SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Jaamac Cali Jaamac oo  oo Isu Sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya

jcjDAWLAD G. PUNTLAND EE SOOMAALIYA 
XAFIISKA MADAXWEYNAHA

PUNTLAND STATE OF SOMALIA
Office of the President

18th 06, 2003

MGPL/NB/0231

Mbagathi-Nairobi

  • Ku: Dhammaan Ergooyinka Soomaaliyeed eefadhiya madasha shirka Mbagathi-Nairobi.
  • Ku: Dawladaha IGAD
  • Ku: Jaamacadda Carabta
  • Ku: Midowga Africa
  • Ku; Wakiilka Dawlada Mareykanka ee shirka Mbagathi/Nairobi.
  • Ku: Wakiilka Midowga Yurub ee Shirka Mbagathi /Nairobi.
  • Ku: Dhammaan Saxaafada Madaxa banaan
  • Og: Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

Ujeedo: Murashaxnimada M/weynenimo Ee Mudane Jaamac Cali Jaamac

Haddaan taariikhda Soomaaliya dib u milicsano waxaan soo galney halgan aad u adag, si aan u hanano gobanimadeenii, Rabbi qaadirna waa nagu garab galay, taasina waxay aheyd galladihii iyo nimcadii Eebbe na siiyey mid ka mid ahayd, 30 sano dabadeed ayaa dawladii naga burburtey, iyada oo ay sabab u aheyd cadaalad yari, maamul xumi iyo hogaankii oo naga marin habaabay, burburkaas waxaa uu na badey qaran jab, qabyaaladdii oo sii gaamurta iyo colaad sokeeya oo aan dabkeedii damayn.

KAAH

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaan soo taabanay gidaarkii xumaanta, waxaana garwaaqsaney in aan qarnamida iyo wada jirka bulsha weynta Soomaaliyeed laga maarmayn, iyada oo iminka aan golaha Mbagathi ee Nairobi u fadhino dadaal aan isku dayeeyno sidii aan mar labaad u soo celin lahayn sharafteennii qaranimo ee luntay, waxaana Illaahay mahaddii ah in kulligeen maanta ay naga daacad tahay xaqiijinta soo celinta qarankeenii, waxaan Eebbe ka baryayaa howshaas culus inuu nagu garab galo miro ka dhalinteeda.

Sida muuqata waxaa hadda la soo gaarey gebabada wada hadalkii aan mudada 8dda bilood ah ku soo jirnay, waxaana shaki la'aan la soo maray wado dheer oo dhib badan, waxaa ayagana dhibkaas mid ka daran muddo 13 sano ah ku soo sabrayay dadka Soomaaliyeed ee ku soo bara kacay dagaalladii sokeeye ayadoo kuwo badanna ay naftoodii iyo hantidoodii ku waayeen dagaalladaas, kuwaasoo maanta rajo weyn ka qaba inuu shirkaan noqdo mid mira dhala oo ay ku halmaamaan wax kasta oo ay soo mareen, sidaas daraadeed ayaa waxaa nala gudboon inaan meel iska dhigno oo ka tagno danaheenna gaarka ah oo u soo jeesanno danta guud ee ummadda Soomaaliyeed ee ku hoos dulman naf-jeclaysiga dad yar oo sheeganaya inay yihiin hogaamiyeyaashii ummadda.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha xaqa ah ee Dowlad Goboleedka Puntland, (ee sida sharciga ah loo soo doortay) mudane, Jaamac Cali Jaamac, waxaa sharf ii ah in aan si rasmi ah idiinku cadeeyo in Madaxweynaha DGPL, Mudane Jaamac Cali Jaamac uu maanta isu taagey qaadista mas’uuliyadda xilka culus ee hogaaminta ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna uu si rasmi ah uga mid yahay murashixiinta Soomaaliyeed ee ku tartamay qabashada xilka jagada madaxweynanimada dalka iyo dadka Somaaliyeed.

Waxaan ognahay in xilka noocaan ah uusan ahayn mid lagu degdego, siiba marka la fiiriyo xaaladda uumaanta ku suganyahay dalka iyo dakaba,

waxaan Ilaahey ka rajeyneynaa in ergooyinak shirka Mbagathi fadhiya uu Ilaahey solonsiiyo xaqa iyo halka ay danta ummadda Soomalyeed ku jirto, isla markaasna natiijada shirka ay noqoto mid ay ummadda Soomaliyeed u aaydo, waxaa kaloo aan halkaan ka cadeynayaa anigoo afka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya Mudane Jaamac Cali Jaamac uu balan qaaday in hadddii xilkaas loo doorto uu ka shaqayn doono horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed, gar-soor loo simmanyahay iyo guud ahaan dhismaha iyo hour marinta dalka, sidaasoo kalana wuxuu balan qaaday haddii aan isaga la dooran in qof kasta oo xilkaas ay ummadda Soomaaliyeed u dhiibato uu hiil iyo hooba la garab istaagayo.

Guul iyo Israac.

 
Cusamaan Yuusuf Max'uud

La-taliyaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, 
Mudne:
Cusmaan Yuusuf Max’uud.

 Qoraalkaan kala xiriir: warsame707@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Guul Ku Dhamaaday.... GUJI 


Jaamac Xassan Khaliif oo Isu Sharaxay madaxweynaha Soomaaliya


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD