SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Ma doonaysaa raali ahaanshaha ALLAH?

Faisal bulhan | Faisalbulhan@hotmail.com | Minnesota USA

KAAH

Walaal

Miyaad dooni inaad Allah aad u dhowaato?

Wuxuu yidhi SAWS " Addoonku wuxuu ugu dhow yahay Rabbigiisa markuu sujuudsan yahay, ee hadaba badiya ducada" (Muslim)

Miyaad dooni inaad hesho ajarka Xajka?

Wuxuu yidhi SAWS " Cumrada (la gutay ) Ramadaan waxay u dhigantaa Xajj, ama Xajj aniga la ila xajjiyay" Xadeeth la isku raacay

Miyaad dooni in Allah uu daar kaaga dhiso Jannada?

Wuxu yidhi SAWS " Qofkii Allah u dhisa Masjid, Allah wuxuu u dhisaa daar jannada gudaheeda ah" Muslim


Miyaad dooni inaad gaadho raalli ahaashada Allah SWT?

Wuxuu yidhi SAWS " Allah wuu ka raalli noqdaa addoonka mahada naqa markuu cuno cunnada , markuu cabo cabbitaankana mahad naqa" Muslim

Miyaad dooni in Allah uu ducadaaada aqbalo?

Wuxuu yidhi SAWS " Ducada lama soo celiyo inta u dhaxeysa aadaanka iyo iqaamada"

Miyaad dooni in laguu qoro ajarka u dhigma inaad soontay sanad dhan?

Wuxuu yiidhi SAWS "in la soomo seddex maalmood bil walba (waxay u dhigantaa) sanad dhan soonkiisa" Waa la isku raacay

Miyaad dooni xasanaad sida buuraha u weyn?

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii raaca janaazada inta lagaga tukanayo, wuxuu leeyahay Qiiraad, qofkii raaca se inta laga aasayo wuxuu leeyahay labo qiiraad, waxaa la warsaday (rasuulka SAWS), waa maxay labada qiiraad, wuxuu yidhi SAWS , waa sida labo buurood oo waaweyn" La isku raac

Miyaad dooni inaad ku weheshato rasulka SAWS jannada?

Wuxuu yidhi SAWS " Aniga iyo kan masruufa agoonta waxaannu nahay sidatan jannada gudeheeda, asagoo tilmaamaya farta dhexe iyo farta wax lagu tilmaamo" Bukhaari

Miyaad dooni inaad hesho ajarka mujaahidka Allah dartiis, ama kan sooman, ama ka qiyaamuleylka u taagan?

Wuxuu yidhi SAWS " Qofka u raadiya (masruuf) haweenta ninkeeda geeriyooday, iyo miskiinka , wuxuu la mid yahay qofka ku jira jihaad Allah dartiis" La isku raac

Miyaad dooni inuu Rasuulku kuu damaano qaado jannada?

Wuxuu yidhi SAWS " qofkii ii damaano qaada afkiisa iyo ibtiisa, waxaan u damaano qaadi Jannada" (tarjumadda ,( beyna lixyeyhi wa rijleyhi), afsoomaliga wey ku qallafsantahay, marka macanaha ayaan tarjumay) Waa xadiith la isku raacay.

Miyaad dooni in camalkaaga wanaagsan uusan ku hadhin geeridaada?

Wuxuu yidhi SAWS " Hadduu aadamigu geeriyoodo, waxaa go'ah camalkiisa oo dhan illa seddex mooyaanee 1. Sadaqad socota, (sida ceel uu qoday oo laga cabo biyaha) ama cilmi laga faaiideysto, ama ubad wanaagsan oo u duceeya" Muslim


Miyaad dooni inaad hesho ajarka u dhigma inaad qiyaamuleyl u taagneyd habeenkiyoo idil?

Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii ku tukada cishaha Jamaacad, wuxuu u dhigmaa qof habeenka intiisa badan u taagnaa qiyaam, qofkii ku tukada salaadda Subaxana jamaacad wuxuu u dhigmaa inuu habeenkii yoo idil uu u taagnaa qiyaam" Muslim

Miyaad dooni in miisaankaaga qiyaamaha aad ku culeysiso xasanaat?

Wuxuu yidhi SAWS " laba erey, uu Raxmaanku jecel yahay, una fudud carrabka, kuna culus miisaanka (qiyamaha) waa ( Subxaana Allah wa bixamdih, subxaanallahul cadhiim) Al Bukhaari

Miyaad dooni in risqiga lagu balladhiyo, cumrigana laguu dheereeyo?

Wuxuu yidhi SAWS " Qofki ku farxi lahaa in arsaaqda loo ballaadhiyo, (cumrigana loo dheereeyo, Tarjumad, YANSAA LAHU FII ATHARIH) ha xadhiidhiyo raximkiisa. Al Bukhaari

Miyaad dooni in Allah uu jeclaado la kulankaaga?

Wuxuu yidhi SAWS "Qofkii jecleysta la kulanka Allah, Allahna wuu jecleystaa la kulankiisa" Bukhaari

Miyaad dooni in dunuubtaada lagaa cafiyo, xataa haddey badan tahay?

Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii yidhaahda maalinkii qudha Subxaanallah wa bixamdih boqol jeer, waa laga tirtiraa dunuubtiisa xataa haddey u badan tahay sida xumbada badda" La isku raac.

Miyaad dooni inuu Allah kuu naxarissto?

Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii igu salliya mar qudha salaat, (salaaddu macneheedu waa dalbasho naxariis iyo darajo), Allah qofkaas wuxuu ugu abaal gudaa inuu ku salliyo qofkaas toban jeer" Muslim

Miyaad dooni inuu Allah meel sare ku gaadhsiiyo?

Wuxuu yidhi SAWS " Ma jiro qof isu dulli yeelay Allah Cazza wa jalla, uusan Allah meel sare gaadhsiinin" Muslim

Faisal bulhan | Faisalbulhan@hotmail.com | Minnesota USA

Kaalay ila arag Jannada
Nimcooyinka yaal jannada ee sugaya mu'minka. Guji... [Bulxan]  July 1


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD