WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waa maqaal aan kuradinayo ninkii
afsomaliga dhiiri galinayey.
Al-Hassani |
abuzuhri1@hotmail.com
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah
“Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?” Runtii afka somaliga iska dhaafee waxaa halis
kujira jiritaanka dalka iyo dadka haddii aaney soo bixin isbadalo degdeg ah
sidaas awgeed waa fikrad yara soo hormartey in loo dooda luuqad.
“Waa dadka kali ah ee isku diinta, dhaqanka,
qabiilka iyo luuqada ah…” waxaan filaya inaay soo afjarmatey oo loo
baxsanwaayey.
BAAHIDA LOO QABO AFSOMAALIGU INTEE BUU
LA’EGYAHEY?
Waa su’aal jawaabteedu aad ku soo koobi kartid:
“Inaan isku garano inaan Somali nahey, kadibna isku cayno oo isugu faano ama
lagugu dilo marka la’ogaada qabiilka aad Somali kasiitahey”
Somaligu ma’aha luuqad u’adeegeysa hormarinta
dalka iyo dadka midna.
Dunida aan maanta taaganahey ee dabayaaqada
ahi uma baahno in afsomali hormar lagu sameeyo wax kabadan inta uu hada yahey
oo aan waraaqaha kuqortaan dadka aan aqoonta sare laheyn sideyda oo kale.
Dhibaatada uu layimid afsomaaliga lama soo
koobi karo xaga waxbarashada.
Fikradii aheyd in laqoro afsomaliga waxaay
aheyd mid kuxirneyd nidaam siyaasadeed oo markaas jirey oo oranayey: “Qofku waa
inuu afkiisa hooya wax kubarta kuna shaqeeyaa” Intiiba midna madhicin baahida
loo qabo waxbarasho luuqadaha kale lagu dhigto waxay noqotay lagamamaarmaan
xitaa intii uu jirey nidaamkii dhiiri galiyey in afsomaliga wax lagu dhigto.
Rag baa malaayiin kharash iyo waqti kaga
dhumay sidii ay ubaranlahaayeen luuqadaha wadama ay waxbarashada utageen ayagoo
soo waxbartey afsoomali ilaa heer jaamacadeed.
Rag baa Jaamacada Umul Quraa kasoo tuurey afar
sona walow ay garanayeen dhamaan maadooyin lagu dhigayo laakinse luuqada oo ku
adkeed awgeed lagu qasbey inaay dhameystaan 4sano.
Haddii ay jiri laheyd dowlad sida Japan ama
China oo hormarisa in luuqada hooya wax lagu dhigta kadibna shaqo lagu helo aad
bay ufiicnaanlaheyd. Afsomaali iskuul kaga soo bax, hadhowna luuqad kale shaqo
kuraadso sow raadkaada dib uqaad ma’aha.
Baahida luuqada ayaan kaa hareyn xitaa haddii
aad dhaqaalahaada aad usareeya.
Wadama Khaliijka ee kufadhiya kheyraadka
aduunka 3meelood halmeel ayaa kubixiya luuqadaha barashadooda lacag aan lasoo
koobi karin kadib markii aay soconweydey xoojinta luuqada Arabiga waa hormarka
maanta dunida wuxuu kusocdaa cilmi kayimid reer galbeedka.
Sidaad sheegtey in loo kala turjumo ciyaal iyo
waalidkood ama labo walaalo ah waa wax kadhashey dal la’aanta iyo wadamada
shasheeya lagu noolyahey. Ama waalidka oo aan caruurta lasheekeysan ama aan
arag waxaay keeni kartaa in loo kala turjama laakinse ilma aad korsatey
madhicikarto in lagaaga turjama.
Madiidani in afsomaliga laqoro oo laga dhigo
maadooyinka laqaadanaya mid ka mid ah sida luuqada sawahiliga east Africa oo
katahey.
Qolooyinka aqoonyaanada ahi ee meesha la’isugu
keeney waxaay kuqasbanyihiin inaay kuhadlan luuqadii waxlagu soo barey si’ay
umuujiyaan taariikhda wadanka wax soo barey. Sidaas ayaa loo soo taba barey.
Waa muujin inaay luuqada kuhadlikaraan ee ma’aha inaay afsomaliga aqoon.
Umada kama baxeyso inaay qadarineyso luuqadah
ajaanibta ilaa ay cilmi yeelato, cilmigana wuxuu kuqoranyahey luuqada ajaanibta.
Waxaa luuqadaha loo jeceyl yahey ma’aha gaalo
jeceyl ee waa cilmi jeceyl. Cilmigiina maalmahaan magaareysid adigoon luuqadaha
aqoonin.
Tankale umada somaliyeed laguma tiriyo dadka
luuqadaha aduunka yaqaan.
Waxaad arkeysaa wadan ay daganaayeen mudo
30sano iyo kabadan hadana luuqadiisa siwanaagsan ugu hadli karin. Markaas waxaa
ku adkaata noolasha wadankaas.
Baahida ay Somaalida uqabto dunida kale waxaay
lamidtahey sida baahida loogu qabo biya taasi waxaay keeneysaa in xoog lasaaro
luuqadaha kale lana yareeyo dhiirigilin luuqada Somaliga.
Luuqad la’aanta Soomalida waa tankeentey hoos
udhaca waxbarashada Somalida degta wadamada Ethiopia iyo Kenya.
Intii uu wadanka burburey waxaa badbaadey
intii waxyar kataqaaney luuqadaha kale. Mid kumeel maro, mid waxbarasho dibida
kaga helo iyo mid shaqo kuhelaba intaba.
Al-Hassani
|
abuzuhri1@hotmail.com
QORAALADII HORE EE ALHASSANI
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay
gaar u tahay qoraaga
ku saxiixan,
-dhammaad-
Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|