SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
Hadashay, laakiinse waxba maadan kordhin!

Jawaab Qoraalkii Ceynte ee "Tartanka Madaxweynanimada Soomaaliya iyo tayada tartamayaasha "

Miicaad M. | marasheeg@hotmail.com | June 2, 2003

KAAH

Salaan,

Waxaad maqaal ku qortay somalitalk aad ugu magac dartay "Tartanka Madaxweynanimada Soomaaliya iyo tayada tartamayaasha"

Aragtidaadu waxba kama duwana midda kooxo yar ee Xamar jooga ka dhaadhacsan, mana aha mid ka hadashay tartamayaasha iyo tartan madaxweyne toona...

Waxaa nasiib darro ah isla markaasna ah nasiib wanaag in maanta qofkasta wuxuu doono qori karo..Sida qoraha cinwaankan sare iska leh..Laakiinse markasta waxaan dhiirigelinayaa qofkasta oo wax qora!

Aragtidaaduna waxay ku egtahay taageerida aragtida dhowr nin oo Xamar jooga sida C/qaasim iyo Ina Darmaan, waana wax laga xishoodo in aragti jifo hoose ku salaysan inaad la soo shirtagto...

Waxaa haboonaan lahayd inaad caddaysato kooxaha Xamar jooga mida aad ka taageersantahay, haddaadan la socon maanta soomaali isma taqaan, Gobolo baa dagaal ka socdaa, kuwa baa leh dhowr iyo toban dhiigyacab(Xamar), Qaar baa leh nidaam iyo kala dambayn, qaarbaa soo afjaray dagaalo hoose oo ka dhexeeyey...

Marka soo ma haboonaan lahayn in dadka ku abtirsada kooxaha Xamar isku haya (sida adiga ookale) inay ka fikiraan sidii bal magaalada Xamar kaliya nidaam loogu samayn lahaa?

Mise waxaad isleedahay Dawlad dhexe baa nidaam u samaynaysa?...Mise 'nin laga qadariyo DC' baa kuu samayn?...Xamar waxaa laga aaminsanyahay haddii ninku af-ingiriisi yaqaan, dabagaabna xirto inuu yahay nin laga qadariyo meelo badan!!!

Miicaad M. | marasheeg@hotmail.com | June 2, 2003 

-dhammaad-

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk | June 2, 2003 

Tartanka Madaxweynanimada Soomaaliya
iyo tayada tartamayaasha: waa link saxda ah ee faaladii C/Raxmaan Ceynte.... Guji  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD