SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALA
Yaa qabiil/qabyaalad lagu jiidan karaa,yaase wax ku jiita? - BULHAN

Magaca: faisal
Magaalada: minnesota
Dalka: USA
Email:
FAISALBULHAN@HOTMAIL.COM

Qaybta: Arrimaha Soomaaliya

Qoraalkayga

YAA QABIIL/QABYAALAD LAGU JIIDAN KARAA YAASE WAX KU JIITA? ANALYSIS: Qabiil/qabyaalad waxaa lagu jiidan karaa waxna ku jiita dadkan hoos ku xusan:

KAAH


 

1. Qof Nacayb iyo qabyaalad lagu soo koriyay.

2. Qof maanagaab ah (low-level intelligence) oo kalsooni daro haysato sida

a) Dadka aan maskaxdooda kaga shaqeesan karin oo aan ku kalsoonayn fikradaha maskaxdooda ka soo go’a.

b) Dadka uu haysta inay fikradahooda ka liitaan fikradaha dadka kale.

c) Dadka iska aamina wax kasta oo uu u sheego qof ay isku qabiil yihiin.

d) Dadka laga dhaadhcin karo sheekooyinka halaasiga ah sida qabiilka iyo khuraafaadkiisa.

e) Dadka aan baadhitaan (RESEARCH) sameen karin si ay u ogadaan xaqiiqda.

f) Qof fulay ah oo ka baqaya in reerkiisu ku qoslo hadii fikradiisu tooda ka duwanaato.

g) Qof aaminsan inaanu noolaan karin qabiil la’aantii.

h) Qof aamisan inaanu shaqo fiican heli karin qabyaalda la’aanteed.

i) Qof sidiisaba ka baqa inuu waxa saxa ah sameeyo maadaamaa dad badani ay kugu kacayaan markaad waxa saxa ah sameesid.

j) Qof aan wadaninimo lahayn oo qabiilkiisu wadanka kala weyn yahay.

3. Qof markii horena dhagarqabe ahaa oo dembiyo hore galay.

a) Nin qoyani biyo iskama dhowro.

b) Dhagarqabe dadkoo dhan inuu dembiile ka dhigo ayuu jecel yahay.

c) Dhagarqabe in keligii la ugaadhsado ma rabo.

4. Qof aan diinta Islaamka iyo akhlaaqda dadnimada wax ka aqoon. Qofkaasi wuxuu a) ilaahay ka hor mariyaa qabiilkisa.

b) diinta ka jecel yahay qabiilka.

c) si khalad ah u tarjumaa aayadaha ilaahay iyo axaadiista.

d) Wuxuu aaminsan yahay in noloshiisa iyo risiqiisu ku xidhan yahay qabbiilkiisa.

e) Wuxuu cuskadaa sheekooyiniyo maahmaahyo been ah.

5. Qof tuug ah oo xaraanya cun ah sida a) Siyaasiyiinta afar jeeblayaasha ah oo jecel inay had iyo jeer xukunka haystaan

b) Warloodhiska (Dooxatada)

c) iyo inta u camirta oo xaaraanta la cunta labada kooxood oo kor ku xusan.

6. Qof aan lahayn aqoon iyo xirfa kale oo uu ku shaqeesto. (dadka noocan aha waxaa ku jira qaar khibrad dheer ul eh sida dadka maskax dooris loogu sameeyo isla markaana dad badan haligay).

7. Dad u adeega dano shisheeye oo aan si kale taageero ku heli karin sida:

a) Kuwii gumeysiga u adeegi jiray welina u adeega b) Kuwa u basaasa dowladaha neceb dadka/dalka soomaliyeed.

c) Kuwa ay ku shaqeestaan kuwa diinta Islaamka neceb.

8. Qof xumaanta iska jecel oo waxa xun ku istareexa.

a) dadka noocan ha qaarkood way jiran yihiin oo cuduro maskxada ah ayaa haya.waxaase nasiib daran kuwa daba socda oo u haysta qof miyir qaba.

b) Qaarkoodan xumaanta ayay wax ka helaan sida xoolo la bililiqeestay, dumar la kufsado iwm.

c) Qaarkoodna sheydaan ayaa ku adeegta oo waa nooca ilaahay diinta inoogu sheegay. Fadlan qofkii aad aragtid oo qabyaalad ku dhaqmaya ama magac qabiil wax ku raadinaya 8 qodob mid ka mid ah ka eeg.

---------------Dhamaad-----------

Qore: Faisal Bulhan SOOMALIDA QABYAALADA NECEB 

Wixii faalo iyo tusaale ah usoo dir faisalbulhan@hotmail.com

1 Soomaalida Qabyaalda Neceb waa urur Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda qabyaalada oo ay ku jiraan dad soomaaliyeed oo ku dhashay waqooyi, koonfur, jabuuti, Ogaadeniya(somali galbeed), NFD, iyo dunida daafaheeda. Fadlan qoraalkan u sii dir asxaabtaada.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD