SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Xadaafiir uu Maray Nin Looga Shakiyay Al-qaacida
Waxaa af-Soomaali u tarjumay
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com

 


Khalif Abdi Hussein
[SAWIRKA: NATION]

Nin dhalashada dalka Kenya haysta, oo shan asbuuc lagu haystay saddex dal oo kala duwan kadib markii si khalad ah looga shakiyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-qaacida, ayaa BBC-da af-ingiriisiga uga warramay dhibaatadii uu maray.

Mr. Khalif Abdi Hussein, oo da’diisu tahay 40 jir, ahna macalin Muslim ah, asal ahaanna Soomaali kasoo jeeda, ayaa isaga iyo afar kale lagu xiray dalka Malawi bishii June, ka hor intii aan dalkaas laga qaadin.

Masaafurinta raggaas ayaa dalka Malawi ka dhalisay mudaharaadyo rabshado wata.

Isaga oo ka hadlaya arrintaas, kadib markii uu ka soo tegay caasumadda dalka Suudaan ee Khartuum kuna sugan Nairobi, ayaa Mr. Khalif Abdi Hussein wuxuu u sheegay BBC-da (qaybteeda Shabakadda Barnaamijyada Afrikaanka) in naxdin iyo sas ay ugu horreysay markii uu maqlay albaabka oo la qaraacayo saacaddu markay ahayd 0200, bishii June ee sannadkan.

Wuxuu yiri, “Qof ayaa cod qeylo ah ku yiri, “albaabka fur!”, waxaan weydiiyay cidda ay ahaayeen, waxayna ii sheegeen in ay ka socdaan waaxda Sodcaalka (immigration)”.

“Way soo galeen waxayna baareen gurigeygii. Waxay qaateen dhammaan dukumiintiyadeydii, buugaagteydii, xaashiyaheygii, iyo teleefoonkaygii gacanta (mobile phone)”.

‘Mushkiladda Waaxda Sodcaalka’

Mr. Xuseen wuxuu sheegay markaas ka dib in la xiray oo booliisku la wareegeen, laakiin wuxuu sheegay in booliisku aysan u caddayn sababta loo xiray.

Wuxuu yiri, “waxay sheegeen in laygu haysto dhibaato xagga sodcaalka la xiriirta. Laakiin ma’ aanan fahmin waxa ay ula jeedeen dhibaato xagga sodcaalka la xiriirta. Kadib waxay ii kaxeeyeen saldhigga booliska, halkaas oo aan kula kulmay saaxiibbadey – afartii kale oo aniga layla xiray”.

Muddo ilaa shan asbuuc ah, xubnaha qoysaska shantaas nin ma awoodin in ay ogaadaan meel ay ku sugan yihiin, iyadoo ay jireen warar tibaaxayey in lagaba yaabo in loo duuliyay saldhigga mareykanka ee Guantanamo Bay, halkaas oo loo qaaday dad badan oo looga shakiyay Al-qaacidda.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo qareenno ayaa qaaddacay kana horyimid go’aankii dowladda ee shantaas nin dalka looga duuliyay waxayna dalbadeen in ay ogaadaan meesha loo qaaday.

Laba toddobaad (fortnight) ka hor, dhibaatada Mr. Xuseen ayaa looga dooday baarlamaanka dalka Kenya, dowladduna waxay markii dambe ku dhawaaqday in halka lagu hayo ay tahay Harare oo ku taalla dalka Zimbabwe.

Mr. Xuseen oo ka hadlaya sidii loo kaxaystay ayaa yiri, “halkaas - Blantyre, (Malawi) waxay nooga sii gudbiyeen Lilongwe (Malawi). Markii aannu nimid Lilongwe indhaha ayay naga duubeen (blindfolded), madaxana dhar ayay nooga dabooleen.

Mr. Xuseen wuxuu sheegay in shantooda laga shakisnaa aan loo sheegin sababta loogu gudbinayo dalka Zimbabwe.

“Waxba nooma sheegin. Markii ay diyaaradda nagu qaadeen waxaan u maleynay in ay dib noogu celinayaan Malawi. Muddo bil ah ayaannu joognay dalka Zimbabwe”, sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.

‘Mareykan maynaan arag’

Laakiin Mr. Xuseen wuxuu beeniyay warar sheegayey in loo gudbiyay saldhigga mareykanka ee Guantanamo Bay ee dalka Cuba.

“Qof ahaan, ma aanan arag dad mareykan ah.

“Iyaga (Ciidanka Amniga ee Malawi) ayaa noo gacan geliyay mas’uuliyiinta dalka Zimbabwe, oo iyagu shanteennii meelo kala duwan nagu xiray”, sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.

Afar asbuuc ka dib, dhammaan shantii nin ee laga shakisnaa ayaa laga soo qaaday Harare waxayna is arkeen iyagoo jooga garoonka diyaaradaha ee Khartuum ee dalka Suudaan.

“Waxay rabeen in ay naga helaan wax nagu xiriirin kara ururka Al-qaacida. Laakiin waa ay ku guuldarreysteen, sababtoo ah wax xiriir ah nagama dhaxayn innaga iyo Al-qaacida”, sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.

‘Ma aanan noqon Al-qaacida’

“Waxay noo kaxeeyeen meel fiican waxayna na siiyeen wax kasta oo aan u baahnayn – markaas bayna noogu fiicnayd – innaga”, sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.

Kadibna dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in shantii nin lagu hayo Khartuum, iyo in si dhaqsi ah lagu sii deyn doono.

Sida la sheegay, madaxweynaha dalka Malawi wuxuu qoysaskii shantii nin ee Al-qaacida looga shakiyay ka raalli geliyay dhibaatooyinkii loo geystay.

Maalintii Arbacada ahayd, Mr. Xuseen iyo afartii kale oo lala xiray ayaa lasii daayay waxaana loo sheegay in ay xor u yihiin in ay aadaan guryahoodii.

Mr. Xuseen ayaa wuxuu yiri, “waxay noo sheegeen in aysan nagu helin wax caddeyn ah oo ay nagula xiriiriyaan ururka Al-qaacida”.

Warkii hore ee Khaliif Xuseen... GUJI

Tarjumadii: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
| abdulfatah@yahoo.com

English Version: http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/3116753.stm  

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2003

Afeef: Sawirada madaxweynayaasha waa sawiro hore.

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD