SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
BARO XUQUUQDAADA
KAAH

 

LABO OGEYSIIS: SOOMAALIDA MINNESOTA, KASOO QAYB GAL KULAN MUHIIM AH

OGEYSIISKA 1aad:

Kulankan waxaad wax badan ka ogaan doontaan arimaha la xiriira baaris cusub ee lagu bilaabay dadka xareeyey Asylumka ee raba inay qaataan Green Card, ama dhalashada Maraykanka. Sidoo kale, sharicyada la xiriira qaanuunka cafiska marka ay wax ka khaldamaan siiba qaadashada Green Card iyo Jinsiyadda iyo sharciyada cusub ee la xiriira Wasaaradda cusub ee Nabad sugidda Dalka Maraykanka (HomeLand Security Department ). Heynta iyo Tarxiilidda Dadka aan waddanka u dhalan iyo asbaabaha qofka lagu dhoofiyo.

Waxaad kaloo wax ka baran doontaa halka uu marayo Jamac kayskiisa iyo dhoofinta soomaalida.

Sidoo kale waxaad baran doonta xuquuda la xiriirta helidda nafciga dowladda ee dadka waaweyn, mashraaca shaqada ee dadka waaweyn. Garyaqaano iyo dad waayo arag u ah arimaa ayaa halkaa iman doonta kana jawaabi doonaan su'aalaha aad qabto.

Goorma: June 28, 1:30pm-4:00pm Duhurka Sabtida

Xagee: 420 15th Avenue South, Brian Coyle Community Room, Minneapolis, MN

Martida Barnaamijka

Karen Ellingson: Proff. Immigration Law ka dhigta Jaamacadda Minnesota iyo Garyaqaan xuquuqda la xiriira arimaha Immigration.

B.J. Kuhn : Garyaqaan arimaha xuquuqda dadka waaweyn La xiriira nafciga dowladda laga qaato.

Hassan Mohamud : U doodaha xuquuda immigrantiga ee Mashruuca Qaanuunka Immigrationka ee Legal Aid Society of Minneapolis. [Email:  Hmohamud@midmnlegal.org ]

Wixii faah faahin ah la xiriir: Jabril Moalim at (612)746-3727

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Waxaa barnaamijka diyaariyey Legal Aid Society of Minneapolis oo ay la shaqeynayaan Muslim American Society in Minnesota (MAS) iyo Confederation of Somali Community. Waxaa barnaamijka qayb ka mid ah kaalmeeyey THE METROPOLITAN AREA AGENCY ON AGING iyo MINNESOTA DEPARTMENT OF HUMAN SERVICES AND REFUGEE SERVICES.

 EEG KULANKII HORE EE BARO XUQUUQDAADA EE LAGU QABTAY MINNEAPOLIS.... GUJI..


OGEYSIIS 2aad

 Muslim American Society MN Chapter
4100 East 66th Street
Inver Grove Heights, MN
Phone: 651-457-7170

DIINTA ISLAAMKA IYO KU NOOLAANSHAHA QURBAHA

Waxaan dhammaan muslimiinta ku nool gobolka Minnesota la ogeysiinayaa in fasax July 4,2003 la qaban doono kulan Islaami ah oo lagaga hadlayo:

1-Qoyska iyo Tarbiyada Caruurta
2-Dhalinyarada iyo Dacwada Islaamka
3-Calaamadaha Qiyaamaha iyo Isu diyaarinta Aakhirada
4-Mashruuca Dacwada ee Muslim America Society (MAS) ee Minnesota.

Culumada Ka Hadleysa

1- Sheekh Hesham Hussein Madaxa Ururka MAS-Minnesota
2- Sheekh Omar Faqiih Imamka Masjidka Omar Ibnul Khatab
3-Sheekh C/raxman Maxamud-Macalin Masjid Omar Ibnul Khatab
4-Sheekh Xasan Jaamici Imamka Masjidka Al-taqwa
5-Sheekh Ahmed Taajir Imamka Masjidka Ummu-Muhammad

GOOBTA Masjidka Ummutu-Muhammad
315 Lake Street East, Minneapolis,MN55404

MAALINTA Jimcaha ee ku aadan July 4,2003

WAQTIGA Salaadda Casirka, 5:30pm

Wixii faahfaahin ah la xiriir Sh. Ahmed Taajir (612)388-1447 ama Mahdi Mujaahid:(612)332-91111 ama Liban(Mahad Dish):(612)296-5852.

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD