SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Soomaali reer Minnesota ah oo Kirishtaan noqday.

Tarjumadii: C/raxman Ceynte | Ceyntejournalist@attbi.com 

June 13, 2003

islam Peace and Harmony Key Tenets of Islam Check ABC News

Minneapolis- MN. Axmed Max'd wuxuu saf ugu jiray dukaan laga adeegto markii nin kale uu garabka ka taabtay, weeydiiyeyna:

Ma Soomaali baad tahay?
Haa
Ma ku cusubtahay Minnesota?
Haa.
Maxaan Masjidka kuugu arki waayey?
Ma tago Masjidka!
Maxaa dhacay?
Diinta Kirishtaanka ayaan heystaa!
Oh.

Axmed Max'ed oo ah 38 jir soomaali ah ayaa ka tirsan soomaalida [fara ku tiriska ah] ee Minnesota iyo caalamkaba ku nool ee Kirishtaanimadooda cadeystay.

SOO ISLAAMIDII SICIID, DENMARK
WELIGEEY KAMA AANAN QOOMAMAYN ISLAAMKA AAN QAATAY
sidaas waxaa yiri Saciid Guji halkan

Axmed wuxuu heystaa dhalashada Mareykanka. Isagoo sheekadiisa ka qisoonayana wuxuu yiri " Dad badan baa igala hadlay arrinkan.Qaar ineey islaanimadii igu celiyaan beey rabaan, Qaarkale waa iska warjecli arrinkoodu. Sheeko weyn mahayo. Waxaan aaminay in Ciise (SCW) oo ilaah yahay". Isagoo noloshiisii Somalia ka sheekeynayana wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa reer weyn oo la xushmeeyo. "Subaxdii iskuul lagu barto aasaaska [waxbarashada galbeedka] galabtiina Dugsi Qur'an ayaan tagi jiray" Isagoo hadalkiisa watta wuxu yiri " Dadku wexeey aaminsan yihiin ineey hadalka ileeheey baranayaan, haddey bartaana eey waddadii saxda aheyd hayaan". Wuxuu sheegtay in intii uu Somalia ku dhaqnaa uu baadi goobay dad aan muslim aheyn oo soomaali ah. "meel kasta waxaan ku arkay Imaam Masjid oo Janno ka sheekeynaya" " waan weydiiyey- Janno halkeey ku taal? Markaan su'aalahaas jawaab u waayey ayaan go'aansaday inaan Ciise xertiisa kamid noqdo".

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI 

Wuxuu ku andocooday inuu qarin jiray dareenkiisaan waqti dheer. Wuxuu sheegtay ineey soomaali dhaqan ka tahay in dadku kala qarsadaan wexeey aaminsan yihiin, xitaa iyagoo hal saf salaad ugu jira.

"hooyadeey baan u sheegay markii danbe" wexeeyna iigu jawaabtay buu yiri " Wiil yar baad tahay. Maalin aan maanta aheyn baad soo baraarugi doontaa". Markii uu usoo guuray waddamo eeysan diinta islaamku ku badneyn ayuu billaabay inuu caddeysto. Markii uu Mareykan yimidna, wuxuuba shahaado jaamacadeed oo takhasus diinta kirishtaanka ah ka qaatay Jaamacadda caanka ee Princton University .

(Axmed wuxuu deggan yahay Minneapolis iyo agagaarkeeda, wuxuuna ka dalbaday qoraagii maqaalkan inuu qariyo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan shaqadiisa iyo halka uu ku nool yahay, dhibaato uu kabaqayo in loogu geysto Somaliya awgeed, ee Minnesota kama walwalsana)

BARO ISLAAMKA
| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)

Axmed wuxuu sheegay in muslimiintu eeysan ogeyn ineey janno galayaa iyo inkale" Muslimiintu Siraadul-Mustaqiimka iska haya ayaa lagu yiri; Hadhowna Alle ayaa go'aanka kama danbeysta ah iska leh. Taas baan aniga su'aal weyn igu noqotay. Maxaan u dhibaatoonaa hadaananba ogeyn halka aan ku socdo?" ayuu yiri. Isagoo markaas isku dayaya inuu Fahamka Kirishtaanka qeexana wuxuu yiri " Marka aad eegto diinta Kirishtaanka, waa naxariis uu Ciise ku siinayo oo laguugu dhaafayo danbiga aad gasho" ayuu yiri. Markale, isagoo Cadeeysanaya Kirishtaanimadiisa wuxu yiri " Ma aaminsani Ilaaha muslimiintu aaminsan tahay" " waan ogaa inaan mar Muslima ahaa".

Isagoo markale hadlaya ayuu yiri " Muslimiinta waan isku diidanahay wax walba. Ha yeeshee, waan xushmeynayaa qaab nololeedkooda, [waa dadkeeygii] ugu danbeyntiina, beni-aadam baan isla nahay, oo waan inaan is ixtiraamnaa".

Axmed oo markan u eg inuu ku wareeray madaahibta badan ee Kirishtaanka ayaa leh " Mar mar aniga xitaa waan ku wareeraa, waan maqli jiray ineey qeybo badan jiraan. qaarba qaarka kale ayeey eedeynayaan" wuxuuna qiray " Islaamku wali isma beddelin....".

Axmed oo markan u eg inuu ku wareeray madaahibta badan ee Kirishtaanka ayaa leh " Mar mar aniga xitaa waan ku wareeraa, waan maqli jiray ineey qeybo badan jiraan. qaarba qaarka kale ayeey eedeynayaan" wuxuuna qiray " Islaamku wali isma beddelin. qarnigii lixaad siduu ahaa buu wali yahay, wexeeyna taasi dhib ku noqotay dadka raba ineey maanta ku noolaadaan qarnigan, iyagoo maskixiyyan qarnigii lixaad shaqeynaya". Guud ahaan, Axmed Kirishtaanimada Mareykanka ma jecla " Qaladaadkasta oo jira, wali ilaahey baa jira" isagoo markaas isku biirinaya kirishtaanka kuwa ugu xagjira ee Evangalican-kana wuxuu yiri " Ka Evangalican ahaan, waxaan arkaa in la sii yareynayo fassirka Bible-ka".

DADKA SOO ISLAAMAY
Maxey ku doorteen Islaamka?
Akhri qoraaladii Ikraam Cali Kaar oo ah qoraa soo maaliyeed oo soo ururisay wanaaga Islaamka ee ay ay ku doorteen dadka soo Islaamay. GUJI 

Ugu danbeystii, Axmed Max'd wuxuu qirayaa kala qeybsanaanta Kirishtaanka Marykanka ee Evangalican-ka iyo inta kale " Waxbaa isku qasan halkan labada dhinacba; Protestanku dadkii baa ka sii cararaya, maxaa yeelay naf ahaan dadka ma quudiyaa. Dhanka kalena, Evangalican-ku wexeey dadka ku cadaadinayaan qaabka eey doonaan. Markaas baad arkeysaa siyaasadii oo Kaniisadda lala dhex marayo " !. Wuxuu ku soo khatimayaa " Waa meeshaas halka eey u baahan tahay diinta Kirishtaanku ineey wax ka qabato; Laakiin si walboo xaalku yahay, ma yeeli karno in la khalso Fassirka diinta Kirishtaanka".

Xigasho: Startirbune

KAAH

F.G: Maqaalkan waa mid aan soo turjumay oo kaliya, masuulna kama ahi waxa uu xambaarsan yahay.

F.G: Meelaha aan calaamadaha [ & ] ku suntay waa hadallo xaqiiqda ka fog oo wariyaha ama qofkii laga sheekeynayey uu iska sameystay.

Turjumaadii :
C/raxman Ceynte
Minnesota

Ceyntejournalist@attbi.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2003

Afeef: Linkiyada dhinacyada kala socda waa ka madax bannaan yihiin warkii asalka ahaa.

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

 


 

Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD