Hoggaamiye Cumar Filish oo qaabilay qaar ka mid
ah mas置uliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.
July 4, 2003
Mas置uliyiin ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed
ee UK oo beryahanba jooga Nairobi si ey u sii xoojiyaan shirka dib u
heshiisiinta soomaalida ee ka socda magaalada Mbagathi ee Kenya iyagoo isla
markaa si joogta ah u qaabiliyey mas置uliyiinta ku howlan shirka ayaa Maanta
kulan aad u qiimo badan la yeeshay Mudane Cumar M. Mohamud (Filish) oo haatan
ku sugan Nairobi.
Kulankan oo la iskula soo qaaday xaaladda
murugeysan ee uu shirka soomaalida iyo waddankaba marayo ayey aqoonyahannadu u
gudbiyeen hoggaamiyaha afkaartooda ku aadan shirka soomaalida iyo sida ay
lagama maarmaanka u tahay in hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiintaba isku
tanaasulaan eyna muujiyaan wadaninimo iyo xilkasnimo si ummadda soomaaliyeed ay
xal waara u gaari laheyd.
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
Hogaamiye Cumar Filish warbixin dheer oo
dhinacyo badan ka dib ayaa u caddeeyey mas置uliyiinta in uu daacad ka yahay in
shirkan xal laga gaaro uuna diyaar u yahay dhankiisa tanaasulaad kasta oo xal
Qaranimo lagu gaari karo. Mudane Cumar aad iyo aad buu ugu mahadceliyey
aqoonyahanada uu la kulmay dadaalkooda waddaninimada ku dheehan oo ey si
xilkasnimo iyo hagar la誕anba beryahan uga waddaan Nairobi, ujeedadooduna tahay
sidii xal waara oo dhab ah loo gaari lahaa. Wuxuuna ka codsaday iney sii laba
laabaan dadaalkooda eyna joogaan inta shirka uu socdo si ey ula hadlaan dhamaan
mas置uliyiinta ku howlan shirka. Sidoo kale Cumar wuxuu u caddeeyey inuu isagu
taageeri doono dadaalka Jaaliyadda soomaaliyeed ey wadaan.
Mas置uliyiinta soomaalida halkaas ka hadlay
waxaa ka mid ahaa Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman (Yarisow), Bashiir M. Jama
(Bashiir Goobe), Mohamud A. Nur (Tarzan), Hussein (Damumaye), Ahmed Nur (Seyga
ruushka), Mohamud (Daba yare) iyo qaar kale oo aan halkan magacyadooda ku soo
koobi karin.
Warkan kala xiriiri: Abdirahman Omar
Osman yarisow70@hotmail.com
Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Lakulmay Safiirka Masar
Nairobi: Aqoon yahanadaas oo kayimid London, UK
ayaa....
Guji...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|