SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Musharaxow maxaan kuugu doorannaa?

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

ceyntejournalist@attbi.com 

June 20, 2003

 

KAAH

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu si alaah iyo sugid la'aani ku dheehan tahay meel walba uga wardhowrayaa waxa ka soo baxa Kaamka eey ku xaraysan yihiin qabqablayaasha afduubka ku heysta shacabka ee Nairobi.

Shalay oo 18 bisha June eey aheyd ayeey aheyd inuu Ambassador Bethwel Kiplagat ku dhawaaqo Dowladda Lixaad ee Somalia (1-Somaliland. 2-Puntland. 3-Carta. 4-Darmaan-Land. 5-Deerow-land). Laakiin wuxuu qabsaday illaa iyo dhamaadka bishan ama billowga bisha July. Shirku hadda waa fool oo sagaal bilood buu jirsaday. laba ninna weey guursadeen hasha Maandeeq inteey uurka sagaal bil jirka ah wadday (Amb. Elijah Mwangale & Amb.Bethwel Kiplagat) Hadii uu July gaarana, waxaaba suura gal ah in Maandeeq sey kale loo baadi goobo. Maxaa yeelay warar hoose ayaa sheegaya in Seyga imminka talada u hayya Maandeeq uu qaati-billaahi ka taagan yahay. Hadii uu illaa iyo dhamaadka bishan raalliyo ka dhigi waayana, lagaba yaabo inuu iska fasoxo. Tolow halkee oday kale looga heli doonaa? Ma ogi wallahi!

Sidaas iyadoo Maandeeq xaalkeedu yahay, ayaa misana waxaa isu soo sharaxay inuu Maandeeq wiilkeeda baarriga ah noqdo 31 qofood. Intooda badani waa ilmo eeysan Maandeeq aqoon dheeraad ah u laheyn.(Qurbo joog) Qaarkoodna waa kuwo hore eey u inkaartay (Qabqablayaasha Dagaalka). Maandeeq 13 sano ee ugu danbeeyey, 14 mar baa la nikaaxay.(14-shir) Mid walba furiin dagaal lagu hoobtay wata buu ku danbeeyey. Hadda, wexeey ka taagan tahay; Armaabad nin Ajnabi ah (Itoobiya, Masar, Yemen, Mareykan IWM) iska guursataa, si uu ilmahaaga dayacan kuula koriyo? Illeeyn garoobnimo ka soo daashaye? Wali go'aan kaas meeysan qaadan, wexeeyse u egtahay ineey taa ka fursan doonin. Maandeeq Hadii uusan Caalamku u soo gurmanin aad beey u rajjo xun tahay. Nasiib darro, Caalamku wuxuu ka badin la'ayahay: Argagixiso, Ciraaq, Al-Qacida, SARS iyo dabcan buugga eey Hillary Clinton ka qortay Seygeedii gogol dhaafka sameeyey!

Intaas oo Musharrax kadib, Shacabka soomaaliyeed wuxuu is weydiinayaa: Musharraxow maxaan kuugu doorannaa? Maxaad ka qaban doontaa Afduubka xad-dhaafka noqday ee Shaqooyinka Muqdisho kamid noqday? Maxaad ka qaban doontaa Daroogada lagu beero Soomaaliya? Maxaad ka qaban kartaa nabad galya xumada ka jirta guud ahan Soomaaliyada Koonfureed? Maxaad ka qaban doontaa Qabqablayaashan qoryaha Lidka Dayuuradaha u isticmaalaya Lidka Dadka? Maxaad ka qaban doontaa Quursiga iyo takoorka baahay ee Soomaaliya oo dhan? Maxaad ka qaban doontaa Qoxootiga 2 Malyuun ku dhow ee ka maqan waddanka? Maxaad ka qaban doontaa ......? Su'aalahaas iyo kuwa intaaba dhaafsiisan ayaa ku dhex wareegaya maskaxda Soomaalida gudaha iyo Dibaddaba. Musharrax qura oo intaas iyo in u dhowba jawaab u haya anigu wali ma arag. Weey jirtaa ineey kala roonyihiin oo is dhaamaan. Dabcan intaad gacan ku dhiigle dooran laheyd, dooro ganacsade ama Garsoore hore oo ciyaareed midkaad doontaba. Liiska Musharaxnimadu wuu buux dhaafi rabaa. Warka ugu wanaagsan ee an maqlayna wuxuu yahay in lagu soo oogay musharixiinta shuurdo eey kamid yihiin ineey da'a ahaan 40 jir yihiin.(X.Ceydiid baal halkaas ku baxay!) Ineey shahaado Jaamacadeed heystaan iyo in aaney danbi ka dhan ah beni-aadanimada soo galin. Seddexdan shardi oo kaliya hadii eey dhab noqdaan, waxaa sidaas wareerkooda kuugu daayey dhamaan hogaamiye kooxeedyada aad magac taqaan.

Soomaalida qurbaha ee awooda u leh ineey dacwooyin ka dhan ah raggan sameeyaan waxaa la gudboon ineey maxkamadaha Belguim-ka ee aan xuduudaha laheyn ka dacweeyaan raggan dhiigya cabyada ah. Xitaa Mareykanka iyo Minnesota ayaa sharci ahaan dacwo waa looga soo oogi karaa. Amnesty International-na dorraad ayeey dowladda Kenya iyo EU-daba ka codsatay inaan la dooran kuwa "Danbiyada ben'aadanimada geystay". Qabqablayaashu wexeey sidoo kale iyana wadaan dadaal eey ugu jiraan sidii aan maxkamado loo soo taagi laheyn. Wexeey diideen ineey saxiixaan Axdi KMG ah oo guddiga Iswaafajintu qoreen, kaas oo dalbanaya in Baaritaan lagu sameeyo kuwa geystay danbiyo ka dhan ah Beni'aadanimada. Wexeey ila tahay in la soo gaaray waqtigii eey shacabka laba arrimoodba suuragal u aheyd (1) Waa midda horee ineey dacwooyin ku oogaan Qabqablayaasha, iyagoo heysta tusaalayaal dhab ah, Sida midda lagu oogay Col.C/lahi Yusuf ee London, UK ka aloosan. (2) Ineey shacabku -iyagoo sii maraya kuwa xildhibaanada u sharraxan ee shirka dhooban- eey ku cadaadiyaan ineeysan dooran Qabqable dagaal. Caalamkana loo dirsado qeylo dhaan ka soo jeedin karta maahsanaanta looga jiro arrinta Soomaaliya.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceyntejournalist@attbi.com
 
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2003

 

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD