SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/020/03 London, 04/07/2003

Ujeedo: Cambaareyn dilkii loo geystay Dr. Xuseen Maxamed Nuur
 

KAAH

Waxaan baryahanba soo kordhayay dhibaatooyinka lagu hayo aqoonyahanada Soomaaliyeed sida Dilka, Dhaca, Afduudka sidaas darteed Dhamaan aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dibedda waxaa ku soo badanaya cabsida iyo wel-welka ay ka qabaan in ay dib ugu laabtaan dalkoodii Hooyo.

13kii sano ee ay dagaalladu ka socdeen dalka Soomaaliya waxaa dilal naxariis darro ah loo geystay dad Soomaaliyeed oo isugu jira Aqoonyahano, Maalqabeeno, Culuma'udiin, iyo dadka aan awoodda u helin in ay is daafacaan.

Waxaase wax lala yaabo nagu ah sababta Dilalka, Dhaca, Afduubyada, Kufsiga iyo dambiyada laga galo bini'aadamkaee loo geysto dadka Soomaaliyeed ku koobay magaalada muqdisho.

Waxaa is weydiin mudan magaalada muqdisho oo taariikh fac weyn leh ahan caasimadda Soomaaliya, aheydna xaruntii waxbarashada Soomaaliyeed, in dadweynaha dagani raali ka noqdaan weerarada bahalnimada ah ee lagu hayo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dadka iyo dalkiisa wax u bartay.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

hadaba isgaoo ka xun Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii ehelladii iyo carruurtii uu ka geeriyooday Dr. Hussein Max'ed Nur "Xuseyni.

Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa dhamaan xadgudubyada loo geysanayo ummadaha adduunka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana dusha ka saarayaa dilkan loo geystay dhaqtarkan Soomaaliyeed madaxda siyaasadeed ama kooxeed ee goob joogga ka ah goobaha laga geysto falalkan.

Goluhu wuxuu aaamionsan yahay mas'uuliyadda dilalka isdaba joogga ah ee ka soconaya Soomaaliya in ay ka dambeeyaan maskax fog iyadoo la adeegsanayo fulintan wax amagarato Soomaaliyeed, kuwaas oo aan wax qiima ah ugu fadhinin bini'aadamka, kana so horjeeda dhaqamada wanaagasan ee bulshada Soomaaliyeed.

DILKII DR. Xuseen

Anoo ku hadlaya guud ahaan magaca beesha Graadyada (Gobta) Raxaweyn waa beesha Gasaargude gaar ahaan dhammaan qoska reer Garaad Xuseen Malla, Waxaan halkan tacsi murugo badan ugu soo gudnbinaayaa guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaanna Qosyka reer Moxamed Nuur iyo beesha Raxaweyn meel kasta oo ay joogaan geeridii naxdinta weyneed ee ku timid walaalkii qiimaha badnaa Dr. Xuseen Moxamed Nuur ee gacan ku dhiiglayaasha dhawwaan ay ku dileen Magaalada Muqdishu. Marxuumka waxaan Ilaah uga baryeenna, in loo dembi dhaafo islamarkaasna loo gudbiyo xaga Jannada farowsa, raxmadda iyo idinka Ilaah awigeed. Eheladana waxaa leenahay Samir iyo Iimaan Allah ha naga siiyo geeridaa naxdinta leh islamarkaasna beddel kheyr qaba Allah ha noo soo saaro Inshaa-Allah. Innaa Li-Allaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun.

 
Walaalkiin: C/Salaan Axmed Malla  oo Jooga dadka Mareykanka. awmadow@hotmail.com

Hadaba Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu u dirayaa dacwad qoraal ah dhamaan hey'adaha ku shaqada leh in ay baaritaan ku sameyaan sidoo loo heli lahaa dambiilayaasha caadeystay dhaqamada foosha xun, loona marin lahaa caddaaladda.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna Wakiilka
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka Talyaaniga
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Dr. Xuseen Maxamed Nuur oo La Toogtey
 

QORAAALDII HORE EE XILDHIBAAN

Qoraalkii 1da Luulyo ee Golaha Wadatashiga Somaliyed
1da Luulyo Madaxbanaanidii iyo Midnimadii Gobollada waqooyi iyo koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya GUJI...

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD