Dabayaaqadii 80da iyo bilowgii 90ka oo ah wakhtiga ay
qaxootiga Somalidu ku soo bateen qurbaha, waxaa meelo badan oo dunida ka
biloowday isxilqaan iyo dadaal ay doonayeen wax garadka u nasab sheegta dalkaas
in ay kaga qayb qaataan wacyigalinta iyo horumarka ummadooda. waxaa hubaal ah
in badan oo ka mid ah waxgaradkii safka hore kaga jiray abaabulkan ay ku
hungoobeen dadaalkoodii, oo ay maanta il murugu leh ku eegayaan majara
habaabinta ashkhaas dan gaar ah leh ay ku sameeyeen ujeedadii aasaasiga u ahayd
abaabulka jaaliyadaha Ogadeenya ee dibadda, oo maanta isu bedelay golo ay isu
marxabeeyaan in yar oo isku fikarad ah, oo isla yaqaana heesaha goobta. waa
gaddii shimbirayahow heesa oo hees wanaagsan heesa!.
Jaaliyadihii u horeeyey waxay ka hana qaadeen dalalka
ay ka mid yihiin UK, Germany, Denmark, Sweden, Norway, Holland, Australia, iyo
gobolo ka mih ah Waqooyiga Amerika . Qaabka samynta (structure ), ujeedooyinka
iyo aragtida jaaliyadahan oo kala duwanaa aawgeed ayaa waxaa bilowgii 1990kii
aad la isugu hawlay in la sameeyo wada shaqayn iyo ujeedo midaysan, lagana
faaidaysto kala duwanaanta fikirka, isla markaana ay jaalyaduhu noqdaan golo
mideeya bulshada Ogadeenya.
Ujeedooyinka ay ka midaysanaayeen dadkii hormoodka ka
ahaa jaaliyadaha dibadda ee xilligaas, waxaa ugu muhimsanaa in gacan laga
gaysto horumarrinta nolol maalmeedka ummadda, sida waxbarashada, caafimaadka,
daryeelka bayadda, xuquuqda aadamaha, oo intuba runtii ku sugan xilli uu oday
adeerkay ah horay ugu tilmaamay “ Ogaadeenya waa meesha qudha ee uu bidhaan
garan lahaa, haddii nabi Adan ifka ku soo noqon lahaa! ”, iyo waliba in ay
jaaliyaduhu ay noqdaan ambasadooro aduun waynaha u gudbiya xaaladda ay ummadaas
ku suguntahay, taas oo ka daboolan dunida inteeda badan.
Waxaa xusid mudan shirkii ka dhacay Stockholm 1994, oo
ahayd meeshii lagu ansixiyey in ay jaaliyadaha Ogaadeenya sanadkiiba mar shir
isugu yimaadaan, si loo xoojiyo wada shaqaynta, loo xisaabtamo, loona curiyo
fikir cusub. Shirarka noocaas ah oo si daba joog ah u dhici jiray kama aanay
madhnayn khilaaf, fikrado iska horjeeda iyo waliba ururada siyaasiga ah sida
Onlf oo iyagu mar walba watay aganda gaar u ah, oo ay ku caburinayaan ciddii
wadata fikrad tooda ka duwan.
Waxaa abuurmay jaalyado hor umar la taaban karo
sameeyey, oo xafiisyo ka furay dalal badan oo dibadda ah, Taasoo ay runtii
gacan ka gaysatay maamulkii jabhadda ONLF ee xiligaas.
Waxaa biloowday kacdoon guud oo ka madax bannaan
ururada siyaasiga sida Onlf iyo ururadii diiniga ahaa. Waxaa xusid muadan
samayntii ururka xuquuqul insaanka ee Ogaden human rights committee,
taakulayntii caafimaadka ee ay geesteen jaaliyadaha Australia iyo Germany ,
samayntii machadka cimlmi baadhista ee Virginia “Ogaden studies institute”,
doodii xaalada Ogadeenya ee ka dhacday baarlamanka Sweden, joojintii kaalmada
dhaqaalaha ee Denmark ay siin jirtay Ethiopia iyo tallaabooyin kale oo wax ku
ool ah, oo ummadda codkeeda gaarsiiyey golayaal ay ka mid yihiin EU.
Jaaliyaduhu waxay ahaayeen goobta ay isku hardiyaan ,
kuna loolamaan fikradaha xorta ah ee ummaddaSomali galbeed . Waxaa runtii xusid
mudan shirkii 1997 ee London, oo dooda ugu ballaaran ay ahayd in la isku dayo
xabbad joojin iyo waan waan siyaasadeed oo Ethiopia lala galo, arrintaas oo ay
hormood ka ahaayeen ashkhaas hadda ka mid ah ONLF, iyada oo ay xilligaas qaar
ka mid ah ka qaybgalayaasha shirka Stockholm ay masuuliyiin sare ka haaayeen
maamulka Ethiopia . Fikirkaas waxaa aad uga soo horjeeday oo qaadacay shirka
qaar kale oo iyana ka mid raga ka hadlaya shirak Stockholm anno 2003 !! waxay
ahayd dood caafimaad qabta oo ay jaaliyaduhu ku bislaadeen, dadkuna isku bartay
, qof walbana uu xor u ahaa mawqifkiisa.
Isu marxanbaynta golaha shimirayahow heesa waxaad ka
milicsan kartaa marka aad eegto dadka ka hadlayey shirkan, oo haba yaraatee
intooda badan wax ay ku soo kordhinayaan aanay jirin halganka iyo hor umarinta
ummadda midnaba, waa nasiib darro ummadeena haaysata.
Suaashu hadaba waxay tahay xagay wax iska qaban
la´yihiin, oo maxaa sabab u ah dib u dhaca iyo horumar laáanta jaaliyadaha
Ogadeenya ? caqabada ugu wayn ee hortaagan in jaaliyadaha Ogadeenya ay hor
sameeyaan waa jabhadda Onlf , oo wakhtigooda inta badan u isticmaala
propogaando, caburinta fikradahooda kuwa ka duwan oo ciddii allaale ciddii
tiraahda war sidani si ma aha lala tiigsado shabad ay ku qorantahay xabshi ayuu
u shaqeeyaa. iyo in la adeegsado inta aan taariikhda ummadda waxba kala socon.
Waayo waayahan dambe waxaa qurbaha soo galay dad badan oo aan la socon
marxaladaha ay jaaliyaduhu soo mareen.
Shirarkii Jaaliyadahuna waxay isu bedeleen unugyada
Onlf. Waxay si toos ah u bilaabeen olole ay ku burburinayaan, kulana
wareegayaan jaaliaydihii jiray, taas oo ay ugu dambaysay jaaliyadda London.
Shirkan Stockholm waxaa lagu tilmaami karaa shir looga
dan leeyahay dacaayad, oo haba yaraatee wax nuxur ah aan lahayn , waayo
shirkani wuxuu ahaa shir ay isugu yimaadeen unugyada Jabhadda Onlf oo haba
yaraatee wax shaqa kuma uusan lahayn horumarinta ummadda.
Suaashu waa ilaa iyo intee baa laga aamusnaan karaa
dabandaabyada ay uammada ku hayaan gumaysi macangag ah , jabahd jiha wareersan
iyo dawlad goboleed Jigjiga joogta oo iyaga uun iska daba lusha ?
Ali Yusuf
UK
Email. Aliyusuf70@hotmail.com