MUSIIBOOYINKEENA MAXAA U SABAB AH
Siciid Cali Axmed |
Saidahmed67@aol.com | Canada
QAYBTII KOWAAD
Su’aasha aan cinwaanka uga dhigay maqaalkani waa su’aal
laga yaabo in ay iswaydiinayaan dadka qaarkood. Sidaas oo kale waxa laga yaabaa
in inbadan oo Muslimiinta ahi ay iswaydiiyaan halka uu ka yimid dib u dhaca
dhaqaale, awoodeed iyo bulsho ee umadoooda ku habsaday. Ilaahay waxa uu
Quraanka ku sheegay in Muslimiintu ay yihiin umada ugu khayrka badan umadaha oo
dhan; waxa laga yaabaa in qofku marka uu xaalada ay Muslimiinta maanta ku
suganyyihiin u fiirsado in uu is waydiiyo halka uu ka dhacay khayrkii uu Alle
ku sheegay umadan?.! Jawaabaha su’aalahaa iyo kuwo la midka ah ee laga yaabo in
ay is waydiinayaan Muslimiinta qaarkood ayaan isku dayi doonaa in aan kaga
jawaabno maqaalakan iyo kuwo ka danbeeya hadii Alle yidhaa.
Musiibadu xagay ka socotaa
Qofkasata oo aragti furan ku eega kitaabka Quraanku waa ay
fududahay in uu si fudud jawaab ugu helo su’aalahan. Dhibi hadii ay umad amaba
qof ku dhacdo, sababta ay dhibtaasi ku dhacday Islaamku waxa uu u celinayaa
qofkaas ama ummadaas. Dhibi haday idinku dhacdo waa midhihii camalkiina weeye
sharciga Ilaahay. Sidaas daraadeed iyadoo kooban jawaabtu waxa weeye dhibta ku
habsatay Muslimiintu waa mid ay ku kasbadeen camalakooda. Jawaabtaa kooban ka
dib waxaan soo bandhigi qaar ka midda asbaabaha ugu waaweeyn ee aan is leeyahay
waxa ay asaas u yihiin dhobaatooyinka Muslimiinta.
Faham Gaaban
Islaamku waa nidaam taabanaya dhamaan dhinacayda kala duwan
ee nolasha qofka iyo ummada. Islaamku waa diin iyo dawlad. Waa dhaqaale iyo
kayd. Waa akhlaaq iyo dhaqan. Waa quwad iyo ciidan. Waa cilmi iyo aragti. Waa
caqiido iyo cibaado toosan. Waa cadaalad iyo garsoor dulmi ka hufan. Sidaas oo
kaleeto Islaamku waa maamul iyo xukun. Islaamku waa horumar iyo barwaaqo.
Fahankaas toosan ee Islaamka waxaad odhan kartaa wuu ka lumay in badan oo
Muslimiinta ah, taa oo keenatay in fahankooda diintu uu noqdo mid ku kooban
Salaad, Soon, Zako iyo Xaj kuwaas oo aan waliba sidi la rabay loo gudan. Faham
gaabnidanina waxa ay ka mid tahaya musiibooyinka ugu waaweeyn ee dib u dhaca u
keenay Muslimiinta..
Khilaafaad iyo is jiidjiidad .
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
Khilaafaadka ku yimaada nacaybka shaqsi ama
koox, sidaas oo kaleeto khilafaadka ku yimaada tacasubka indhaha la ee loo
tacsubo nafta, qabiilka, qawmiyada iyo kooxdduba waa mid natiijadiisu ay tahay
kala daadsanaan. Waa qaacido Ilaahiya in natiijada ka dhalata khilaafaadka
noocani ay tahay fashil iyo daciifnimo. Hadaad indhaha furtid oo aad u fiirsato
dhibaatooyinka haysta Muslimiintana waxaan kaa qarsoonaanayn in qayb badan oo
dhibaatooyinkooda ah uu ku yimid is nacaybaka iyo is jiid jiidadka dhexdooda.
Tusaalena waxaa kuugu filan Soomaalida iyo wadamada carabta oo midiba mida kale
uu lugta hayo. Kaartoon nin Muslimi uu sawiray oo aan mar hore ku arkay
joornaal ayaa waxa uu cabirayay sawirka dhabta ah ee Muslimiinta. Waxaa isku ag
sawirnaa laba sawir oo midi ka turjumayo xaalada dadka aan Muslimiinta ahayn ka
kalana waxa uu cabirayay xaalada Muslimiinta. Si gaaban sawiraagu waxa uu isku
ag sawiray afar nin oo labana ay Muslimiin yihiin, labana aanay Muslimiin ahayn.
Laba kastaba waxa ay hoos joogaan geed tufaax ah. Labada aan Muslimiinta ahayn
mid ayaa midka kale garabkiisa fuulaya, wuxuuna si fudud u soo goosanayaa
tufaaxii geedka saarnaa. Dhinaca kale labadii Muslimiinta ahaa marka uu midi
gacanta kor u taago si uu u soo goosto xabada tufaaxa ah, kii kale ayaa guntiga
hoos u soo jiidi. Xaqiiqda Muslimiinta waa sidaas uu sawirkaasi soo bandhigay.
Caalamka maanta kuwii aan muslimiinta ahayni way is caawin halka kuwii
muslimiinta ahaa ahaa uu midba midka kale turunturaynayo. Shakina ma laha umad
xaalkoodu sidaas yahay in fashil ku dhacayo.
Jaahilnimo
Diinta islaamku waxa weeye diin waxyigeedii ugu horeeyay uu
ahaa amar la is farayo akhriska oo calaamad u ah cilmiga. Taariikhdii dahabiga
ah ee Muslimiintu waxa ay ahayd markii ay Muslimiintu ku foofeen meelaha
cilmiga lagu barto. Waqtigaas waxa ay fahmeen in horumarka ummada uu ku jiro
horumarka cilmigooda. Taariikhdii ay yurub ku jirtay casrigeedii dib u dhaca
waa taariikhdii ay Muslimiintu heerarka sare ka gaadheen dhamaanba furuucda
kala duwan ee culuunta. Islaamka, cilmigu ma kala laha mid aduunyo iyo mid
aakhiro. Mid kastaba waa waajib ay tahay in la barto. Markii ay muslimiintu
faralkan ka gaabiyeen oo ay ogolaadeen in umadaha kale ay dhaxlaan cilmigii
awoowyaashood, iyaguna ay noqdaan dawadayaal faraha laabtay ayaa Ilaahay duli
dusha ka saaray. Jaahilnimadu waxa ay noqotay calaamada in badan oo Muslimiinta
ah lagu garto. Sidaa daraadeed jaahilnimadu waxa ay iyana ka mid tahay
musiibooyinka waaweeyen ee hortaagan horumarka Muslimiinta.
La soco qaybta labaad………
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
... QORAALADII HORE EE SICIID
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|