SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FINLAND
Kaah Express Finland oo heshay Shatiga Xawilaadda

 

KAAH

Shirkadda Xawaaladda ee Kaah Express waxaa farxad weyn u ah inay la socodsiiso amaba ku wargaliso dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, in ay Shirkadda Kaah Express noqotay Shirkad ku guulaysata Laysanka ama Shattiga lacagxawilaada.ee wadanka Finland Taas oon runtii kumagacaabi karno Guul Weyn oo u Rabbi usoo hoyiyay Shirkadda iyo dhammaan macaamiisheeda ay u adeegto.

Guushaasina waxay Shirkadda u suurtagalinaysaa in wixii hadda kadambeeya si cabsi la'aan ah oo aan shaki ku jirin oo waliba hufan loogu adeegi doono Shacabka Soomaaliyeed loona gaadhsiin doono lacagtooda eheladooda meel kasta oo ay joogaanba.

Wakiilladda Shirkadda Kaah Express u fadhiya Waddanka Finland Abdihakiin Sheekh Maxamuud iyo Muxsin Cali Dubad ayaa sheegay inay iyagu juhdi iyo dadaal dheeraad ah ku bixiyeen isla markaana uu Rabbiga awoodda lihi ku guuleeyay. Waxay wakiilada Kaah ee Finland ay intaa ku dareen in wixii hadda ka bilawda ay Shirakaddu ka baxday nidaamkii hore ee aan sharciyaysnayn kuna shaqayn doonto nidaamka aduunka waynaha caanka ka ah ee loo yaqaano: MONEY TRANSFER 

Sidaas daraadeed waxaan marlabaad ugu bishaaraynaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guushan laxaadka leh ee Rabbi usoo hoyiyey. Shirkadda Kaah Express. Waxay guushani u sahli doontaa haddii Rabbi idmo inay mustaqbalka adeegii ay u adeegi jirtay macaamiisheeda sii labanlaabto.

Gagabadii waxay Shirkadda Kaax Express marlabaad macaamiisheeda sharafta leh leedahay: Bishaaaaaaaaaaaro

Mahadsanidin,

Wakiilada Kaah Express Finland
Cabdixakiin Sheekh Maxamuud Xirsi
Muxsin Cali Dubad (Awqudub)

Fadlan la xiriir Xarunta Kaah Express-Finland oo ah Sida hoos ku qoran

Kaah Axpress Oy
Seljapolku 5 C 32,01360 Vantaa
Tel.+358-405347225
Ama
Tel.+358-504623478
Office +358-9-41101791

Email. kaahfinland@hotmail.com  


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

KAAH EXPRESS  

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2003

  

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD