SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Hinaasaha siyaasiyiinta odayaasha ay ka hinaaseen musharraxnimada aqoonyahanno dhallin yaro ah
KAAH


Tan iyo markii ay billaabatay in waraaqaha musharraxnimada la soo gudbiyo , waxaa jirey dhallin yaro aqoonyahanno ah ooo soo gudbistay hankooda ah in ay noqdaan madaxweyne soomaaliyeed .

waxaa arrintaasi ka hinaasay oo isku dayey iney isbaaro ayan dhalli yarada gudbi karin hordhigaan qaar ka tirsan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee shirka jooga iyo kuwo ka tirsanaa wasiiradii dowladdii Siyaad Barre, waxeyna wataan -si loo hanjebiyo aqoonyahannada dhallinta yar-iney IGAD ay ka dhaadhiciyaan inshardi looga dhigo qof kastoo musharrax ah inuu keeno $US 100,000 doollar oo diboosid ah oo aan loo soo celineyn .

1- marka hore Dustuurka kuma qorna .

2-suuro gal uma aha iney ka ansixiyaan shirka guud iyo ka saxiixayaasha 23ka ah .

waxaa intaa dheer markuu warkaasi faafay waxaa ka carooday 99% ergada shirka joogta oo ku hanjabtay haddii la horkeeno shirka guud isagoo xeer jajab ahmaadaama uusan shardiga ay wataan dustuurka ku qorneyn ,ayna dag tahay lagu qoro ay ku gacmo seeri doonaan .

waxaa jira siyaasiyiin ku hanjabay haddii ay IGAD isku daydo iney ka aqbasho si ay uga ansixiso shirka23ka saxiixayaasha ay ku gacmo seeri doonaan ansaxinta arrinkaasi si fursad loo siiyo aqoonyahannada dhallinta yar. waxaana siyaasiyiintaasi ka mid ah :

  • 1-Xassan Abshir -wasiirka 1aad ee TNG
  • 2-Mowliid Macaane -Guddoomiyaha SAMO
  • 3-Xuseen Maxamed ceydiid -'' USC/SNA/SRRC
  • 4-Osmaan Xassan Ali atto - '' USC/SNA
  • 5-Cumar Maxamed Finish - ''' USC/SSA
  • 6-Mudane Jaamac Cali Jaamac
  • 7-Mudane Jaan Go'an

dhalinyarada aqoonyahannada ayaga dhinacooda waxey wataan iney IGAD ay hordhigaan 3 shardi in lagu kordhiyo shuruudaha musharraxnimada waxeyna kala yihiin :

1- Inuusan Musharraxu aheyn gacan ku dhiigle

2-inuusan dhicin hanti qaran iyo mid shacab

3-inuu ugu yaraan haysto shahaado jaamicadeed .

kuwa ku doodaya in $US 100,000 diboosid la dhigo aynu is weydiineen waxey ka mid ahaayeen wasiirradii dalka ama saraakiishii millateriga mushaharka ay ku haqeynayeenna weynu wada naqaan , ma is weydiinay halka ay ka keeneen lacagtaasi? , imisa ayaa akawkooda ku jirtaa ? soo ma aha hantidii qarankaiyo tii shacabka oo ay dhaceen waxa ay ku faanayaan .

dhallinyarada iyagaa ahaa malleeshiyadii dirireysay , 99% inta dagaallada ku dhimatay waa iyaga , 99%waxii ku naafoobay waa iyaga , dhaqaalaha ay beelaha iska ururshaan gude iyo dibadba waa dhallinyaro , maxaa u diiday iney hoggaanka dalka soo ceshadaan oo ay yeeshaan hankii ay lahaayeen dhallinyaradii SYL, oo ay ka xorroobaan odoyaasha ka shaqeynaya kala qoqobidda dhalinyarada.

waayo ilaa iyo hadda lama hayo odey siyaasi ah oo yiri anigu howlgab ayaan noqday jiilka cusub ayaan fursadda u banneynayaa.

Warkaan waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey assiyaasa_newspaper@yahoo.com  

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh assiyaasa_newspaper@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 26, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD