SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOORMAY HABOONTAHAY BEELAYSIGU AMA QABYAALADDU?

Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com 

June 9, 2003

KAAH

Sidii caadada u ahayd Somalida baryihii hore qabyaaladu waxa ay ahaan jirtay aqoonsi ama ID. Marka ay marti ama qof socoto ihi uu gabalku u dhaco reer ugu dhaw ayuu ku hoyan jiray, waa la soo dhawn jiray oo waa loo gogol digi jray sooryo ama cuna la siin jiray cidu ama beeshu doono ha ahaadee,oo gogol fiican lagu seexin jiray inta waagu baryayo.

Inkasta oo ay Somalidu caado xun soo lahayd marka ay noqoto qabyaalda oo beelaha Somalida qaar ka mida la hayb sooci jiray ama la yasi jiray , hadana kolay martidu beesha ay doonto ha ahaatee waa la soo dhawayn jiray, oo Somalidu waligeed xaga martida deeqsi bay ku ahayd.

Marka qudha ee ay beeli beel maagi jirtay waxa ay ahayd marka geel lakala dhaco ama nin beel ka soo jeedaa nin kale oo beel kale ah dilo, taas oo marka hore inta aan dagaal dhicin oday dhaqameedyadu geed wada fadhiisan jireen oo geela la isu celin jiray ,magna la kala qaadan jiray.Goortaasi waxa ay ahayd intii aanay Somalida dawladi u dhalan.

Hadaba kadib markii ay Somalidu xornimada heshay ee ay Somaliland iyo Somaliya isku darsameen, ayaa waxaa timid dhibaato ay dawladnimadu wadatay ama la timid, taas oo ah waxa bilaabmay in koox beel ka soo wada jeedaa ay xukinkii gacanta ku dhigto oo ay dad beeshooda uun ka soo jeedaa ka faa ideen dhaqaalihii wadanka oo dhan , colaad iyo karaahina ku beerto beelihii kale , taas oo ah sababaha u wayn ee ay maanta Somalidu isku aamini la 'dahay.Dhibaatadaasina waxa ay bilaabantay isla dhawr sano markii xornimada la qaatay.

Kadib markii uu Siyaad Barre afgambiyay dawladii hore , waa kii ku dhawaaqay in qabyaaladdi la aasayo , oo daku siinaan doonaan ,taas oo ay aad u soo dhaweeyeen Somalidii ,garaahaan beelihi la quudhsan jiray, sida Midgaha, Tumaal , Gabooyaha iyo kuwii kaleba isna yidhaadeen maanta ayaad helaysaan dawlad Somali u dhantahay oo aan ku dhisnayn qabyaalad.

Nasiibdaro waa tii dhawr sano kadib kacaankii isku badalay dawladbeeleed, bilawdayna in ay layso beelo Somaliyeed , beelo dhul laga qaatay iyo barro bixin ay bilawday, taas iyaduna aad u sii xoojisay is aamin la aantii beelaha , colaad iyo nacayb abuurtay.

Iyada oo ay tahay ama ahaan jirtay in laga xaragoodo beelaysiga ama qabyaaladda , ayna haboontahay in lab qof ku saxiibaan DABEECADDA IYO ISFAHAMKA , ayaa dawlidii Siyaad abuurtay in dadkii kala amin baxaan, oo qofka qudha ee aad amini kartaa uu noqddo mid aad isku beel tihiin, haddii laga hadlayo siyaasad iyo haddii kaleba.

Haddii ay maanta dhacday dawladdi Siyaad ee ku dhisnayd beelaysiga ,ee u xaydatay in ay dad Somali ah u layso beeshaas ayay ka soo jeedaan awgeed , waa in Somaliland iyo Somalia ay u noqotaa cashar ,ogaadaana dhibaatada ay leedahay , iyo jaahilnimada ku jirta in dad loo dhibo ama loo naco waa reer hebel awgeed, ama dhulkooda loo qaato iyada oo loo taag sheeganyo.

Waa aynu ognahay waxa ka socda Somalia , in dad Somaliyeed loo xoog sheegtay , oo dhulkoodii laga bara bixiyay , iyada oo sal looga dhigayo waanu idinka badanayhay, xoogna lagu haysto dhulkoodii.

Somalida qudha ee ay maanta u haboontahay , ama aanay ceeb ku ahayn in ay isbeelaystaan ama qabiil isku raacaan, waa dadka xaqoodii, ama xuquuqdoodii loo diiday reer hebel baad tihiin awgeed. Halgankooduna kama duwana , kii Koonfur Afrika, Falastiin, Israa' iil iyo Maraykanka maddow .

Maanta Somalida qudha ee aan lagula yaabin, qabyaald ama beelaysiga waa beelaha loo xoogsheetay ee Somalia iyo beelaha waligoodba la soo cadaadin jiray . dadnimadoodana la qudhsanjiray, sida Midgaha , Gabooyaha iyo Tumaalka, ha ku noolaadeen Somaliland ama Somaliaba.

Ugu dambayntii waxa aan Somaliland iyo Somaliyaba u soo jeedinayaa in si dhakhso ah wax looga qabto dhiibaatada haysata , dadka Somaliyeed ee ka soo jeeda beelaha , Midgaha, Gabooyaha iyo Tumaalka, gaar ahaan caruurtooda , loona sameeyo ilo dhaqaale iyo waxbarasho , lana ogaysiiyo in ay Somalida la simayihiin ama kaba fiicayihiin.

Waxa kale oo aan u soo jeedinyaa , fanaaniita Somaaliyeed ee qurbaha ku nool in ay adduunka ku wareegaan , oo ay heeso iyo ruwaayado soo bandhigaan, lacagta

ugu deeqaan, ururada u dooda xuquuqda beelaha Gabooye, Tumaal ,Midgaan iyo kuwa kaleba , caruuraha iyo farasmoyaqaanada u dhashay beelahaas ee ku Somaliland iyo Somaliyaba.

Maanta inay arintan wax ka qabato Somaliland wadadeedii ayay haysaa oo waxa aad moodaa in ay dad badan u codeeyeen doorashadii madaxtooyada iyaga oo aan eegin beesha musharaxa , waxtarkiisa iyo xisbiigiisa mooyee. Halka Somaliya ragga ku shirayaa Keniya nin walba matalo ama ka socdo beel ama jufo.

Mahamud Samatar | samatarapt@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 9, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

“QUURSIGU QIIL MA LEE YAHAY”
Shir aad loo soo agaasimey oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta Jaamacada Minnesota ayaa sabtidii lagu qabtay Minneapolis, kaas oo ... GUJI... June 2

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD