Taajir Reer Djibouti ah oo Ugu Baaqay
Ganacsatada Reer Somaliland in ay wax ka Iibsadaan Ganacsatadda Reer Djibouti
...
Waxaa
isku soo dubaridey:
abdiaziz ahmed
mousa
abdiaziz2@hotmail.com
June 8, 2002
New-Delhi-8.5.2003 Garyaqaan Mohamed Ahmed
Dahir Baxsane Oo ka Mid ahaa ganacsatadii Reer Djibouti Ee Uu Hogaaminayey
Madaxweyne Ismail Omer Gelle Oo Waraysi Aan kula Yeeshay Hotel-Taj Ee Bombay
Hindiya ayaa Ugu Baaqay Ganacsatadda Reer Somaliland in Ay Ganacsigooga u Soo
Duwaan Djibouti oo Uu Ku Tilmaamay Hoyga Aaminiga Ee Ganacsiga Qaaradda Afrika.
Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane oo ka
Soo Qalin jabiyay Jaamacadda Magaaladda Paris Ee Shuruucdda Ganacsiga Caalamiga
ahi waa Ganacsade Reer Djibouti ah Ganacsi weynina uga Socodo Somaliland
..Mohamed Ahmed oo ka waramaya Socdalaaka uu ku yimid Hindiya ee uu kula Socday
Madaxweyne Geele ayaa Yidhi.
Anaga Shirkadayda Baxsane waxa ay Xidhiidh
Ganacsi oo Soo Jireen ah la lahayd Dalkan Hindiya oo waxanu ka qaadanaa Halkan
Sonkorta iyo bariis-kaba ..waxa kale oo Aanu ka Qaadanaa Moto-yinka kuwa loo
yaqaan Kinetic-ka Markaa Anagoo Sidaa Xidhiidh-kaygu ahaa ayaa Dawladda Hindiya
oo Si weyn u Daneynaysay Xidhiidh-ka Jamhuuriyadda Djibouti Ee Ganacsi ayey
Hindiya Soo Casuunta Madaxweynahayga Mudane Ismail Omer Gelle ..waxanan Soo
Raacnay Madaxweynaha Angoo ka Mida Ganacsatadda Halbowlaha u ah Dalkayga.
Garyaqaan Mohamed Oo Aan waydiiyay Sababta Uu
Ugu Baaqayo Ganacsatadda Reer Somaliland?? waxa uu yidhi...
Djibouti Ganacsatdooda may lahayn (LC) Oo
Dhibaato wax ay ka haysatay Dakadda Dubai..oo ay Haystay Jamal Cali ..Tusaale
.....Nin Caraba ayaa ka Soo waaridaya Sonkorta Brazil ka Dib Dakadda Dubai ayaa
lagu Soo Dajinayaa waxana sii Iibinaya Dilaalin Caraba Oo la Odhanayaa Iibiya
..kadibna Dilaalintaa oo lacag Saartay ayaanu ka Iibsanaa Anagu .Hadaanu nahay
Ganacsatadda .markaa Anaguna Ganacsatadii yar yaryd ayaanu ka Sii Iibinaa ..
taasina waxa ay Keentay in Raashinku Qaali Noqodo Maadama ay Gacmo Badani Sii
kala iibsanayaan ....
Markaa Imika Intii ay JAMAL CALI Dakadda
Maamulkeeda Qabatay Waxa yaraatay Gacmihii badanaa Ee Sii kala Iibsanaayey oo
Anagaa Imika Toos u Soo Waaridayna oo Keenayna Dakadda jibouti ..Markaa Halkii
ay Ganacsatadda Reer Somaliland u safri lahayeen Dubai Oo ay Gacmo Badani ka
Sii kala iibin lahaayeen waxa uga Faa,iida Badnaanaysa imika oo Uga Dhawaanaysa
halkan Djibouti ..in ay ka iibsadaan oo ay Dhigtaan Alaabtooda ileyn Djibouti
waa Dakadd Aamina Oo Caana ka Ah Afrikee...waa Sida uu Hadalka U Dhigay
Garyaqaan Mohamed Ahmed Dahir Baxsane.
Dhawaan waxa la Furayaa Dakadd kale oo la
Yidhaa Port-Daarale. oo 8 km u Jirta Dakaddii Hore Taasina waxa ay Inoo
Fududaynaysaa Haddanu Ganacsatadda Djibouti ..in Aanu alaabtayadda Dhigano
Bakhaaradda Dakadaa oo Culays-ka ka Qaadno Dakadan Imika.
Mohamed Ahmed Dahir Baxsane waxa uu yidhi
Waxanu jeclnahay inaan Xidhiidh Fiican la yeelano Reer Somaliland oo ah
walaalahayo..anagu Hadaanu nahay Ganacsatadda Ma Naqaan Siyaasadd waxanu ku
Koobanahay Ganacsigayaga waxanu yidhi Cidii Naga Doonaysa Inaanu ganacsi
wadaagno waxa ay Kala Soo Xidhiidha karaan Baxsane Company Djibouti..
telephone :352526 Ama fax 354788 E-mail atodj@intnet.dj
waxa waraystay
Abdiaziz Ahmed Mousa
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
QORAALADII HORE EE CABDICASIIS
|