacadigan oo
loo geysanayo dad Soomaaliyeed oo aan awood u helin in ay iska difaacaan
burcadda hubeysan ee ka amar qaadata waxa loogu yeero "Hogaamiye kooxeedyo"
kana soo jeeda sida la sheego beelaha hubeysan, burcadan oo hogaamiyayaal
kooxeedyada hubeysan ugu yeeraan "Mujahidiin".
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu si cad u
cambaareynayaa falal dambiyeedka waxashnimo "AFDUUBYADA IS DABA JOOGGA
AH" ee liddiga ku ah Anshaxa, Asluubta, Diinta, Qawaaniinta u dagsan
shuruucda caalamiga ah ee lagu hayo dadka Rayidka ah aan ee aan waxba galabsan.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu tacsi u
dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka loo geysto
afduubyada aan loo aabo yeelin ee lagu hayo, weererkan bahalnimada ah ee ay ku
hayaan wax magarato ka tirsan beelaha hubeysan.
Golaha Wadatashiga Soomaliyeed wuxuu ugu
baaqayaa Soomaalida in ay ka hortagaan dhaqankan foosha xun ee xadgudubka ku ah
sharafta iyo karaamada qeybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ku
eedeynayaa madaxda iyo hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee goob jooga ka ah goobaha
"Gumaadka iyo Afduubyada" sida naxariisdarrada leh loogu ciqaabo
dadkan Soomaaliyeed.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka
codsanayaa maleeshiyada heysata kuna heysata magaalada Muqdisho iyo
agagaarkeeda dadka ay afduubyada ku heystaan la dulmay, lana duudsiiyay
xuquuqoodii aasaasiga aheyd in si deg deg oo aan shuruud laheyn u sii daayaan.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed waxuu
xusuusinayaa kooxaha sida bahalnimada leh duulaanka ugu ah dadkan la ciqaabi
doono marka ugu horreysa ee sharci iyo nidaam loo dhan yahay la sameeyo.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga Abdulaziz Ali
Ibrahim "Xildhiban" xildhiban@hotmail.com
BAAQ: GOLAHA
WADATASHIGA SOOMAALIYEED
-dhammaad-
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk | June 1, 2003
|