Cali Khaliif Galaydh oo Booqday
Portland, Oregon.
Qore: Abdallah Mohamed | shariif88@yahoo.com
Oregon
June 12, 2003
Cali Khaliif
Sawirka: clcb |
Waxaa maalintii Arbacadii la soo dhaafay ee
bisha juun ay ahayd afarta ku yimi booqasho gaaban magaalada Portland ee
gobolka Oregon Ali khaliif Glaydh. Ali Kaliif Glaydh oo ay garoonka dayuuraha
ee caalamiga ah ee magaalada Portland ay ku soo dhaweeyeen xubno iyo odoyaal ka
socday bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaas.
Isla duhurnimadii uu yimid ba Ali Khaliif
wuxuu la hadlay qaar ka mid ah dadwaynaha Soomaliyeed ee ku dhaqan magaaladaa,
Isaga oo isla markaas na kormeer ku maray hay’adaha la shaqaya qaxootiga.
Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ahaa, International Refugee Community Of
Oregon oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano IRCO. Waxaa warbin gaaban halkaas ku
siiyey Maxamed Amiin oo ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya hay’daas.
Maxamed
Amiin wuxuu sheegay in ay hay’adani u shaqayso dhamaan qaxoodiga dunida
meelkastaba ha ka yimaadaane, wuxuuse ku nuux nuuxsaday in qofwalba loogu
shaqeeyo afkiisa hooyo. Intaas ka dib Ali khaliif wuxuu u gudbay qolka shirarka
ee hay’adaas, halkaas oo ay dadwayne badan oo soomaliyeed ku sugayeen. Waxaa
halkaasi ku soo dhaweyey rag badan oo oda’yaal ah, waxaana ka mid ahaa
jeneraal Muuse Abdi, danjire Abdikariim Barkhadle, Abdicasiis Olol diinle iyo
Kayse Jaamac oo ka socday ururka Community Language and Culture Bank oo
isugu ahaa ururkii soo marti qaaday Cali Kaliif.
Waxaa markii ugu horaysay hadalkii qaatay
Abdicasiis Olol diinle oo ku hadlayey magaca shacabka ku nool Porland, isaga oo
sheegay in ay sharaf wayn u tahay in ay ku soo daweeyaan Ali khaliif magaalada
Portland, waa sida uu hadalka u dhigay e. Intaas ka dib waxuu cod dheereeyaha
ku soo dhaweeyey Kaysa Jaamac oo isaguna halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey Ra’isal
wasaaraha. Ali khaliif oo intaas kadib la hadlay dadwaynihii isugu yimi wuxuu
uga xogwaramay guud ahaan ujeedada safarkiisa oo uu ku tilmaamay mid martiqaad
oo uu ka helay ururka CLCB.
Ali khaliif wuxuu intaas ka dib si qotodheer ugu
waramay xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaliya iyo guud ahaan siyaasada gobolka
geeska Africa. Wuxuu si kulul u dhaleeceeyey xukuumada Itoobiya oo uu isagu ku
timaamay mid u tafa xaydatay in aan dowladi ka dhalan dhulka Soomaliyeed.
Wuxuuna ku tilmaamay ujeedadeeda mid ku wajahan mid dhaqaale iyo siyaasadeed.
Ali wuxuu ugu danbayntii sheegay in dani ay ugu jirto xuukuumada Itoobiya in ay
ka waantowdo hagardaamooyinka ay ku hayso dalka Somaaliya, isaga oo sheegay in
aan labada shacbi kala maarmin. Sidoo kale Ali khaliif wuxuu niyad xumo ka
muujiyey shirka haatan mudada dheer la isu cidiyo qoranayey ka socday dalka
Kenya. Ali wuxuu sheegay rajada kaliya ee shirkaasi leeyahay waa hadii bulshada
caalamku hirgaliso wixii ka soo baxa balse hadii lagu dhaafo Soomalida uu mari
doono wadadii ay mareen shirarkii ka horeeyey. Ali wuxuu si gaar ah u amaanay
shirkii ka dhacay dalka Jabuuti oo u ku timaamay mid ka dhashay rabida shacabka
Soomaliyeed, wuxuuse sheegay wixii ka soo baxay in ay is hortaageen kuwo u
adeegaya dano shisheeye oo uu ula jeeday dagaal oogayaasha gacansaarka la leh
dalka Itobiya.
Ali Khaliif wuxuu sigaar ah u amaanay shacabka
Somaliland oo uu ku tilmaamay shacab u tafo xaytay sugida amaankooda.
Ali khaliif waxuu kale oo uu ka hadlay laba
Jaamicadood oo ku yaala magaalada Portland. Jaamicada Portland State University
oo ka hadlay habeenimadii shanta bisha juun, Cali wuxuu marlabaad aad u
dhaleeceeyey xukuumada Itobiya iyo siyaasadeeda ku wajahan dalka Soomaliya.
Waxaa iyaduna halkaas ka hadashay gabadha la yidhaahdo Stephanie Stephens oo ku
hadlaysay magaca Community Language and Culture Bank. Stephens waxay halkaas ka
sheegtay in ururkoodu uu ka shaqaynayo isfahamka dhaqamada kaladuwan iyo in ay
aqoontooda is waydaarsadaan. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Kayse Jaamac oo
ah ninka aas aasay ururka CLCB oo isagu sheegay in ururkoodu isagu danaynayo
Arimaha bulshada.
Warbixintii: Abdallah Mohamed | shariif88@yahoo.com
Oregon, USA
Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
WARARKII HORE EE PORTLAND
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|