Ma aha markii ugu horreysay oo lagu xadgudbo heshiiskii
xabad joojinta ee ay madaxda ururada Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka hadda
soconaya, heshiiskaas oo ay saxiixeen isla madaxda ka qeyb galeysa shirkaas
lana saxiixay 27 Okt.ee sanadkii hore.
Waxaa wax laga xumaado ah dagaallada hadda ka soo
cusboonaaday gobollada Mudug iyo Shabeellada dhexe, dagaaladan oo dhex maraya
beelo Soomaaliyeed, ahna wax laga xumaado.
Ayuu sidaas darteed Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
cambaareynayaa dhamaan dagaaladaasi ka dhacaya magaalooyinka "Afbarwaaqo iyo
Raage ceele".
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka codsanayaa
dhamaan beelaha uu dhex marayo dagaaladan in ay joojiyaan shuruud la'aan, wixii
khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu beelaha
Soomaaliyeed ee kale ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan joojinta dhiiga
walaalaha ee daadanaya, kuna dadaalaan dhameynta gacan ka hadalka soconaya.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna Wakiilka
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed u jooga dalka
Talyaaniga
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com