Soomalidu waxay Ab iyo Isir u lahaan jirtay Xukun dhaqameed.
Xukun dhaqameed kasi oo ah Nidaam ay soomaalidu dajisatay si ay isku
xukunto,iyadoo raacaysa dhaqankeeda, dad ahaana somalida waxa dhaqankeeda sal u
ahaa reer guuraanimo, Haddaba intaanu inoo iman Gumaystuhu, iyo ka dib
Xorriyaddii dalka , waxaa qiimo weyn lahaa nidaamkan xukun dhaqameedka ah.
Inkasta, oo markii dawladnimada la hantay, iyo xilligii aynu gumaysiga ku hoos
jirnayba, uu xukun dhaqameedku door weyn kulahaa maamulka isla markaana uu la
shaqeyn jiray, Tan iyo maantana uu sii shaqeeyo, laakiin wakhtiga uu ugu xoogga
weynaa, ugna tamarta badanaa waa waayadii hore ee ayna jirin maamullo kale oo
la tartamaa ama barbar socdaa. Beel kasta oo soomaaliyeed waxay samaysan jirtay
Nidaam ay isku xukunto iyo xeerar u gaara, Waad maqasheen ayaan filaya, suldaan,
caaqil, boqor, ugaas, garaad, malaaq i.w.m. Madaxdan oo ah kuwii kala saari
jiray haddii dadku is qabtaan,iyaga ayaana xeerka iyo sharciga ilaalin jiray
isla mar ahaantaana awood u lahaa dajinta xeerar cusub haddii loo baahdo, waxay
ahaayeen rag ilaalin jiray dadka naftooda, sharaftooda,karaamadooda, maalkooda
iyo deegaanka ay beeshu leedahay.
Dadka xukun dhaqameedka madaxda ka noqonaya, had iyo goor waxaa lagu soo
xuli jiray xigmad, aqoon iyo hibooyin dheeraad ah oo ay dadka dheer yihiin.
Haddaba akhristaw iyadoo soomalidu lahaan jirtay xukun dhaqameedka noocaas
ah ayaa waxa Dibada looga soo waariday hanaan iyo xukun ku cusub dadka
somaliyeed, xukun kii ku salaysnaa xoola raacatada iyo dhaqankeenii daaqsatada
ayaa waxa inoo yimid nidaam shisheeye waxa maxsuul loo helay is faham waa ka
dhex taagan , dhaqankeenii daaqsadata iyo nidaamkii dawladnimo, taasina waxay
sabab u noqotay in ay hogaanka qabtaan dad aan u ehel ahayn, waxa meesha yimid
doorashooyin aanay garanayn dadku sida loo codeeyo iyo sida wax loo doorto,
waxa dadkii iskaga qasmay Hanaankii xukun dhaqameedka iyo kan dawladnimo, waxa
ay sababtay in ay kala garan waayaan hogaamiyaha ku haboon wakhtigaa lagu jiro
inuu umada hogaamiyo, iyadoo noqotay in ay kala garan waayaan masuuliyadii
madaxwaynaha iyo suldaanka. Waxa maanta laga joogaa xornimadii umada
soomaaliyeed 43 sano,Waxa nasiib daro ah in aan umada soomaaliyeed marna ayna
helin xukun waafiya oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan, balse xukunka soo
maraaba wuxuu noqonayay mid salka ku haya xukun dhaqameedkii soo jireenka ahaa
marka dhinaca hanaanka aad ka eegno.
Sidaynu in badani la socoto, Waxa dalka soo maray xukumado rayid ah ka hor
regime kii siyad barre intaanu talada dalka la wareegin, xukumadahaasi rayid ka
ahaa oo aan midna mid dhaamin waxay sabab u noqdeen in dalku galo aflibaax
taladana la wareegaan Askar aan waxba dan ka lahayn, waxa talada maroorsaday
nin aan Ehel u ahayn umada soomaaliyeed , waxa laakiin saaciday wax yaalo badan
waxa aan halkan hadda ka timaamayaa dhawr wax yaalood una sahlay inuu sii
nagaado:-
1. Xukumadihi rayid ka ahaa oo noqday qaar ma dhalays ah , isla markaana
hungeeyay hamigii umada iyo in la helo horumar buuxa.
2. Dhaqankeeniii ku salaysnaa qabiilka oo aan meesha ka bixin, waxayna
noqotay in dadka qaar qabiil ku taageeraan hogaamiyahan talada maroorsaday.
3. Iyadoo dadka qaar ay is leeyihin malaha wuu dhaami xukumadihii lagu
hungoobay, iyo bal aan eegno Caqliga Siyaad barre.
Haddaba wixii doonaba ha u caawiyane xukunkii siyad barre waxa uu baday
umada soomaliyeed, dhibaato ilaa maanta aan damin, waxa uu dadka kala dhex
dhigay maamulkasi colaad ku salaysan xaga qabiilka,cadaalad daro iyo xumaan,
waana ta sababtay in aan ilaa maanta shirarka soomaalida ee badana la qabto ay
noqdaan qaar aan midho dhalin isla markaana sii abuura colaad hor leh. Waxa
tiraba la qabtay dhawr iyo toban shir oo midna aanu dhalin wax lagu farxo, waxa
ugu dhawaa shirkii uu soo abaabulay madaxwayne Geele, kaasina waxa ka qaloocday
hanaankii iyo sidii uu ku wacnaa, waxaanu noqday mid la marin habaabiyay.
Hadda waxa gabagabo ku dhaw shirkii mbaghati ee dalka kenya, shirkani oo aan
qabo in aanu waxba kaga duwanayn shirarkii isaga ka horeeyay.
sababta oo ah hogaamiyayasha kooxaha shirka iskugu tagay oo ah dadkii
dhibaatada dhex dhigay umada soomaaliyeed umana maylanayo intay nimankaasi isa
soo hor fadhiyaan ay wax ku heshiin karaan.
Akhristow bal sheekadan ila eeg ,
Beri
hore ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay
yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka
miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laŽaanteedna wax la rari karaa ma jiraan.
Haddaba Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka.
Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada
nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.
Dacawadii ayaa intay maqashay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay
qososhay, tidhi "WALEE REER KAAN OGAHAY MA GUURO".
waxa aan uga socda hogaamiyayaasha ku shiraya Mbaghti waa nimanka ay ku
maqan tahay yeeshii lagu guuri lahaa , sidii dacawadiina hoosta ayay ka wada
qoslayaan waxana u fudud ,Haddii hogaamiya kooxeedka siduu doono ugu socon
waayo shirku inuu ka baxo isla markaana uu soo fadhiisto magaaladisii uu ka
talinayay isagoo ku Tiraabaya "Walee Reer kaan ogahay ma guuro".
Waxa iyaddu xusid mudan Jamhuuriyada Somaliland oo gaadhay heer wax ku oola
,waxayna suurto galisay in ay indhaha caalamka tusaan in ay somaliland ka mid
ahayn somaliya , shirarka loo qabanayo somalidana lagu koobo somalia oo kaleya,
fikir kan oo shirkii kan ka horeeyay ee carta lagu gacan saydhay isla markaana
la isku dayay in la jujuubo meelna lagaga dhaco sharafta iyo karaamada dadka
soomaliland,iyadoo dibada laga soo urursaday dad iyagu aan matalin cidna balse
dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland.
Tani oo ku tusaysa in aan wali nabada soomaaliyeed sidii ugu haboonayd aan
loo waajahin, waxayna ila tahay Ilaa La isla eego dhabaatadu halkay ka unkatay
,ka dibna xaqiiqada la is tuso,la turxaan saaro wixii la kala tirsanayo,la isku
qiro wixii libin ah ee la is dheeryahay, laakiin inta C/qaasim iyo dadka la
fikir ka ahi ay indhaha iska ridayaan waxa hubaal ah in aan xal loo helayn
dhibaatada ka taagan somaliya.
Mohamed Dubbe
Hyderabad ,India.
m_dubbe@yahoo.com
QORAALKII HORE EE DUBBE:
Munaasibada 1 july ,Fikradaha ,Diridhaba
iyo Ikraam
GUJI......