Shirka Labaad ee Wasiirrada
Dalalka Ugu Horumar-ka Liita Aduunka Oo Ay Somaliya ka qayb-gashay,
Waxaa
isku soo dubaridey:
abdiaziz ahmed
mousa
abdiaziz2@hotmail.com
June 16, 2002
Midig..wasiir-ka ganacsiga Bangaldesh..Dhexda Wasiir Dawlaha Ganacsiga TNG iyo caasha Xaaji Xaashi..La taliyaha Koowaad Ee Safaaradda New-Delhi
|
Caasimadda Dalka Bangladesh Ee
Daka Waxa ku Soo Gabogaboobay Shirkii wadamadda Ugu Horumar-ka Liita Aduunka (Least Developed
Countries(LDCs), Shirkaasi waxa uga Qayb-galay Somaliya Wasiir
Dawlaha Ganacsiga Dawladda Ku Meel Gaadh-ka ah Ee Somaliya H.E.Mr. Mohamed Abdi
Sheikh Muhumad iyo Mrs. Caasha Xaaji Xaashi, Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda
Soomaaliya, New Delhi.
Shirka labaad ee Wasiirrada
waddamada caalamka ugu horumarka liita, oo Soomaaliya Meel Danbe kaga Jirto,
waxa loo qabtay in la mideeyo mowqifka LDCs ay la tegayaan shirka WTO( World
Trade organization) oo lagu qaban doono magaalada Cancun, Mexico, bisha
September 2003.
LDCs dhaqaalahoodu 70% wuxu ku
saleysan yahay beeraha; waddamada horumaraynay wax soo-saarkooda beeraha waxay
ku kabaan 1 billion maalintiiba(saca Yurub waxay dawladdu ku bixisaa 2 dollar
kan Jaban-na 7 maalintii).
Wasiirrada LDCs waxay soo saareen
"Dhaka Declaration" oo sal u noqon doono wadaxaajoodka ay la yeelan
doonaan WTO.Arrimahaa baaqa lagu codsanayo waxa ka mid ah in laysku raaco:
In loo ballaanqaado wax
soo saarka LDCs in uu galo suuqyada canshuur la’aan iyo xaddid la’aan.
In la xalliyo arrimaha la
Xidhiidha hirgalinta iyo in si gaara loo tixgaliyo wax soo saarka LDCs
si ayan u noqon kuwa caalam ka hadha in la siiyo gelitaan aan joogta
ahayn ee suuqyada waddammada horumaray dadka xirfadda yar leh ama
xirfadla’aanta ah ee LDCs iyo in la aqoonsado shahaadada xirfadlaha.
In la siiyo kaalmo
dhaqaale iyo teknolojiyo si ay sara ugu qaadaan wax soo saarkooda oo uga
dhigaan mid u qalma suuqyada waddammada horumaray.
In la joojiyo deeq
cunto(Food Aid) haddii aan duruufo khaas ah jirin , madaama ay
waxyeelleynayso beeralayda.
In wixi ku saabsan
hirgalinta ballaanqaadyada iyo wajibaadyada la tixgaliyo durufaha LDCs
oo aan lagu kallifin wax ayan qaadi karin.
Arrimaha ku saabsan ganacsiga
oo la wado waa kuwo aad muhiim u ah oo Imikaba waddammo badani ay ka faa’iidaysteen,
waxana ay waxtar u yeelan karaan waddan leh wax soo saar uu iib geeyo.
xoolo nool intii la dhoofin
lahaa waa in la dhoofiyo hilib, maqaar laga shaqeeyay iyo lafo iwm. |
Waftiga Somaliya waxa uu kula
Talinayaa ganacsatada, iyo Maalqabeenadda Soomaliyeed Oo Kaashanaya Dawladda
in Ay Siiyaan ahmiyad weyn sida ugu wanaagsan Ee ummadda looga faa’iidayn
karo. Waxa jirra mashariic farabadan oo loogu tala galay sidii LDCs ay wax
soo saarkooda u kala duwi lahaayeen qiimana ugu kordhin lahaayeen tusaale:
xoolo nool intii la dhoofin
lahaa waa in la dhoofiyo hilib, maqaar laga shaqeeyay iyo lafo iwm..).
Waftiga Somaliya waxa ay la
Kulmeen intii ay Joogeen Bangladhesh wasiir-ka Ganacsiga Ee Dalka
Bangladhesh H.E.Mr. Amir Khosssru Mahmud Chowdhury oo ay ka Wada Hadleen
Sidii Kor Loogu Sii Qaadi Lahaa Xidhiidh-ka labada Dal Ee Somaliya iyo
Bangladesh
Waftiga Somaliyeed waxa ay u
Mahadnaqayaan H.E. Mr. Salebaan Omar Oudine, Wasiirka Ganacsiga Ee
Jamhuuriyadda Djibouti iyo Mr. Hassan Doualeh, Wakiil u qaabilsan UNCTAD,
Geneve, kuwaas oo si Fiican Ugu Soo Dhaweeyay Waftiga Somaliyeed Shir-ka
Wadamadda Ugu Horumar-ka Liita Ee ku Soo Gabgaboobay Caasimadda Dalka
Bangladhesdh...Ee Daka.
Abdiaziz Ahmed Mousa
Hindiya
Abdiaziz2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
QORAALADII HORE EE CABDICASIIS
|