SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DKMG AH, AHNA FEDERAALKA EE SOMALIYA

A.O.Dirie bakool55@hotmail.com

KAAH

 

 1992dii ayey UNka ku talisay in Somaliya loo dhiso dawlad federaal ah lehna 4 ama 5 maamul gobol oo ku dhisan in ay israacdo inta israbta.

Habkaan federaalka ah ayaa waxaa ku dhaqma wadamo badan oo ay ka mid yihiin Jarmalka, Mareykanka, Hindiya iyadoo waliba Talyaaniguna rabaan in ay u wareegaan habkaan federaalka ah.

Dhanka geeska afrikana waxaa ku dhaqma wadanka aanu deriska nahay ee Itoobiya balse dastuurkeedu kaga la mid aheyn kuwa aan soo sheegay oo ay qawmiyad walba ay xor u tahay in ay gooni isu taagi karto marka ay doonto.

Isbedelkaasna wuxuu yimid markii la riday kaligii taliyihii hore ee Mengistu oo cadaabta ku hayey Somalida halkaas ku dhaqan, kuwaas oo maanta heysta xuquuq badan oo waagii hore mustaxiil aheyd in ay helaan sida afka somaliga oo iskuulada lagu dhigto, xafiisyada oo looga shaqeeyo iyo waxyaabo la mid ah kana mid tahay astaanta calanka Somaliya oo iyagu astaan u ah inkastoo waxyaabo badanna ay ku waayeen jahawareerka siyaasadda Somalida ee qabyaaladda ku dhisan iyo dawlad la'aanta Somaliya ka taagan.

Habkaan federaalka ahna wuxuu heli doonaa taageerada Somalida oo dhan marka laga reebo kuwo tiro yar oo waxyaabaha hoos ku qoran aad ku garan doontid :-

1.Somalida oo dhan oo sas ka qaaday xukunkii adkaa ee Siyaad Bare.

2.Somaliland oo goosashadeedu ku saleeysa in loo diidanaa in ay isxukumaan ayaa habka federaalka ah si sahlan Somalilweyn loogu oggoleeysiin karaa.

3.Puntland oo iyaduna diidan in Somaliya la kala gooyo ayaa taageersan habkaan cusub.

4.Anagoo ogsoon in S/land iyo Pl iskudarka ballacoodu uu ka badan yahay 50% dhulka Somaliya ayaa hadana waxaa jirta in habkaan ay rabaan dadyowga deggen Shabeelle, Benaadir,Hiiraan, Gedo iyo Jubooyinkuba.

Sidaas oo ay tahayna, waxaa jira kuwo cadaw ku ah federaalisamka una arka in dantoodu ayan ku jirin maxaa yeelay waxay ka cabsi qabaan in awoodda u suurta galisay in ay Carte madaxweynenimo ku helaan, dhulka ayan laheyn sii heystaan ay meesha ka bixi doonto iyadoo aakhirkii Somalida cad uga heli doonaan oo keli tirada ay yihiin iyo deegaanka kooban ay leeyihiin oo ah qaybo ka mid ah Mudug iyo galgaduud. Shaqsiyaadkaas oo iska soo horjeeday waxay u midoobaan in ay ka soo horjeestaan oo waxay doonaan yiraahdeen sida Itoobiya ayaa wadata, Somaliya ayaa lagu kala qaybinayaa, Sool iyo Sanaag S/Land baa leh iyo waxyaabo badan oo la mid ah laakin mawjadda socota ma aha mid iyaga iyo qeerkoodna horistaagi karaan sida hoos ku qoran:-
»  Nidaam Federaal   ah ma aha Danta Soomaaliyeed [Dr. Siciid]
 

1.Somalidu waxay arkeen in C/qasim uusan ballan laheyn markuu diiday in uu beeshiisa ka saaro dhulka xoogga ay ku heystaan oo waliba sida uu sheegay Cali Khaliif uu xoolihii magaca qaranka lagu heleyna uu ka dhigay wax uu jeebka gashto, kuwo uu beshiisa siiyo iyo kuwo daganaan darro kaga abuuray meelo badan oo ay P/L ay ku jirto .Intaasna waxaaba wehelisa iyadoo dadku ayan illaabi doonin in C/qasim uu u soo jeediyey Itoobiya in dhulka Somalida ee Itoobiya uu u saxiixo laakiin nasiib wanaag ay Itoobiya ay diiday!

2. Maanta kuwa wadaniyiint iska dhigahayana waa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Siyaad oo ay weheliyeen daneystayaashii C/qasim la socda Carte sida Prof. A.I.Samatar iyo qabqablayaalka wadanka furfurtay oo walina guryo booli ah deggan sida Caato iyo Qanyare oo hadda ka soo haray.

Dhamaadkiina, waxaan u rajeeynayaa dawladda Kenya ka soo bixi doonto in ay guuleysto iyadoo ay muuqato in shacabku uu diyaar u yahay sidii ay u soo dhoween lahaayeen si ay uga baxaan kuwa isu baheystay in wadanka dawlad u dhalan.........

A.O.Dirie bakool55@hotmail.com

QORAALKII HORE EE DIIRIYE
....Afhayeen-nimada Jaamac Cali jamac ee Somaliland!
GUJI....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

-dhammaad-

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD