Dawacadda Waree Waxaraha Ha Kaaleyse!
Faaladii: Ikraam Cali-kaar
June 15, 2003
Waxaan qiyaasayaa in badan oo adinka kamid ah
iney isweydiin doonaan waxa aan ula jeedo cinwaanka kor ku xusan iyo sababaha
dhaliyeyba sidoo kale qaar badan ayaa oran doono talow gabdhu ma maanta ayey
miyigii iyo duur joogtii rabtaa iney nooga sheekeyso
wax kalaba daaye !.
Dawacaddu waxey weligeed caan ku aheyd iney
ugaarato xoolaha ay ka awood badan tahay ee reer miyigeenu dhaqdo ee
ariga,idaha iyo waxaraha, dhamaantoodna waa kuwa ugu liita ee ku jira xoolaha
la dhaqdo ee dawacadu ka adagtahay kasokow habar dugaaga kale ee iyagana halis
ku ah naftooda iyo dadka dhaqanayaba.
Hadaba inkastoo ka sheekeynta miyeegenna,
xoolaheenna iyo ugaarteenna ay yihiin kuwa ugu qiimo badan marka laga
sheekeynayo taariikda dalkeenna, hadana macnaha aan qalinka u soo qaatay maahan
inaan ka faalloodo dawaco iyo habar dugaag balse murti mugweyn oo dahsoon ayaa
igu kaliftay inaan qalinka qaato.
Hadal badani haan ma buuxiye, hadaba guud
ahaan shacuubta caalamka ku dhaqan waxa ay leeyihiin cadow u gaar ah, halis ku
ah jiratoonkooda iyo danahooda gaar ahaaneed, sidoo kale wuxuu cadowgaasi
mararka qaar awooda inuu kaa dhigo mid aan weligiis hormar gaarin isagoo kugu
dilaya sababo badan oo isaga u gaara , sida dalka Ciraaq oo maanta tusaale
caalamka oo dhan u ah.
Dalkeenna oo isagana kamid ah shacuubta aan
xusay ee cadowga gaar ahaaneed leh, waxuu soo maray marxalado kala duwan tan
iyo markii gumeystihii foosha xumaa kala qeybiyey dhulkii la oran jiray
Somaliweyn ee hal qarni ka hor , aaqirkiina keentay in markale afartan iyo
sadex sanno kadib ay hoos timaado cadowgeeda gaar ahaaneed ee weligii jeclaa
burburka qarankooda.
Tan iyo markii qaran jabku ku dhacay ummadda
soomaaliyeed waxaa ay daaha ka rogtay miciyaha qarsoon ee cadowgooda hoosta ku
watay,waxaana ay cadowgaasi oo xeelado badan adeegsanayo uu helay fursado in
dalka iyo dadka soomaaliyeed ku sameeyo xadgudub iyadoo aan jirin awood
mideysan difaacda xaqa muwaadinka soomaaliyeed.
Dowladda Itoobiya oo aanu ogsoonahay amaba
aysan jirin cid looga sheekeynayo cadaawada gaamurtay ee ay uheyso dalka jaarka
la ah ee Soomaaliya ayaa waayahu baday iney u arimiso mushkiladaha qabiilka ku
saleysan ee Soomaalida lugu ibtileeyey xalna ay keeni waayeen kuwa gacmahooda
ku abuuray mushkiladaasi “ileyn dadku waa soomaali e”.
Itoobiya waxaa falal iskugu jira dil, dhac
boob iyo kufsi ku heysay maatada taableysan ee dalkooda ku soo xadgudubtay,
sidoo kale Itoobiya waxaa ay fagaarro walba oo caalamka kamid ah ka sheegta
iney jeceshay nabad ka islaaxda geyiga Soomaaliya, iyadoo taas sabab ugu
dhiganeysa dowlada la’aanta Soomaaliya ka jirto iney saameyn ku yeelan karto
nabadgalyada dalkeeda haddii aan xal loo helin.
Kahor ku dhawaaqistii dowladii Carte lugu soo
dhisay Itoobiya arimaha Soomaaliya waxey u ahaayeen filin taxano ah oo hadba
marka uu ku dhawaado gunaanad ay dib u soo celineyso, sidoo kale Itoobiya waxaa
laf dhuun gashay ku noqotay dowladii halkaas lugu soo dhisay. Ayaan darrose
waxey noqotay markii ay dowladaasi gudan kari weysay dhaartii beenta aheyd ee
aay Carte kala timid “Ileyn dadku waa soomaali e”.
Halkaanna waxaa ka baxay hankii ay ummaddu u
qabtay dowlad awood badan oo soo celisa nabadii iyo sharaftii ay Soomaaliya
caalamku ku laheyd.
Nasiib darrase waxaa ay noqotay in markale la
yiraahdo waxaa la shirinaya kooxaha lugu sheego siyaasiinta ee 13-kii sanno ka
dhexmuuqaday siyaasadda soomaalida.
Dibindaabyada ay Itoobiya ku heyso dadka
Soomaalida ah intaa oo keliya kuma koobna ee waxaa sanadkii ina dhaafay
magaalada Mombasa ee dalka Kena ka dhacay qarax banbaano lala begsaday hoteel
ay degenaayeen dad israa’iiliyiin ah oo dhaawac iyo dimashaba keenay. Raiisal
wasaare ku sheega dalka Itoobiya ayaa isagoo maangaabnimo iyo cadaawad daran
lugu yaqiinay eeda dusha ka saray dalka Soomaaliya isagoo ku sheegay in kooxo
xag jira ay kasoo ababuleen.
Meles Zenaawi oo caan ku ahaa sanooyinkan
danbe naceybka soomaalida ayaa ku cel celiyey in dalka Soomaaliya ay ku sugan
yihiin ururo xirriir la leh Al-Qaacida,markii la su’aalay in uu hayo wax
cadeyn ah oo la xiriira eedeymahasi, waxa uu sheegay inaanu heyn balse ay
jiraan astaamo muujinaya in raggii fuliyey falkaasi argagaxiso ay kasoo duuleen
gudaha Soomaliya.
Sidoo kale Itoobiya iyo maamulka Zenawi-ba
waxaa ay dhibaato joogto ah ku hayaan guud ahaan siyaasada, dhaqanka iyo
jiritaanka ummada soomaaliyeed ee aan weli helin fursad ay ku dhameystaan
qilaafka siyaasadeed iyo arimaha u gaarka ah.
Shirka iminka ka socda dalka Kenya ee la
sheegay in lugu oo dhisayo dowlad soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka heysta arimo
badan oo xal loo heli lahaa waxaa hortaagan sidii dhagaxii xukuumada Meles
Zenawi ee iyadu caadeysatay iney geed dheer iyo mid gaaban u kori doonto
ciribtir-ka qaranka soomaaliyeed ee loolanka loogu jiro.
Hadii ujeedada ay Itoobiya dooneyso ay tahay
inaan la arag awood iyo qaran Soomaaliyeed waxaa mudan in Meles Zenawi aanu
arintaasi waqti badan iskaga lumin oo uu marro wadadii ay mareen kuwii isaga
talada dalkaasi kaga horeyey ee qarni iyo bar ka hor ku taami jiray baa’inta
dadka iyo dalka Soomaaliyeed welina aan arintaasi meel marinteeda wax ka fulin,
“Walow haddii ayan Soomaalida tashan ay iman karto iney arintaasi muddo
gaaban gudaheed”
Muranka ka dhex taagan gudiga loo xilsaaray
dastuurka cusub iyo dowlada la sheegay iney yeelaneyso waxaa weli si gidaar ah
hortaaagan Itoobiya iyo maangaabta ay adeesataba kuwaasoo ah cadwoga gaar
ahaaneed ee maanta u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho, haddii kalena arintu
ay si kale noqoneyso.
Halka ugu danbeysa ayaa waxaan ku suu
gunaanadayaa qoraalkeygan in marka ay timaado xukuumad caadil ah lala
xisaabtami doono shaqsiyaadkii cadowga ku ahaa dadka iyo duunyada kasokow
xukuumadda Tigreera ood moodo in Soomaalidu weligeed ku jirayaan bur burka
saameeyey min Qaran ilaa shacab.Hadana waxaa iman doonta xilli cidlwaba sugeyso
xisaab adag haddiise ummaddu ay noqoto mid weli kala saari la’ xaasidkeeda
iyo xabiibkeeda arinta Soamli Ilaahey bey leedahay
Dawacadii-se wareynta laga badiyaa waxey
cuntaa waxaraha iyadoo ka faa’iideysana “erya eryda” la leeyahay,
aaqirkiina keenta in laga shalaayo “ iish iish-tii tirada badneyd ee lala
taagnaa xerada korkeeda”.
“Ileyn Melis-ba waxa uu ahaa dhurwaa la
naash naashay oo dad badani ay ku hunguubeen Meles-ka la sheegay in 13 sanno ka
hor xaqooti ku ahaa Muqdisho welina ay raadinayaa dadka aan aqoonta fiican u
laheyn dawacadaasi!”
Waxaa Qortay:
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com
MAXAY
ISLAAMKA KU DOORTEEN.... SILSILADII QORAALADA IKRAAM
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Ardayda
Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda
Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|