SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Waa Tuma Hooyadda Cusub Ee Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland??iyo Guulaheega Qar-ka U Saaran Aqoonsi Caalamiya.

abdiazizWaxaa isku soo dubaridey:

abdiaziz ahmed mousa

abdiaziz2@hotmail.com 

KAAH

Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Drs. Edna Aden Ismail .. ama ha Loogu Yeedho Edna Aden Dhakhtar , Waxa ay ka Dhalatay Qoys Xirfadd u leh Dhakhtar-nimadda Oo Caan ka Ah Dhulka Somalida.

Marwo Edna Aden waxa ay ku Dhalatay Magaaladda Hargeysa. muddo laga Joogo Kontomeeyo Sano. waxa ay waxbarashadeedii ku Soo qaadatay Djibouti,Burco,Uk,U.S.A, Edna Aden waxa ay Noqotay Gabadhii ugu Horeysay Ee Somaliyeedda Ee loo Diwaan Galiyo In ay u qalanto Xirfadda Nures-nimadda Nurse-Midwife dalka Ingriis-ka

Drs Edna aden waxa ay Sanadkii 1961 ku Soo Laabatay Somaliland (hargeisa) iyadoo Isla Sanadkaaba ku Shaqeysay Xirfaddii ay soo Baratay.

Edna Aden Waxa ay ka Mid Ahayd Dumar-kii uu Guursadday Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum M..I.Cigaal.

Edna Edan waxay Noqotay La Taliyaha Haayadda Caafimaad-ka Aduunka (WHO) Ee 22 Wadan. Edna Aden waxa ay Haayadda Qaramada Midoobay u Magacowday Wakiilkeega Gobol-ka Mediterranean-ka Oo Saldhigiisu ahaa Dalka Masar(Egypt) Muddo Sanado Badan ah ka Dib Haayadda Qaramada Midoobay waxa ay u Soo Magacowday Wakiilkeeda Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Edna Aden waxa ay Hantiday Shahaadoyin Badan Oo Nabadeed oo ay Gudoonsiiyeen Qaar ka Mida Jaamacadaha Wadamadda Reer Europe iyo Maraykanku kuwaas oo ula Dan laah Siday u Gudatay Hawshii Adkayd Ee Ay Mudada Badan u Haysay Qaramad Midoobay.

Edna Aden Isla Sanadkii 1998 ayey Sees-ka u Taagtay Hospital-ka Caanka ah Ee Edna Aden Maternity Hospital oo ay ku fikirtay iyadoo 11 jir ah in ay Hargeisa ka Taagto Hospital Casriya oo Qiimo Jaban Ugu Adeega Dad-ka Tabaalaysan Ee Reer Gees-ka Afrika .

Edna Fikirkeega Hospital-ku Kumuu Koobnayn oo kaliya hargeysa waxa ay Hospital weyn oo ka Hargeysa Leeg isna ka Jeexday Magaaladda Muqdisho kaas Oo Nasiib Darro Dhismihiisa Uu ka Soo Dhex-galay Dagaalkii Ahligahaa..

Edna Aden Khabiir-nimadeed Siyaasadeed waxa ka Mida iyadoo la kulantay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Maryakanka lynden Johnson Iyo Xaaskiisa Markaas oo ay la Sooctay Ninkeegii Hore Ee. M.I.Egal .oo Ahaa Raysal wasaare Somaliweyna. Edna Aden Waxa ay Xilligaa ahayd Haweenaydii Ugu Aqoonta Badanayd Dumarka Somalida Ee Madaxda ka Ahaa Ururadda Haweenka Somaliya

Edna Aden inatay qabatay Shaqadeedan Cusub Ee Wasiir-nimo waxa ay Guul Diblomaasiyadeed u Soo Hooysay Dalkeega Marka Loo Eego Wasiiraddii ka Horeyay Ee Soo qabta wasaaradda Arrimaha Dibada Ee Jamhuuriyadda Somaliland ,kuwaas oo Kalmad Qudha Oo Lagu Xasuusto ka Tagin

Edna waxa ay Qadiyadda Somaliland kala Shirtay..iyadoo Xilligaa ahayd Wasiirka Qoys-ka .Madaxweynaha Dalka Senegal Abdoulle Wade . iyadoo waliba la Kulansiisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Reyaale Kaahin iyo wafti uu Hogaaminayo.

Edna Aden waxa ay qadiyadda Somaliland U faahfaaisay Madaxweynaha Dalka South africa Thabo Mbeki iyo wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Dalka South africa .. Edna Aden waxa ay Qodbad Qaaya Leh ka Jeedisay Telefishanka Qaranka Ee Dalka South africa. iyadoo Si Fiican u qeexday Taariikhda Dhabta ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Edna Aden waxa ay la Kulanta Dhawaan Xaas-ka Madaxweyne xusni Mubarik oo ay U Faahfaahisay Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland mar ay ka Qayb-gashay Shir Dumar-ku halkaasi ku lahaayeen. Edna Aden waxa ay wada hadal kala Yeelatay Xidhiidh ka ka Dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland .. Wasiir-kiisa Arrimaha Dibadda Asyun Masfin. taaso Oo Si weyn la Iskula Af-gartay waxana Soo Dhaweyn weyn u Muujiyay Adena Aden Diblomaasiyiinta Shisheeyaha ah Ee ku Sugan Caasimadda Addis-abab ....

Edna Aden waxa Dalka Canada ku Casuumay Xubin Sare oo ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Canada oo u Qushuucay Fikirkeeda Ay ugu Adeegayso Dalkeega Ninkaas oo la Yidhaa Mr.Jim Kargyanis isaga oo laga soo doorto Agen Court,Toronto,Ontario(Canada).

Mar kale Edna waxa ay la Kulanta Wasiir-ka Dumar-ka Ee Dalka Belgium ..iyo haween ka kala Socoda Dalalka Reer Europe . kuwaas oo Shir ku lahaa Magaaladda Brussels Ee Dalka Belgium oo ay u Doorteenba Gudoomiyaha Shirkaas. markii ay ka Yaabeen Fikirkeega ku Salaysan Dimquraadiaydda ka Hir-galaysa Qaaradda afrika.

Edna Aden waxa U Doortay Jagadan In ay Qabato Madaxweyne Daahir Reyaale kaahin oo lagu Doortay Si Dimuqiraadiya..bishii April 14-keedii

Anigoo Ah Qoraaga Taariikhdan waxa Aan ka Soo Ururiyay Ilo Lagu Kalsoonyahay .....waxanan ku Kaydiyay Buugayga Taariikhaha Dad-ka Caanka ka ah Ee Somaliyeed ...oo Aan In Badan wax ka Qorayeyba.

abdiaziz ahmed mousa | abdiaziz2@hotmail.com 

India

 QORAALADII HORE EE CABDICASIIS

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003   

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD