SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ajinebi Somali kuu ma’ toli karo
Somali baa wax ka dhigi karte haka fogaan.

Ali Shirwa | shirwa_ali@hotmail.com

KAAH

 

Guud ahaan dan yarta Somaliyeed meel kastey joogan Woqooyi, Bartamaha, iyo Koofurta foog ee Somalia. Aamin la’aanta iyo nabadgelyo xumida waa laga wada siman yahay. Xaaladdu wexey mareeysa heerkii ugu xumaa ee “Wax Ummad isku Tilmaama ama sheegta la gaarsin Karin, baanu gaarney.” Waa very unfortunate, shameful oo aan ka hadal baa laheyn.

Wadanka duruufaha heysta ma’aha mid uniform ah. Meel walba dhibka heysta nooca cilladaas jirta iyo astaamaha ay u leeyahay Gobol kaasta waa gaar. Waxa se laga wada siman yahay waa dhinaca Cudurada, Gaajada, Biyo la’aanta, Daawo la’aanta dad iyo Duunyo, Shaqo la’aanta Nabad la’aanta iyo Siyaasad xumada reer walba oo Somaliyeed daxleen. Qaab xumidaas lagu wada nool yahay wexey salka ku heysa neceeb fara badan oo abuurmey mudooyinkii dambe, shakki, aamin darada, ka soo jeeda siyaasiyiin danta guud iska indha saabey oo tooda gaarka mooye, aan mid kale u muuqan. Heerarka u Shiciibkii Soomaliyeed maanta maraayo, waa meel lagu qiiyaso in geeridu ku siman tahay kaabiga guriga inta u shaqsiga ku nool u jiro. Waxaa naxdin kale leh, oo aan marna laga shakiyin gooraha laga sheekey-sanaayo nabadgelyo xuma taala iyo foofka subaxdii loo baxo qurus raadiska (waa uun baryo, dil ama dhac ileen shaqo loo foofo ma’ jirto). Goortaas foofka giriga looga baxaayo, marna in nabad lagu soo laaban doono xisaabta laguma daro (Ileen dalkii baa godob iyo colaad socda noqdey).

Ummadaas walaalaha ah meeshey kala gaaren oo lagu hubsadey alla xumaa (Heerkaas marka la kala gaarsiyo ayaa dilaalku macaasha. Waa meel aan la filan Karin, xitta kuwa Gaalada sheegana, kuwa aan Diinba aaminsaneyn ama lahayn baan weligood gaarin meesha aanu kala gaarney.

Nasiib daradaas nagu habsatey; Goor walba oo aan xasuusto ama dareen u yeesho xaalada meeshey mareyso, aad baan u danqadaa. Waxaa lay horkeena, Imanka iyo aaminsanata umaddaas Somaliyeed u hayan dinta Islaamka, diyaar na u yihiy inuu ku shihiido una dhinto difaaca diinta. Waxaa ilaa yaab noqotey; Inigoo ah Ummad Muslin ah, ku abtirsata Muslinno !00% oo Dalkeenu wada yahay, oo weliba Imaan iyo Bisin ku Dhashey. Waxaa iga daadici la’, imaan la’aanta aanu caadeysaney, beenta, belaayo caabudka (midiidin), Shaqsi ka guuxa, maxaa intaas oo fal xun oo illahey lagaga fogaado inagu jaribey, weli ma’ isweydiiseen?

Beryahan dambe waxaa Maatada Somaliiyeed lagu seexiyaa ama loogu sheekeeya, carabkeenuna u badan yahay iyadoo kalsooni lagaga raadsanaayo Shiciibkaas masaakiinta ah, iyagoo lagu seexinaayo oo la leeyahay “Dowlad Somaliyeed baanu dhiseynaa waxa na wata oo dhisaaya Dawlaadaas Somaliyeed. “Midba af bu ku hadlayaa Mushruucaas kaga gadiyaa.” Warkaas wuxuu ku aruuriya oo saldhig looga dhigaa, Dowlado Reer Galbedka ah, Carab ama Africaan baa na wata oo heshiis wada gaarney.”

Karasaay iyo Afganistaanba labadaba Reer Galbeed waa u socon la’dahay Iraaq na ka daran. Ku cibri qaado Your own experience halka mustawahaagu maraayo maanta. “Dhib u Dhis, ma’ hawl yara, Karasay waa iibsami la’ yahay.” Wax walba oo la qabto shu’uunta Ummada ayey ka dhisanta. Dawlad iyo dal la dhiso wexey ku xidhan tahay rabitaanka shacabka. Xoog iyo Qabiil sannadkii sadax iyo tobnaad baanu la mareynaa oo aan weli waxba dhismin. Waxba lama dhisi karo inta aanu kala daadsan nahay. Ogaada, “Biyo gacmahaaga ayaa laga dhergaa, yaan loo hanqal taagin Ajinebi baa Soomali wax kaaga dhigi doona.” Haddii Ajinebi Cid wax ka dhigi karaan, Alla ha u raxmo Gen. Caydiid baa Reer Galbeed u hirgeli lahaa, ileen waba wateen. Mar-marka qaarkood waxaan la yabaa. “Nin wax dooniya, oo waxa uu dooniyo agoon”. Kaaga daranee aan garan karin cidda iyo qofka la jira. Waa sidii ku dhacdey Gen. Ceydiid, markuu kala saari kari waayey Saxiibkiis oo lix sannadood qol yar oo 2X2 ka soo wada toosi jireen, liiinna ku wada cabeen. Weliba ku bedesho oo aaminey, af hayeenna ka dhigto Ninkaas cusub oo eyan is-agoon. Marna Genenku isma oran kuna riyoon, iney ninkan cusub miisba ku soo wada fadhiisan karan oo wada hadal dhax mari karo. Waa taase, ku quusta.

Dumis saaacado ayuu qaata, Dhismo-se sannado ayaan loo xal helin. Waa meesha qarankii Somaliyeed ku dambeeyey ama maraayo.

Qore: Ali Shirwa | shirwa_ali@hotmail.com

QORAALKII HORE EE CALI SHIRWAC.... GUJI

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD