SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Maxeey Ardayda Jamacadaha Minnesota ka yiraahdeen Labada Axdi ee Shirka Nairobi?

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

ceyntejournalist@attbi.com 

June 20, 2003

 

KAAH

Shir eey ardayda Jaamacadaha ee Gobolkan Minnesota isugu yimaadeen isla jaamacadda Minnesota Talaadadii June 17keedii ayeey kaga doodeen labada Axdi ee lagu muransanyahay ee horyaalla ergada ka qeyb galaya shirka Nairobi.

Labadan Axdi waxeey kala yihiin mid eey ku saxiixan yihiin 18 kamid ah qabqablayaasha dagaalka ee halkaas joooga iyo mid eey isku soo dubba rideen guddiga iswaafajinta ee uu La-Guddoomiye ka yahay Prof.Cabdi Samatar (Geography. Minnesota). Mudaalacasho iyo indha-indheyn dheeraad ah dabadeed, ardaydu wexeey isku dayeen ineey bal si xikamadeysan u naqdiyaan ama u taageeraan mid kamid ah axdiyadan.

Afar kamid ah Ardayda ayaa ka qeyb gashay dood cilmiyeedkaas. Mid kamid ahi gabar beey aheyd. Marka laga reebo hal Arday oo Max'd la yiraahdo, Seddexdii kale wexeey isku raaceen in labada sharciba eey yihiin kuwa halaag dheeraad ah u horseedaya Ummada Soomaaliyeed. Maxaa yeelay "Diinta Islaamka ayeey ka fogaadeen" ayeey yiraahdeen. Xaliimo oo aheyd gabadha kaliya ee doodaas ka qeyb gashay ayaa tusaale ahaan wexeey bidhaamisay in Axdiyadani eey dhigayaan in "Ragga iyo Dumarku siman yihiin" ama "Dumarku eey madax ka noqon karaan Dowladda Soomaaliya". Taas oo Diinta Islaamka ka soo horjeeda. Dad badan baa taa ku khilaafay Ardayad Xaliimo, Axdiyadu si toos ah uma qaadaa-dhigayaan arrimaha faahfaahsan ee ku saabsan sharciga iyo dastuurka. Labadan Axdiba waxaan anigu shaqsiyan ku arkay ineey isku raacsan yihiin in "Diinta islaamka assal looga dhigo sharci dajinta Mustaqbalka Somaliya" waa sida eey ugu qoran tahaye. Walow eey Soomaalidu waligeedba sidaa laheyd, iyadoo ficil ahna aan horey loo arag. Laakiin Ardayad Xaliimo oo iyadu guud ahaan u ekeyd ineey xammaasad gooni ah u heyso arrimaha khuseeya Sinnaanta Dumarka iyo Ragga oo ah mas'alad eey Dowladdi Millatariga aheydi ka dhawaajisay, ayaa iyadu ku adkeysattay in Axdiyadu haddaaney kitaabka Alle ka soconi eey dhibaato horseed yihiin.

Sida ku qoran Axdiga KMG ah ee Guddiga is-waafajintu soo qoreen, wexeey ka soo dhiraandhiriyeen Axdigii Soomaaliya laheyd Lixdameeyadii, kahor Dowladdii Siyad Barre. 

Cambaareyn Dusha Looga Tuuray Nidaamka Federaalka ee Loo soo wado Soomaaliya 
Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed ayaa.... Guji... June 19

Arday Max'd ayaa isagu aaminsan in Guddiga iswaafajintu qabteen howl aad muhiim u ah. "Anigu waxaan la dhacsanahay Axdiga Guddiga uu Prof.Samatar ku jiro". Max'd marka uu sidaa leeyahay, waxaa Gobolkan Minnesota la isla dhex marayaa nuxnux hoosaad eey faafiyeen sharwadayaal, taas oo oronaysa in Ardaydu siyaasadda faraha la soo galeen, isla markaana is garab taageen mid kamid ah dhinacyada isku hayya Nairobi. 

Xantani wexeey soo ifbaxday kadib markii xarunta jaaliyadda Soomalida ee Bryant Coyle laba toddobaad kahor lagu qabtay shir eey soo qabanqaabiyeen ururka Ardaydsa Soomaaliyeed ee Minnesota (MSSU), kaas oo lagu marti qaaday Prof.Samatar ruuxiisa iyo Cabdirizaq Xaaji Xuseen, oo labadooduba goobjoog u ahaa shirka Nairobi. Xan-wadayaashu wexeey ku andocoonayaan in Ardaydu la safteen garabka Prof.Samatar. Lamase hubo goor uu Prof.Samatar garab siyaasadeed yeeshay. Wexeey kaloo ku andocoonayaan in Ardaydu eeysanba aheyn ineey ka doodaan arrimaha siyaasadda ee soomaaliya. 

Hadalkani wuxuu ka tarjumayaa maskaxda daxaleysattay ee Soomaali badan oo aaminsan in cidii si aqooni ku dheehan tahay u doodaba eey qolo hebel gacan saar la leeyihiin. Ardaydu wexeey isugu jiraan Soomaali oo dhan, wexeeyna leeyihiin fikrado kala duwan, taas oo macneheeda qayaxani yahay inaaneey cod siyaasadeed oo isku duuban eeysan laheyn. Laakiin nasiib wanaag shirkii ardayda ee galabtaas baa arrintaas looga dhawaajiyey. Ku dhawaad dhamaan ardayduna wexeey isla afgarteen ineey yihiin dadka ugu habboon ee ka doodi lahaa arrimaha siyaasadda, yaaneey cod miisaan lehba lahaanine.

Isku soo duuboo, cod mideysani kama soo bixin waxa eey ardaydu u maleynayaan labadan Axdi, taasna waxaan u aaneyn karaa xamaasad ka xoog roonaatay cilmi baaris xeel dheer oo ardaydu ku sameeyaan Axdiyada is barbaryaal, intaaneey si xamaasadeysan u daffirin sharci ahaantoodaba. Taasina wexeeyba cusbadii oo dhan ka qaaday kulankii galabtaas.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

C/raxman Ceynte
Carlson School of Managment
Universiy of Minnesota

Ceyntejournalist@attbi.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2003

 

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD