Madaxweynino mise Wasiirka
Koowaad? !
Cabdulqaadir Abiikar
ABUKARAAh@aol.com
London
June 10, 2003
La yaab ma laha murashaxiin badan inay u soo
ban baxaan doorashada madaxweynaha Somaliya. Muddo 30 sano ah Somaalidu waxay
ku soo dhaqantay "habka madaxweynenimo":- Presidential Model.
Labdadii "constitution" ee 1960 kii iyo 1979 kii waxay siinaayeen
awoodda ugu sarreysa ee waddanka Madaxweynaha waddanka. Taas waa dhaqankii
siyaasadeed ee Somalida soo martay.
Qaabkaas waxaa ka duwan hab kale oo loo yaqaan
Baarlimantaariyaan oo siinaya awoodda ugu sarraysa waddanka Prime Ministerka (Wasiirka
Kowaad), madaxweynuhu awoodiisa way kooban tahay.
Musharixiinta Madaxweynenimada way degdegeen:
Laakiin waxaa la yaab leh in murashaxiinta ay isu soo sharxaan Madaxweynenimo
iyadoo aan la arkin Dastuurka Federalka ah modeelka uu yahay: Presidential mise
Parliamentarian systems! Marka dastuurka la arko oo laga doodo, ayaa
murashaxiinta ay dhihi karaan waxaan u tartamaynaa Madaxweyne mise Wasiirka
Koowaad. Mar kastana qasab ma aha dhaqankii siyaasadeed inaan mar kale raacno.
Itoobiya in badan oo quruun ah ayay Boqortooyo ahayd, ka dibna isu badibna ay
isu bedeshay Hab Madaxweynenimo ah (authoritarian presidential system). Haddase
waxay ku dhaqantaa hab Barlamantari ah. Wax diidayo ma laha inaan isu bedelno
hab Baarlamantari ah, laakiin aniguna ma garanayo wax ku qoran dastuurka cusub
oo aan weli laga tashanin (oo aan la horgeynin ergooyinka Shirka Mbagathi,
Kenya. Taas waxay keenaysaa dhammaan murashaxiinta madaxweynenimada inay isu
beddelaan Wasiirka Koowaad, haddii uu dastuurka siiyo awoodda ugu badan
Wasiirka Koowaad.
Doodda iyo ansaxinta dastuurka cusub waxaa
samayn doono ergooyinka shirka Mbagathi, lamana yaqaano goorta la gudo gali
doono hawshaas. Maanta(markii qoraalka la qoray) waa 7da Juun, waxaana ka
harsan 11 maalmood maalinta uu yiri Mudane Kiplagati dawladda ayaan dhisi
doonaa.
Qarsoodi: Waxyaabo badan oo shirkan ku
saafsan ayaa qarsoodi ku socda; waqtiguna aad buu u yar yahay. Taasna waxaad
mooddaa inay ku talo gal tahay, si aan loo helin waqti ku filan in lagu ruugo
arrimaha adadag, sida dastuurka. Mareekanka oo in badan ka cago jiidayay
arrimaha Somalia, ayaa maslaxadiisa si degdeg ah u noqotay inuu ka caawino
Somalida sida ay u sammaysan lahaayeen dawlad. Arrintaana waxay xiriir la
leedahay waxa ka dhacay Mombasa oo u eg dhacdadii Bali (Indonesia). Mareekanka
waxay qabaan geeska Africa khatar weyn ayaa ka jiraysa, haddii Somalida si
degdeg ah aan lala dhisin dawlad. Tani waa isbedelka dheeraad ah oo siyaasadeed
ay US sammaysay ka gadaal Dacdadii Mombasa, Kenya. Taasi waxaa ka sii horraysay
isbeddelkii siyaasadeed ee Ameerikaanka ee Somalia diiradda radaarka soo
geliyay ka dib 11kii Sebtembar 2001.
HAMBALYO AROOS:
Anagoo kala ah yusuf maxamed ibrahim(yusufbaxwal) iyo xaaskiisa siraad
saciid ,ciise maxamed jaamac iyo xaaskiisa canab maxamed cabdi,maxamed
saciid faryaamo,cabdi gani axmed faarah iyo muse darwiish waxaan halkaan
ooga diraynaa hambalyo iyo bogaadin arooska mahad saciid cabdi rahmaan iyo
khatra maxamed cabdi oo aqalgalkooda uu ka dhacay dalka kenya magaalada
nairobi 09.06.03 waxaana leenahay arooskooda allaha ka dhigo kii waara oo
ubad kheyr qaba kala hela aamiin aamiin aamiin.
Hambalyada arooska waxaa loogu hagaajin
karaa bashiirey1@hotmail.com |
Ciidan nabadda ilaalinaya? Dawladda
laga galbinayo Nairobi 1da July 2003 oo la gaynayo Somalia, ma hanan kartaa
dawlad nimadeeda oo dhan? Ma ku soo celin kartaa waddanka dhammaantiis xukunka
qaanuunka? Waxaa muuqata dawladdaas inay u baahan tahay ciidan Afrikaan ah oo
maalgelintiisa ay bixinayso beesha caalamka inta laga sammaynayo ciidan waddani
ah. Beesha caalamka diyaar ma u tahay taas?
Mugdagaan dhawaan waa laga bixi doonaa, marka
arrintaan falkeeda la gudo galo.
Cabdulqaadir Abiikar
ABUKARAAh@aol.com
London
Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
Ardayda
Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda
Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji
June 9
|