SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
Jawaabtii Ali yusuf iyo shirkii jaaliyadaha soomaalida Ogadenya.

Qore. Maxamed Cabdi | gammaan@hotmail.com  

KAAH

Marka hore waxaan salaan diiran usoo gudbinayaa maamulka sharafta leh ee Somalitalk, waxaana ugu hambalyeynayaa sida geesinimada leh ee ay u gudanayaan mihnadooda saxaafadeed.

Hadii aan usoo laabto nuxurka mowduucan oo ah mid aan ugu jawaabayo maqaal uu qoray ninka lagu magacaabo Ali Yusuf, oon u arko inuu si xaqiiqada ka fog uga hadlay Jaaliyadaha soomaalida Ogadenya iyo shirarka ay sanad walba ku qabtaan wadamada dibada.

Ugu horayntii waxaan leeyahay Caliyow xiligan aan joogno waa laga gudbay Jaaliyadihii ujeeda badan. Waxaan ka wadaa jaaliyadihii hore eed ka sheekaysay waxay u badnaayeen kuwo aan lahayn hadaf iyo ujeedo cad, ama wax qabad ku salaysan sidii shacabkeenu Gumaysiga uga bixi lahaa.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...

Waxaad sheegtay in jaaliyadihii hore laga heli jirey dad fikrada kala duwan aaminsan, fikradahaas sida hadalkaaga ka dhadhamaysa waxaa weeye matalan. Qaar waxay rabaan inay gumaysiga Itoobiya la dagaalamaan isla markaana halganka socda taageeraan. Qaarna waxay rabaan in Itoobiya wax lala qabsado oo horumar iyo wax la mid ah ayay ka hadlayaan. Kuwo kalena waxay aaminsanyihiin inaan Ogadenyaba laga hadlin ee soomaaliya iyo dagaalka sokeeye ee ka jira lagu mashquulo.

Hadaba adaan ku waydiiyaye siday sadexdaa fikradood hal jaaliyad uga wada shaqayn kartaa?

Markaa isbadelka dhacay ee adiga iyo inata kula midka ah u cuntami la waxaa weeye, dadkii waxay fahmeen inayna jaaliyadaha noocaas ah ee nin waliba wadaanta dhinaciisa kaga ridanayo wax wanaag ah ama horumar ah kasoo soconin, sidaa darteed in lakala miirmo oo nin waliba fikrada uu aaminsan yahay daacad u noqdo.

Markaa adiga Cali ahaan hadaad aaminsan tahay in Ogadenya mashaariic iyo horumarin laga sameyn karo taas macnaheedu waxaa weeye gumaysi ma jiro, sababtoo ah waxaa xaqiiqa ah in meel gumaysi ka jiro aan horumar laga gaadhi karin, gaar ahaan gumaysiga Itoobiya.

» Shirka Jaaliyadda Ogaadeenya oo Isubedeley shibrayohow heesa
[Ali Yuusuf]

Waxaan aaminsanahay in isbedelka jaaliyadaha soomaalida Ogadenya sameeyeen dhowrkii sano ee ugu dambeeyay inuu yahay wax aad loogu farxo cadowguna ka naxo, waxayna ku talaabsadeen xowli iyo wax qabad dhab ah, gaar ahaan dhinaca taageerada halganka gobanimadoon ee shacbkeenu ku jiro iyo muujinta dhibaatada gumaysigu ku hayo.

Shirweynaha sanad walba jaaliyadaha Ogadenya qabtaan wuu ka qiima sareeyaa sidaad ku tilmaantay, waxaana filayaa hadaad kasoo qayb gasho inuu wax badan aragtidaada iska bedeli lahaa. Wuuna u furan yahay cid kasta oo ka madax banaan gumaysiga Itoobiya ama aan dabadhilif u ahayn. Ugu dambayntii Caliyow hadaad aaminsantahay in horumar wadanka Ogadenya laga hirgelin karo iyadoo gumaysigu haysto waxaad dhegaysataa warbixintii iyo qudbadii Maxamuud Ugaas godoomiyihii Hay,ada samafalka ee OWS uu ka jeediyay shirkii Stokholm ee u dambeeyay. iyo qudbadii Hay,ada xuquuqul insaanka Ogadenya OHRC.

Markaa ka dib isbarbar dhig waxaad ka hadashay iyo xaqiiqda jirta.

Qore. Maxamed Cabdi

gammaan@hotmail.com  

Heshiiskii Tripartite Accord" Ka akhri halkan...

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD