Maamulka Puntland waxay u baahanyihiin in la baro Economics 101: Miicaad M. |
marasheeg@hotmail.com
Waxaan maqaal aan aad ula yaabay ka akhriyey
shaashada ku hadasha codka
Dawlad Goboleedka
Puntland, kaas oo ahaa in la joojiyay ruqsada ganacsiga ee
Isgaarsiinta,
Mudanaha wasiir-xigaha ee soo saaray
wareegtadaas waxaad moodaa inuusan fahmin ganacsiga xorta ah, iyo horumarku
inuu ku xiranyahay inaan la hor-istaagin ganacsiga xorta ah.
Waxaa dhowaan aad u ololeenaayey in arinkaas
lasoo jeediyo (Duopoly) labada shirkadood ee ugu weyn Puntland sida Galkom, iyo
shirkada Cali Khaliif Galaydh ee marba magac la baxda.....
C/shakuur Mire Aadan wuxuu ku andacooday
"iyada oo aanay dalka ka jirin baahi
isgaarsiineed" iyo dhinaca dhaqaalaha oo ay keeni karto dhaqaale burbur ama
wiiqan ku yimaada shirkadaha hadda ka jira DGPL, si fiicanna reer Puntland uga
haqabtiray dhanka isgaarsiinta"
Wasiirku wuxuu sheegay inaysan baahi
isgaarsiineed jirin (demand), sidoo kalena wuxuu noo sheegay in la haqabtiray
dhinacii isgaarsiinta Puntland (supply), iyo in laga hortago inay wiiqmaan
shirkadaha jira!...
Haddii C/shakuur runtiis ay tahay in baahida
isgaarsiinta ee Puntland la haqabtiray, waxaan shaki kujirin in qiimaha
telefoonka uu hoos u dhici lahaa sida Xamar oo uu tagay 45cents, waxaa kaloo
dhici lahaa in shirkado badan ka baxaan suuqa, dadkuna helaan service hagaagsan
oo ka firfircoon kan ay labada shirkadood hadda siiyaan shacabka reer PL.
Dawlad Goboleedka Puntland, haday ku darsatay
shaatigii Askarinimada mid kale oo ah Central Planning..Shuuciyad, waxay ila
tahay inay samaysan doonto cadaw badan....
Dadka isticmaala isgaarsiinta (consumers)
waxaa marwalba u fiican in "ay shirkad cusub soo gasho suuqa, qiimaha
telefoonku wuu dhicin, shirkadii kalena tartan cusub bay gelin"..
Mudane C/shakuur Mire Aadan waxay ahayd inuu u
taagnaado danta shacabka ee ma ahayn inuu maanta noqdo af-hayeen u hadla,
difaaca, isla markaana u eexda labo shirkadood oo muddo haystay Duopoly.
Dikireetada Wasiir-xigaha waxay kasoo
horjeedaa qaanuunka Puntland ee malaha uusan akhrisan:
"QODOBKA 95AAD
HABKA DHAQANDHAQAALE
EE SUUQA XORTA AH
1. Puntland waxa ay ku dhaqmaysaa habka
dhaqandhaqaale ee suuqa xorta ah, waxayna dhiirigelinaysaa,
damaanadna siinaysaa maalgelinta dalka, mid shisheeye iyo mid sokeeyeba.
2. Habka Ganacsigu waa tartan furan.
3. Waxaa reebban qodob ka hor imaanaya tartanka ganacsiga."
Maadaama wasiir-xiguhu ka horyimid qaanuunkii
u yaaley DGPL, soo ma haboona in C/shakuur raalli geliyo shacabka Puntland
amase uu iska casilo mas'uuliyadda uu hayo!
Miicaad M. |
marasheeg@hotmail.com
QORAALKII HORE EE MIICAAD....
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|