Mareykanka oo
masaafurinaya Qaali hore oo Soomaaliyeed
Tarjumadii: C/raxman Ceynte | Ceyntejournalist@attbi.com
June 13, 2003
Washington (Reuters): Qaali Mareykan ah oo
socdaalka qaabilsan oo magaalada San Diego ee Gobolka California ayaa amray
[June 12, 2003] in la Misaafuriyo Qaali Millatari oo la soo shaqeeyey Dowladii Millatari
ee Siyad Barre, isagoo lagu tuhmay inuu geystay danbiyo ka dhan ah xuquuqda
aadamiga.
Cabdi Cali Nur Max'ed oo loo yiqiin (Qaali Nuur) wuxuu
ahaa qaali waqtigii Siyad Barre. "Mr. Max'ed waxaa lagu heystaa inuu gacan
siiyey xasuuq shacbi aan waxba galabsan, meel u dhow magaalada Hargeysa ee
Soomaaliya" ayeey yiraahdeen xafiiska Socdaalka iyo Ilaalada xuduudaha.
Mr. Max'ed ayaa la sheegayaa inuu aqbalay in la Misaafuriyo, isla markaana uu imminka ku xiran yahay xabsi eey Dowladdu
leedahay. Sida eey warbixintu sheegtay. Afhayeenka Waaxda Socdaalka ayaa ka
gaabsaday inuu ka faalloodo inta sano ee uu Qaalli Nur joogay Mareykanka iyo
xaaladiisa sharci ahaaneed sideey aheyd.
"Baaritaankani wuxuu muujinayaa in Waaxda Sodaalka
iyo Wasaaaradda Ammaanka gudahaba eey ka go'an tahay inuusan waddankan gabbaad
nabad ah u noqdo kuwa xusuuqyo beni'aadanimada ka dhan ah geystay" ayuu
yiri Micheal Garcia. Sii-hayaha Waaxda Socdaalka "Waa muhimmada koobaad
inaan ka taqallusno kuwa danbiyadaas foosha xun geystay" .
Waaxda Sodaalka iyo ilaalinta xuduudaha oo la dhisay
kagadaal markii lakala diray Waaxdii Socdaalka iyo dhalasha-siinta ayaa askunta
xafiis si gaar ah u baara danbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadaha.
Xigasho: CNN
Soomaali
Reer Minnesota ah oo Gaaloobey
Axmed Max'ed oo 38 jir ah oo u dhashay soomaali, hadase haysata dhalasha
Maraykanka ayaa.... Guji...
F.G: Maqaalkan waa mid aan soo turjumay oo
kaliya, masuulna kama ahi waxa uu xambaarsan yahay.
F.G: Meelaha aan calaamadaha [ & ] ku suntay waa
hadallo xaqiiqda ka fog oo wariyaha ama qofkii laga sheekeynayey uu iska
sameystay.
Turjumaadii :
C/raxman Ceynte
Minnesota
Ceyntejournalist@attbi.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2003
Afeef: Linkiyada dhinacyada kala socda waa ka
madax bannaan yihiin warkii asalka ahaa.
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|