SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Dr. Cabdulaahi Axmed Cadoow oo kamid ah musharixiinta xilka madaxwaynanimada iyo qorshihiisa.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com 

23/7/2003.  

KAAH

Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday hotelka Sarena Hotel ee Magaalada Nairobi ayaa Dr Cabdulaahi Axmed Cadoow oo kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee u tartamaya xilka madaxwaynanimada soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay in loo baahanyahay qaab cadaaladeed oo baarlamanka loosoo xulo iyadoo ay udhanyihiin dhamaan beelaha soomaaliyeed lana muujiyo kaalinta odayaasha dhaqanka.

Waxaa kaloo Cadoow uu sheegay in dhibaatooyinkii ka dhacay dalka soomaaliya looga gudbi doono dawladda kumeel gaarka ee halkan lagu dhisi doono si shacabka soomaaliyeed ee dhibaataysan ay u helaan nolol iyo nabad wada jirta, laguna dhaqo cadaaladda.

Mar uu ka hadlayay Kalsoonida uu ka haysto beelaha soomaaliyeed in ay u doortaan hogaanka dalka soomaaliya ayuu sheegay in kulamo gaar gaar ah uu kula yeesho gudaha iyo dibadda siyaasiyiin, aqooonyahano iyo odayaal dhaqameedyo soomaaliyeed, rajo wanaagsanna uu ka qabo in uu ku guulaysto madaxwaynanimada.

waxaa kaloo uu sheegay in xiriir wanaagsan uu la leeyahay Dawladda Maraykanka,Midawga Yurub,Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo dalalka dariska la ah soomaaliya oo ula diyaarsan soomaaliya in ay wax kala qabtaan Amaanka Guud ahaaneed ee soomaaliya iyo gaar ahaan Muqdisho oo ah caasimadda soomaaliya iyadoo aanu la wada socono in ay caasimadu ka mid tahay meelaha amaankeedu uu faraha ka baxay,waxaa kaloo ay beesha caalamku kala shaqaynayaan Kobcinta dhaqaalaha, Dhismaha dalka, Waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamka isagoo lasoo sheqeeyay beesha caalamka xiligii dawladda soomaaliyeed iyo mudadii dawlad la'aanta.

Wareegii saddexaad ee Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee laguqabtay Carta: August, 26, 2000
CABDIQAASIM SALAAD XASAN ...[145]
CABDILAAHI AXMAD CADDOW ....[092]

Dr Cadoow oo ah Musharixii kaalinta labaad ka galay doorashadii madaxwaynanimada ee dalka Jabuuti Waxaa uu yahay Siyaasi rog cadaa ah oo aan haba yaraatee ka qayb galin dagaaladii sokeeye ee dhiiga badani uu ku daatay soomaaliya iyo xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ee ka dhacday soomaaliya tan iyo markii 1991 dawlad la'aantu ay dhacday.

Musharixiinta ugu cad cad ilaa iyo haatan ee tartanka kula jira Dr Cadoow Waxaa Kamid ah Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Faarax weheliye Cadoow Sendiko.

Hadalka Dr Cabdulaahi Axmed Cadoow Waxaa uu ku soo beegmay Maalin kadib markii Xoghayaha guud ee Hay'ada Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International Irene Khan ay ka hadsahay Munaasabadda 22ka July ee Xadgudubyadda Xuquul insaanka loo gaysto iyadoo xustay in shirka dib u heshiisiinta ay xoog ku yeeshaan Bulshada rayidka iyo dadka aan ka qayb galin xad gudubyadii xuquuqul insaanka loo gaysto iyadoo horayna hay adani ay usoo gudbisay qoraal ay kaga hadlaysay in baarlamanka aan lagu darin hogaamiyayaasha xad gudubyadda ka gaystay soomaaliya.

Qoraalkii Amnesty International waa kan... GUJI:

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD