SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
Tanu Ma Caddaalad ba mise waa Siyaasadda aan nadiifka ahayn ee Soomaaliya?

SPR Haka waantoobaan Faafinta War aysan cadayn u Hayn

 English.Verion.Read.here

W/Q Tayib Cabdishakuur | Tshakoor@aol.com

Waxaa Somali Peace Rally iyo ururrada kale ee Soomaaliyeed iyo afraadba inay ka waantoobaan inay faafiyaan warar sumcadda Cabdullahi Yusuf wax u dhimaya iyagoo aan hayn wax caddayn ah..

KAAH

Laba qoraal oo dhawaan ku soo baxay Puntlandpost.com iyo Somalitalk.com ayaa araggayga soo jiitay. Midka hore wuxuu ku soo baxay Puntlandpost.com 28ki June 2003, wuxuu khuseeyay anadacood ay samaysay afadii uu ka dhintay Cabiraxmaan Caydiid, middaas oo ahayd in uu ninkeedi ku dilay Dire Dawa, Itoobiya, 1984 nin la yiraahdo Maxamed Xabiib Warsame (gees-Dheer), ninkaas oo hadda ku nool waddanka Ingiriiska. Aamina Axmed Warsame waxay kaloo sheegtay inay caddayn haysato in uu Xabiib Warsame uu nunkeedi dialy. Waxay kaloo ku andacootay in uu Kor. Cabdullaahi Yusuf uu dilkaas ka dambeeyay. Puntlandpost.com waxay sheegtay in waraaqo warkaasu ku qoranyahay lagu daadiyay halka uu ka socdo shirka dibuheshiisiinta Soomaalida ee waddanka Kenya. Andacoodka isku xiraya Cabdullahi Yusuf iyo dhimashada Cabdiraxmaan Caydiid ma aha mid cusub. Wuxuu muddo dheer u ahaa shay la caabudo dadka ay Cabdullahi Yusuf siyaasadda isaga soo horjeedaan.

Marakan waxaa cusub, kollay aniga igu cusub, waxaa weeye iyadoo ay magacawday nin ay ku andacootay inu ninkeedi dilay. Middasu waa horumar weyn oo arrinka u yeeli karta dhismo qaanuun waddanka Ingiriiska. Iima cadda in magacaabidda tuhunsanaha labaatan sano ka dib ay ku salaysan tahay caddayn cusub iyo inay tahay “tux tux” aan sal lahayn oo loo adeegsanayo dano dicaayadeed oo wax loogu dhimayo magaca Kor. Cabdullahi Yusuf.

Aamina Warsame waxy samaysay andacood xoog leh, waxayna tahay inay sii dabagsho. Haddii ay ahmiyaddeedu tahay inay caddaalad u hesho ninkeedi, waa inay caddeynteeda u geyso booloska Ingiriiska. Maxkamadaha Ingiriiska weeye meesh ku habboon inay geyso eeddeynta ay u soo jeedisay Maxamed Xabiib Warsame. Laakiin waxay u muuqataa inay doonayso inay u adeegsato, ama ay ku kaalmeyso qaar kale inay u adeegsadaan, dhimashad ninkeedi dano siyaasadeed.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Waxaan malaynayaa in Aamina Warsame iyo taageerayaasheedu ay baareen inay “caddeynta cusub” ula tagaan booliska, laakiin ay gaareen khulaasada ah in dawladda Ingiriisku oraahdooda oo keli ah ayan tallaabo uga qaadayn Cabdullaahi Yusuf ama Xabiib Warsame. Way ogatahy inay u baahan tahay inay keento caddeyn aan shaki geli karin si tallabo loo qaado. Qaanuun hortiisa, qofku wuu dembi la’yahay ilaa lagu caddeeyo; Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Xabiib Warsamena kama ay baxsana middaas. Aamina Warsame iyo taageerayaasheedu axsaan bay u sameyn lahayeen haddii ay raacaan sida qaanuunka ah oo ay kiiskooda maxkamadda geeyaan. Middaas ayaa ah dhabbad macquulka ah.

Haddii Aanima Axmed Warsame ayan eedeynteeda raacin talaabooyin qaanun ah oo ay ka qaadeyso ninka ay ku andacootay inuu dilay ninkeeda, waa inay ogaataa in Maxamed Xabiib Warsame uu tallabo qaanuun ah iyada ka qaadi oono isagoo ku dacweynaya aflagaaddo, magic dilid iyo shakhsiyad dilid. In qof la aflagaaddeeyo waxay yeelan kartaa caaqibo xumo. Markuu ugu liito, maxkamaddu waxay siin karta xakamayn ka mamnuucaya iyada iyo kuwa kaleba inay ku celceliyaan eedeynteeda aan salka lahayn.

Arrinta labaad ee ishayda soo jiidatay waxay ku soo baxday Somalitalk.com 30ki June 2003 cunwaankeeduna wuxuu ahaa Dacwad-suge Doorasho ma leeyahay? Dacwad-sugaha laga hadlayo waa Kor. Cabdullahi Yuusuf. Kanu wuxuu ahaa war saxaafadeed oo ka yimid koox lagu magacaabo Somali Peace Rally. Anigu ma aqaan kooxdan iyo waxa ay u hadasho. Hase yeeshee, sidi Aamino Warsame waxay Kor. Cabullahi Yusuf ku eedeynayaan in uu ka dambeeyey dilkii Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed (Hurre). Sida Amino Warsame, ma ayan keekin wax caddeyn ah. In Suldan Hurre ay dileen ciidammada Puntalnd waxaa caddeeyay dawladda Puntland. Ciddi dishay iyo sababti loo dilay midna lama sheegin.

Somali Peace Rally waxay ku andacootay in hadda ka socdo waddanka Ingiriiska dacwad lagu eedeynayo Cabdullahi Yusuf in dilay Suldan Hurre. Haddii ay Somali Peace Rally tahay urur (ama qof) danaynaya nabad iyo caddaalad, warhan ay qoreen way xaqiijin lahaayeen. Sheekada waxaa markii hore faafiyay dhawr qof oo la yiqaan oo jooga London. Runtu waxay tahay kiis dembi ah oo Cabdullahi Yusuf ka soo horjeeda inuusan ka socon waddanka Ingiriska. Dadka Kor. Cabdullahi Yusuf uga soo horjeeda siyaasadda waxay isku dayeen wax kasta oo ay ku xumeynayaan magiciisa iyigoo aan soo bandhigin wax caddayn ah. Mar uu London u yimid baaris caafimaad ayaa Cabdullahi Yusuf waxaa loo dhiibay warqad dacwad ah oo lagu dalbanayo magdhaw. Dad baa maxkamad warqad u qortay ay ku sheeganayaan in la siiyo magdhaw. Maxkamadduna waxay warqad u soo qortay Cabdullahi Yusuf inuu ka soo jawaabo in uu qabo lacagta lagu dacweeyay iyo inuusan qabin.

SPR, Wiilka Qora iyo Odeyga ka dambeeya!
Jawaab Qoraalkii SPR ee Dacwad-suge... GUJI... [Miicaad]

Dacwad-suge Doorasho ma leeyahay?
Warsaxaafadeed kasoo baxay SPR ayaa.... GUJI... June 30

Dacwadii sida weyn looga shaaciyay Cabdullahi Yusuuf wuxuu ahaa mid magdhaw lagu raadinayo, magdhawgaas oo la xiriirta dembi dil ah, ee ma ahayn mid ah eedeyn dembi. Qaybta Queen’s Bench ee Maxkamadda Sare ee Ingiriiska, Sahra Cabdullahi oo ah xaaskii hore ee Ahmed Hurre iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dacweeyay Cabdullahi Yusuf inuu siiyo £50,000 (fifty thousand pounds) oo ah magdhaw dilkii ay ciidammada Puntland u geysteen Suldaan Hurre. Waxaa la ii sheegay in kiisku uu yahay magdhaw raadis caadi ah, kana duwanayn boqollaal codsi magdhaw oo sannad walba hor yimaada maxkamadaha.

Dadka ay Cabdullahi Yusuf siyaasadda isaga soo horjeedaan waxba ku hakan mahayaan si ay u sawiraan inuu yahay dembiile sugaya maxkamad waddan ajnabi; runtuna waxay tahay in ayan jirin maxkamad uu sugayo. Ujeeddada andacoodku wuxuu ku cadyahay cunwaanka maqaalki ay qortay Somali Peace Rally. Waa gurracin runta la gurracinayo iyo ku cayaarid lagu cayaarayo caddaaladda.

Waxaa Somali Peace Rally iyo ururrada kale ee Soomaaliyeed iyo afraadba inay ka waantoobaan inay faafiyaan warar sumcadda Cabdullahi Yusuf wax u dhimaya iyagoo aan hayn wax caddayn ah.. Shareecada way ku xuntahay. Waa arrin fool xun in qof kale sumcaddiisa wax loo dhimo. Haddii ay caddayn hayaan waxay tahay inay u geeyaan xeer-ilaalinta waddanka ay iyagu doonayaan, sharciga ayaana la raacayaa. Laakiin sida daka kale ayuu Cabdullahi Yusufna u istaahilaa in la siiyo caddaalad. Dadka ka soo horjeeda Cabdullahi Yusuf waa inay kiiskooda geeyaan maxkamad ama ay joojiyaan aflagaddada.

Dembi baarista iyo adeegga caddaaladda hay’ado ayaa ku shaqo leh ee ma aha in qof walba uu qofka uu doono waxa uu doono ku sheego isagoo aan caddayn haysan. Dad Muslin ah baynu nahay. Diintu way reebtay in qof lagu eedeeyo wax aan caddeyn loo hayn. Idoo kale waxa arrintaas reebay qawaaniinta waddamo badan.

Waa lagama maarmaan in caddaalad loo raadiyo Cabdiraxmaan Caydiid iyo Suldaan Hurre iyo kumannaankii dulmiga lagu dilay. Waxaa iyadana lagama maarmaan ah in marka dadkaas caddaaladda loo raadinayo aan Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Xabiib Warsame aan loo geysan caddaalad darro.

Tayib Cabishakuur | Tshakoor@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mi du gaar ah qoraaga ku saxiixan


 Is this Justice or Dirty Politics of Somalia?

By Tayib Abdishakur

Two recent postings on Puntlandpost.com and Somalitalk.com attracted my attention. The first one appeared on Puntlandpost.com on 28 June 2003 and concerned an allegation made by the wife of the late Abdirahman Aideed that her husband was murdered in Dire Dawa, Ethiopia, in 1984 by a man named Mohamed Habib Warsame (Gees-dheer) who currently resides in Britain. Mrs. Amina Ahmed Warsame also claimed to have proof that Mr Habib Warsame killed her husband. She also alleged that Col. Abdullahi Yusuf was behind the murder of her husband. According to Puntlandpost.com, this allegation was published in a leaflet she distributed at the Somali reconciliation conference in Kenya. There is nothing new about the allegation associating Col. Abdullahi Yusuf with the death of Abdirahman Aideed. It has been an article of faith for the political opponents of Col. Abdullahi Yusuf for a long time.

What is new this time, at least to me, is that she named a man she alleged to have killed her husband. This is a significant development that could put the case within a legal framework in the UK. It is not clear to me whether the identification of a suspect after twenty years is based on new evidence or is yet another unsubstantiated rumour, which is being used for propaganda purpose to smear Col. Abdullahi Yusuf..

Amino Warsame made a very serious allegation and should follow it through. If she is interested in justice for her late husband, she should take her evidence to the British police. The British legal authorities are the proper place where she should take her allegations against Mohamed Habib Warsame. However, it seems she wants to use or to assist others to use her husband’s death for political purpose.

I would guess that Amino Warsame and her supporters have explored the option of going to the police with the “new evidence” but came to the conclusion that the British authorities would not take action against either Abdullahi Yusuf or Mohamed Habib Warsame on their words. She knows that she has to produce evidence beyond reasonable doubt for action to be taken. In the eyes of the law, a man is innocent until proven guilty, and Abdullahi Yusuf and Mohamed Habib Warsame are no exception. Amino Warsame and her supporters would do everyone a favour if she follows proper legal procedure and rests her case once and for all in front of a court of law. That is the logical step to take.

If Amina Ahmed Warsame does not follow her serious allegation with legal proceedings against the man she alleges to have murdered her husband, she should realise that Mohamed Habib Warsame might take legal action against her for slander, defamation and character assassination. Slandering someone could have serious consequences. At the very least, the court could give him an injunction that prohibits her and others from repeating her unsubstantiated allegation.

The second item that attracted my attention appeared in Somalitalk.com on June 30, 2003 under the heading: Should a Defendant Run for a National Leadership of Somalia? The “defendant” in question was Col, Abdullahi Yusuf. This was a Press Release by a group called Somali Peace Rally. I don’t know what this group stands for. But like Mrs Amina Warsame they accused Col. Abdullahi Yusuf of being behind the murder of Suldan Ahmed Mohamud Mohamed (Hurre). Like Amina Warsame, they did not produce any evidence for their allegation. That Suldaan Hurre was killed by the security forces of Puntland is acknowledged by the authorities of Puntland State. Neither the person(s) who killed him nor the motives for killing have yet been identified.

The Somali Peace Rally alleged that a criminal proceeding is now in progress in the UK against Abdullahi Yusuf for the murder of Suldan Hurre. If Somali Peace Rally was an organisation (or individual) that was interested in peace and justice for all, they would have checked the story. This story was originally propagated by some known individuals in London. The truth is that there is no criminal proceeding against Col. Abdullahi Yusuf in the UK. Col. Abdullahi Yusuf’s political opponents have done everything they could to smear his name without producing any shred of evidence. Abdullahi Yusuf was handed a writ for claims when he was in London for medical examination. Some individuals wrote to the court claiming compensation from Cabdullahi Yusuf. The court in turn wrote to Abdullahi Yusuf ordering him to reply whether he owed these people the money they were claiming.

The widely published case against Abdullahi Yusuf was for a compensations claim resulting from a crime and not a criminal proceeding. In the Queen’s Bench Division of the High Court in London, Ahmed Hurre’s former wife Zahra Abdullahi and her four children made a claim of £50,000 (fifty thousand pounds) against Abdullahi Yusuf in compensation for the murder by Puntland security of her husband, the late Suldan Hurre. I was told that the case was a straight forward case of claims and was not different from the hundreds of similar claims that are made every year in the courts.

Abdullahi Yusuf’s opponents would stop at nothing to portray him as a criminal who is awaiting trial in a foreign country, while the truth is that he is not awaiting any trial anywhere. The intention of the allegation is clear in the heading of the article by Somali Peace Rally. It is a gross distortion of the truth and a travesty of justice.

It would be advisable for Somali Peace Rally and other Somali organisations and individuals to desist from publishing defamatory information against Abdullahi Yusuf for which they have no evidence. If they have evidence, they should present it to the legal authorities of the country of their choice and the due process of the law will be followed. It is against the Sharia. It is also a disgrace to smear someone’s reputation unfairly. Like anybody else Abdullahi Yusuf also deserves justice. Those who are opposed to Abdullahi Yusuf should either take their cases to courts of law with their evidences or stop slandering him.

Crime investigation and service of justice are the function of institutions. It is not for anyone to make allegations against anyone else without proof. Islam has prohibits that one is accused of something for which there is no evidence. So do laws of many countries.

It is important that justice is sought for Abdirahman Aideed and Suldan Ahmed Hurre. It is equally important that in doing so, injustice is not committed against Abdullahi Yusuf and Mohamed Habib Warsame.

Tayib Abdishakur | Tshakoor@aol.com

Disclaimer: Opinion expressed here are those of Author (signed), and do not necessarily reflect the opinion of Somalitalk.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD