Dal saboola dadkiisuna aqoontu ku yar tahay maxey
nidaam federaala ku wadaagin. Waxey iigu muuqataa qabyaaladii oo qaab federaala
loo dalacsiiyey. Waxaan u arkaa qaab dalkii Soomaaliyeed lagu qeybinayo si
uusan u yeelan nidaam Soomaalida ay hal awood oo keliya tala ku goostaan. Waxaa
ii muuqata soo minguurinta xeerarkii Ethiopia iyo damaceeda dulaalnimo oo ay ku
xeer wareejineyso dalweynaha Soomaaliyeed. Waxaan iga qarsooneyn soo ifbixida
dalal yar yar oo ay hogaaminayaan dadkii u liitey degaanadaas.
Dalka Soomaaliyeed diinta qeybisay waa qabyaalada.
Waana iyada mida maanta looga maarmi waayey in dalka loo qeybiyo dowlado qabiil.
Wixii Soomaalinimo lagu waayey uma maleynayo in lagu helayo nidaam qabiiil si
kasta oo loo qurxiyo iyo magac kasta oo loo bixiyo. Dad isku dhaqana oo isku
afa muxuu ku soo kordhinayaa qaabka federaalku. Dad aan shaqo isku lahayn sida
dalka Amerika oo ka soo kala jeeda wadamada qaarada Yurub oo dhan waa gar iney
dalal yar isku qeybiyaan, awoodooda dhaqaala oo xoogan awgeedna ay u suurto
geliso iney isku celiso midnimadooda. Dalkii Soomaaliyeed oo laga hor
wareejiyey xayndaabkii isku celinayey oo ay cadowgeeda si wadajira isaga
celineysey, maxaa isku celi doona shan iyo toban dalyare oo mid walba
qumaneheedu qoorta u suran yahay. Ma dalkiiba aad u weyn oo u baahday ismaamul
dowladeedyo badan mise dadkiiba hodon noqday oo doonaya khaliijyo madaxbanaan
oo u gaara. Dalka Soomaalida weligiis wuxuu ku noolaa macaawinada dalalka
shisheeyaha laga helo. Madaxda dalkuna xoolaha dadweynaha saboolkaa dibeda deeq
ahaan loogu soo dhiibo ayey rasamaal maguurtaa ka abuurtaan haddii ay noqon
lahayd Guryo, shirkado ganacsi, beero ama lacag adag oo dibeda lagu maalgashado.
Ujeedada federaalka waxaan u qaatay hal af oo weyn waa nagu yar yahay ee aan
hirgashano nidaamka noo ogol 15 af waaweyn inaan wax ku doonano.
Gobolka Waqooyi iyo kan Bari maxey tahay dhaqaalaha ay
gooni isugu taagi karaan iyo cadowga ay gooni isaga celin karaan hadddii aysan
shisheeye u rukuceyn. Hilibka ay cunaan waxaa laga keena gobolada dhexe iyo
kuwa galbeed. Sidoo kale khudaarta iyo mirahana waxey uga yimadaan gobolada
koofureed ama galbeedka. Siyaasadoodu miyeysan u muuqan qabiilkeyga ciddii aan
ahayn xaq kuma leh degaanka. Hadda ka hor labada gobol waxey goboladooda ka
cirdeysteen dad Soomaaliyeed oo degaanka guur geyey ama ganacsi geeyey ama ka
shaqeysanyey, iyaga oo ku tilmaamaya dad qalaad oon degaanka u dhalan. Haddii
ujeedada ay tahay danta qabiilkeyga, oo sideedaba maxey la wadaagi dadka
intiisa kale. Danta qabiilkeygu waa ii gooni taadana aan kula wadaago meel ay
ka soconeyso anigu ma garan karo. Waxaan cadeyn waxa Soomaali aysan horay u
wadaagin ee hadda la wadaagayo.
Dalka Soomaaliyeed waxaa qarnigan ka salguurey taladii
odayaasha dhaqanka oo aan aqoon durugsan u lahyn dhaqamada cusub oo ay soo
kordhiyeen nidaamka dowladnimada. Inkasto ay weli ku dhegen yihiin kursigii ay
dhaxaltooyada ugu heleen dhaqanka miyiga haddana kama maqna in hanaanka la
casriyeeyo si ay mudnaanta markasta u yeeshaan. Waana taas mida keentay
nidaamka cusub ee federaalka iyo odayaal caado qaatayaala in la yiraahdo
siyaasiyiintii dalka ha soo xulaan. Odeygaas aan aqoonta lahayn waa maxay
qaabka uu ku xulayo dadka ka aqoonta badan. Cidda leh wax ha lagu doorto
qaabkaas waa dad meheradoodu tahay iney Soomaalida ku xukumaan qaab laaluusha
iyo qeyameyn dhaqaale.
Dadkii isku abaabuley jabhadaha hubeysan oo ay uga
dhegen tahay fikrada ku xirantay maskaxdooda oo ah adigu tali haddii la waayana
degaankaaga gooso ayaa xoog wax ku muquuninteedu waxey keentay in loo arko
dalaaliin uu shisheeye wato oo iyaga danahooda ka wakiila. Wakiil kasta oo dan
shisheeye ilaalinayana wuxuu hor kacayaa koox uu isagu liiskiisa sameystay,
waana taas mida loo leeyahay dagaal-ogayaashu ha soo xulaan mudanyaasha
baarlamaanka. Wadamada danaha gaarkaa ka leh Soomaaliya cid walba mudanaha ay
dooneyso ayey garab taagan tahay waana qasab iney soo geliso Baarlamaanka
xeelad kasta oo ay u martaba, taas ayeyna ku saleysan tahay siyaasada beesha
caalamka. Ciddii aaminsan iney Soomaalidu dooraneyso wakiilada iyaga metelaya
fikradooda dib ha ugu noqdaan.
Cadowga Ethiopia oo xeerka federaalka isagu soo
minguuriyey ujeedada uu ka leeyahay waa mid uu ku qeybinayo awooda Soomaaliyeed
si aan loo helin cudud xoogan oo israacsan. Haddii ay iskhilafaan danta guud ee
Soomaalida iyo tan Ethiopia, waxaan shaki lahyn dadkii ay ka soo buuxsatey
baarlamaanka ama kuwa ay la dhistay gooni u goosadka iney u hiilinayaan danaha
Ethiopia. Sidaas waxaa ku muuqata in dalka Soomaaliyeed uusan iska celin karin
cadow ay ku daaban yihiin hogaamiyeyaashiisa kooxaha. Waxaa kaloo dalka akhirka
milkiyadiisa wareejinaya xeerarka cadowga uu soo minguuriyey si uu ula
saanqaado nidaamka isaga uu horay u degsadey oo qiil loogu heli karo isku
darsan gadaal dambe ka dhasha. 3 milyan oo Soomliya iyo 30 milyan oo Ethiopia
isku darkoodu waa iney dalka yeelato cida u badan. Dad kaa aqoon badan oo kaa
siyaasad badan oo kaa fara badan in dhaxalkaagu xagooda marin waa cadeyn aan u
baahneyn in laga shakiyo.
Waxaa isticmaarkii kadib dalka loo dhiibey dad
aqoontoodu kooban tahay oo ay ku siman tahay waxbarashada dugsiga hoose/dhexe.
Waxaana isdhexyaacay xeerkii gumeysiga dejiyey iyo xeerkii dhaqanka qabyaalada.
Markii dalku jirsedey 40 sanno oo dad badan oo Soomaaliya ay la wadaageen
aduunweynaha intiisa kale aqoonta guud iyo mida gaarkaa in maanta loo noqdo
odey koofi cad iyo wadaad cimaamad cad iyo gacan ku dhiigle hogaamiya
dembilayaal dagaal waxey muujineysaa inaan ku socono wado gadaal iyo horeyba ka
xiran. Hanaanka dalka Soomaaliyeed uu ku dhaqmi karo wuxuu ku xiran yahay inta
dadkiisu aqoontiisu la egtahay, taasna in laga horboodo ma ahan. Waxa
madaxbanaanideenii aan ugu hor mari weyney dadka kalese ay ugu hormareen waa
dhaqanka Soomaalida oo soo hormarinaya qofba intuu qof kale ka liito, meesha
dunida kale la soo hormariyo cidda aqoonteeda leh. Maxaa maanta kulmiyey dhismo
dowlad iyo nidaamka federaalka? Umaleyn mayo nidaamka federaalka in laga
leeyahay ujeedo wanaagsan, waxaana ka cabsi qabaa in nidaamkaas uu yahay qaab
xeerarka Soomaalida loogu diyaarinayo oo keliya sidii mustaqbalka dalka
Ethiopia qiil loogu siin lahaa in dalka Soomaaliyeed loogu daro. Haddii ay
Soomaalidu u baahan tahay nidaamka federaalka waxaa haboon inaan lagu deg degin
kan maanta la doonayo inta laga gaarayo siyaasiyiin si toosa loo soo doortay
ama inta afti dadweyne laga qaadayo. Teeda kale ma cadda waxa maanta loogu deg
degayo baarlamaan aan dadku soo dooran. Dalku wuxuu maanta u baahan yahay waa
guddi ku meel gaara oo suga nabadgelyada dalka, dabadeedna qaban qaabiya
doorasho baarlamaan iyo mid madaxweyne. Waxaa cad nidaamkasta oo aan ku imaan
doorasho inuusan keeneyn kalsoonida dadka, sidaas ayeysan ku habooneyn in lagu
degdego dhismo dowladeed oo leh golaheeda xeerdejinta. Haddii Soomaalidu ay ku
heshiiyaan guddi, beesha caalamkuna ay ku gacansiiso dhaqaalaha ku baxaya
ciidan Soomaaliyeed oo dadka hubka ka dhiga waxay taas suurogelineysaa in la
galo doorasho bilow ah, halkaasna ay ka soo baxaan dowlad ka wakiila
shacabkeeda. Wixii huba oo dadka laga aruuriyana wuxuu dib ugu noqonayaa
ciidanka Soomaaliyeed oo hubka horay u lahaa.
In magaca Soomaalida lagu keeno ciidamo shisheeye oo
dalka bada duli ka daran kan kooxaha, haddana lagu siiyo macaawinadii loogu
tala galay dadka Soomaalida, iyada oo aysan cid Soomaaliya ka faaideysaneyn waa
talo uu wato cid shisheeye u adeegeysa. Waxaa intaas ka daran hubka dadka laga
qaado wuxuu gacanta u gelayaa ciidanka shisheeye oo ama burburinaya ama
dalkooda dib ugu qaadanaya.
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com