Af-qalaad Aqoontu Miyaa? :
Maxaa keenay in dadka
Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad?
W.Q A.C.M. Khayre iyo M.C.Cibaar
Qormadan aan ku magacownay
af-qalaad aqoonta miyaa? Waxa kalifay in aan qorno, kadib markii aan aragnay
xaaladda qatarta ah ee uu kusugan yahay afkeennii hooyo, kaasoo la dhihi
karo, diinta oo ay Soomaalidu 100% muslim tahay ka sokoow, waa xididka ugu
muhiimsan ee maanta isku haya guud ahaan Soomaali weyn meel kasta oo ay
joogto, Maadaama arrimihii kale ee umadda isku hayey ay dhibaatooyin ka
taagan yihiin; sida calankii,dhaqankii, dhulkii iyo wada dhalashadiiba.
Soomaaliya waxa ay nasiib u
yeelatay in ay kamid noqoto saddexda wadan ee qaaradda Afrika looga hadlo
halka luqad, iyada oo labada kalana ay yihiin Swaziland iyo Lesotho oo ah
waddamo aad u yar yar. Bal akhristow u fiirso nimcada Ilaahey nasiiyey ee
aan laga faa’iidaysanayn. Wadanka aan dariska nahay ee Itoobiya, waxaa looga
hadlaa in kabadan 70 luqadood oo leh 200 oo lahjadood.
Hadaba qormadan haddii Alle
idmo waxaan rabnaa in aan ku eegno su'aalo ay udub dhexaad u tahay: maxaa
keenay dadka soomaaliyeed oo Ilaaheey nimcadaas ku galadaystay uuna siiyey
hal af, ay maanta kuwada xiriiraan luqado qalaad?
Quursiga iyo ku
qanacsanaan la'aanta Af- Soomaaliga
Haddii aad u fiirsatid inta
badan Soomaalida qurbe-joogta ah, mar mar waxaad isweydiinaysaa goorma ayay
qasab noqotay in lagu wada xiriiro afaf qalaad ; sida kala qorashada
telefoonada, cinwaanada iyo wixii lamid ah. Waxaa suurto gal ah in aan
inteenna badan aragno laba qof oo soomaali ah oo ku xiiqsan ineey isku
yeeriyaan lambar telefoon oo ka kooban toban lambar ama ka yar, maaddaama
labadooda midkood ay ku adagtahay luqadda wax leysugu yeerinayo, iyadoo
lagaba yaabo in tobankaa lambar lagu kala sheego dhowr luqadood oo kala
duwan sida ( oow, two, sei, acht …..iwm.).taasoo laga yaabo in waqti dheer
uga dhumo,oo haddana waliba ay suurto gal tahay in wixii leysku yeerinayay
qalad loo kala qorto. Hadaba walaalayaal miyeysan ahayn wax lays weydiiyo,
maxaa na geliyay dhibaato aan alle nabadin? Oo keenay inaan quursanno kuna
qanci weyno afkeenna qaaliga ah!!.
Arinta kale oo aad layaabka
u lehi waxa ay tahay, in qoraalada lagu soo bandhigayo bogagga ay Soomaalidu
ku leeyihiin shabakadaha internetka badankoodu ay ku qoranyihiin luqadaha
qalaad sida Ingiriisiga. Waa macquul in qoraaladda qaar loogu talo galay dad
aan Soomaali ahayn. Waxase aan kahadlaynaa waa qoraallo aad arkaysid in
loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ,isla markaana lagu qorayo af ajnabi.
Qormooyinkaas qaarkood malaha wax nuxur ah, waxaana intaa usii dheer dhaliil
luqadeed.
Waxa kale oo jira in
dhalinyarada ku kortay qurbaha ay inta badan iskula xiriiraan luqadaha
wadamada ay joogaan iyaga oo aan danaynayn luqaddoodii asalka ahayd. Waxaana
wax laga naxo ah in waalidiinta qaar ayba arrintaas ku faraxsanyihiin oo
ayba ku faanayaan in aan caruurtoodu Af-Soomaaligaba fahmin, laakiin ay ku
gabyaan luqadaha qalaad, CAJIIB!!.
Dadka luqadaha kale wax ku
soo bartay ayaa iyaguna ku tacaddiya luqadda Soomaaliga,waxaadna arkaysaa
marar badan iyada oo aysan hadaladooda lasocon karin dad aan aqoon ulahayn
luqadaha qalaad oo ay isticmaalayaan. Lama inkiri karo in ay jiraan
erayo-cilmiyeed badan oo aan weli la Soomaaliyeyn, laakiin ma ahan in 'off
course, allora, iyo Maca-daalika, iwm laga dhamaan waayo.
Waxaa kale oo in laxuso
mudan shirar badan oo weliba lagu magacaabo shirarka aqoonyahannada,
kuwaasoo aad arkayso in la dafirayo af-soomaaligii laguna daadihinayo luqado
qalaad. Shir dadka jooga ay 99% Soomaali yihiin ayaa waxaa dhacda in luqadda
shirku ku socdo ay noqoto mid qalaad. Waa la yaabe, ma 1% ka ajnabiga ah
ayaa lagu qadarinayaa arintaas, mise ku hadalka afka qalaad ayaaba, ammaan,
iyo ilbaxnimo loo haystaa?
Heerka ay gaartay
xaqiraadda uusan mudneyn ee la xaqirayo af-soomaaliga waxaad si dhab ah uga
arki kartaa dhaqanka qaabka daran oo ay la yimaadeen siyaasiyiin isku
sheegga maanta Soomaalida horkaca. Bal u fiirso qoraaladda ka waramaya
qorshahooda waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwa isku sharaxaya hogaanka
wadanka dhammaantood, imisa ayaa ku qoran af-soomaali? Imisa ayaase ku qoran
af ingiriis? Waxaa lays weydiin karaa qoraaladani ma barnaamij loogu tala
galay dadka Soomaaliyeed ineey aqristaan oo ay fahmaan si ay wax ugu
qiimeeyaan baa, Mise waa lifaaq lasocda arji ku socda qoom iyo qaarado
kale?!.
Maxaa keenay in aan
qiimeyno luqadaha qalaad?
Sida aan ognahay waqtigii
gumaysiga waxaa wadanka arimihiisa oo dhan mas'uul ka ahaa dowladihii yurub
ee na haystay. Waqtigaas si qofku shaqo uga helo dowladda waxa uu ku
qasnabaa in uu ku hadlo luqadda gumaystaha. Gumaystayaashuna waxa ay
shaqooyinka yar yar ku aamini jireen Soomaalida luqadooda taqaanna. Taas oo
aqoontiiba ka dhigtay ku hadalka luqaddii gumaystayaasha. Markii uu
gumaysigu tagayna waxaa wadanka jagooyinkiisii dhaxal u helay dadkii
luqadaha ajnabiga ah bartay. Marka la eego aqoonta kale waxaa xusid mudan in
1960kii Soomaalida aqoontoodu ay gaarsiisantahay heer jaamacadeed oo xitaa
lagu daray ardadii jaamacadaha dhiganayay ay guud ahaan tiradoodu ahayd 27
qofood.
In kasta oo xukunkii
milatarigu uu hirgaliyey qorista iyo akhriska Af-soomaaliga ayna soo baxday
halhayskii caanka noqday ee " afkii qalaad hamoodin carrabku qaldi maayee
sidii caanaha qurquriyaay”, haddana arintaasi ma hakin qiimayntii xad
dhaafka ahayd ee ay dadka Soomaaliyeed u hayeen luqdaha qalaad. Taasna waxaa
ka qayb qaatay maamul xumadii xukunkii milaratiga oo isaguna markiisa
jagooyinkii muhiimka ahaa inta badan u dhiibay dad u daacad ah oo aan
aqoontoodu dhaafsiisnayn qoridda iyo akhrinta Af-soomaaliga. Waxaana
arrintaa ka marag kacaya hal ku dhaggii hirgalay ee "jaahil kacaan ah ayaa
ka mudan jaamici kacaan diid ah". Xaalkii wuxuu noqday "ka dar oo dibi
dhal"Arintaas iyo kuwo kalena waxay keeneen, in dadkii ayba lasii colloobaan
luqaddoodii, qaar badanna ay la noqotayba in caddaalad darrada iyo horumar
la'aantii jirtay uuba Af-soomaaligu masuul ka ahaa.
Bur burkii dowladdii dhexe
ee Soomaaliya waxaa ay dhalisay taag darro ku sii timaadda isticmaalkii
Af-soomaaliga. Waxaa meeshii ka baxay manhajkii dhexe ee waxbarashada
Soomaalida oo kaalin weyn uga jiray kobcinta Afsoomaaliga sida horumarinta
eray-cilmiyeedyada iwm. Waxa kale oo iyaduna meesha ka baxday luqad
xirfadeedkii iyo tii maamul ee dowladda.
Horraantii
sagaashameeyadii, markii ay hay'adihii ajnabigu gargaarka iyo shaqooyinka u
aadeen Soomaaliya, ayaa waxaa badatay baahidii iyo isticmaalkii afafka
qalaad, waxaana cirka isku sii shareeray qiimahoodii. Waxaa kale oo door
lixaad leh ka qaatay tabardarrada ku timid afkii soomaaliga, qixii ay dad u
badan dhallinyaro oo soomaali ahi qurbaha ku yimaadeen. Taas oo lagama
maarmaan ka dhigtay, in dadkaasi ay aad isugu howlaan barshada afafkii
waddamada ay u qaxeen si ay ula qabsadaan nolosha cusub ee la soo deristay.
Dhibaatooyinka ka
dhalankara Af-soomaaliga oo dhuma
Waxaa muuqata khatar weyn
oo ka imaan karta dayicidda Af-soomaaliga, oo ay ugu horeyso in uu meesha ka
baxo xiriir aad iyo aad muhiim u ahaa oo aan ku tilmaami karno xidid xooggan
oo isku haya ummadda Soomaaliweyn. Waxaa muuqata inuu meesha ka baxayo
xiriirka ehelada iyo isgarabsigii qaraabannimo. Waxaanan la wada soconnaa in
loo kala turjumo caruur walaalo ah oo kala joogta labo qaaradood. Waxaa
sidoo kale dhacda in waalid iyo carruurtiisii ay is fahmi waayaan oo ay dani
qasabto in loo kala turjumo. Bal waa yaabe maxay isku yihiin dad iyagiiba
loo kala afcelinayo?!.
Halis aan la fududeysan
karin ayaa iyaduna ka soo muuqata, xiriirka sii kala fogaanaya ee ummadda
iyo qaar aqoonyahannadeedii mustaqbalka ka mid ah. Maxaan ku timaami karnaa
xaalka dhaqtar soomaaliyeed oo aan waxba ka fahmeeyn cabashada bukaankiisii
soomaaliga ahaa! ama injineer soomaaliyeed oo shaqaalihiisa weydiinaya waa
maxay shub, tiir, darbi iwm.
Dad badan oo aqoontoodu wax
tar yeelan lahayd oo iska dhaadhiciya in aanay waxba qaban karin maadaama
ayna luqadaha ajbaniga ku hadlin iwm. Halkaasna waxaa ka dhasha barabixin
lagu sameeyo aqoon badan oo loo baahnaa.
Muhimadda Ilaalinta
luuqadda hooyo
Waa arin aad u muhiim ah in
la ogaado qiimaha ay dadka u leedahay luqadooda oo ah sharaftooda iyo
jiritaankooda . Dadka Soomaaliyeed oo intooda badan cel celis ahaan jooga
qurbaha 7 illaa 9 sano, ayaa waxaa wax laga naxo ah in uu si xowli ah uga
sii tirtirmayo afkoodii iyo dhaqankoodiiba, iyada oo ay dadyowga qaarkood oo
ku noolaa qurbaha gaar ahaan wadamada reer galbeedka in kabadan 50 sano ay
weli si wanaagsan u dhowrtaan luqadooda, dhaqankooda, diintooda iyo
jiritaankoodaba.
Dowladaha horay u maray ama
ay hogaamiyaan dadka wax garadka ah waxaa lagu dadaalaa in la adkeeyo
hirgalinta luqadda, xitaa waxa ay ku bixiyaan kharash iyo shaqo badan sidii
luqadooda kor loogu qaadi lahaa. Bal aan fiirinno dadaalka ay u galaan
adkaynta luqadooda wadamada ku bahoobay midowga Yurub. Golaha baarlamaanka
Yurub waxa uu hadda kakoobanyahay 626 qof, taas oo lafilayo in ay noqoto
illaa 732 marka ay kusoo biiraan wadamada cusub sanadka foodda inagusoo haya
ee 2004ta. Waxaa xusid mudan in kulamada baarlamaanka, xubin kasta loo
ogolyahay in ay ku hadasho luuqadeeda. Xubnahaas oo ka kala yimid wadamo
kala duwan. Wadan walba waxa uu ku adkeystay in uu luuqaddiisa ku hadlo,
hadalkaas oo isla markiiba la turjumayo . Turjumaadaas hadalka waxaa sii
dheer kan qoraaladda ay xubnuhu soo gudbiyaan oo dhan. waxaana halkaas ku
baxa lacago aad u farabadan oo gaaraya malaayiin doolar sanadkiiba.
Xubnahaas baarlamaanka ku jira waxa ay u badan yihiin dad ku hadla luqadaha
ay ka midka yihiin Ingiriiska iyo faransiiska iwm, kuwaas oo ay si fudud
isugu af garankaraan. Laakiin waxa ay doorteen in xubin kasta ku hadasho
luqadeeda, taas oo noo cadaynaysa sida dunida horay u martay ay u
danaynayaan uguna dadaalayaan jiritaanka luqadooda asalka ah, tasoo ah
dhaxalka ugu muhiimsan oo ay u dhaafayaan dhallaankooda.
Talo soo jeedin
inkastoo aad laysugu
waafaqsanyahay faa'idooyinka barshada luqadaha qalaad , hadana taas
macnaheedu marnaba ma noqoneyso in la illoobo oo daaqadda laga tuuro afkii
hooyo. Si aan hadaba u wada ilaashanno nimacada ilaah noogu deeqay ee aan
nasiibka u helnay, waxaan guud ahaan ummadda soomaaliweyn gaar ahaan kuwooda
qurba joogta ah u soo jeedineynaa talooyinka soo socda:
1. Waa in waaliddiintu ay
xil weyn iska saaraan carruurtooda kuna ababiyaan jacaylka iyo barashada
afka soomaaliga. Inta badan waxaa la arkay in caruurta lumisa luqaddoodu ay
ka fogaadaan diintooda iyo dhaqankoodaba . Cilmi baarisyo lasameeyey ayaa
waxaa ka cadaatay in caruurta luqadooda sida fiican u barata ay u
fududaanayso barashada tan ajnabiga wadanka ay markaas kunool yihiin.
2. Waa in aan ogaanno in ku
faanka isticmaalka luqad qalaad aysan noo kordhineyn wax darajo ah haba
yaraatee. Waxaana noo qurux badan in aan si raaxo leh u isticmaalno afkeenna
hooyo.
3. Waa inaan markasta ka
foojignaanaa in aan qof Soomaali ah kula hadalno af qalaad sabab la'aan.
Waana lagama maarmaan inaan ka qeyb qaadanno hirgelinta luqaddeenna, kana
fogaanno wiiqiddiisa si toos ah iyo si dadbanba.
4. Waa in aan oggaanno
farqiga u dhaxeeya luqadda iyo cilmiga; luqaddu waxay ka mid tahay cilmiyada
la barto, laakiin cilmi oo dhammi ma aha luqad. Hadaba waxaa habboon in qof
kasta lagu qiimeeyo heerkiisa garasho iyo aqooneed.
5. Waxaa naga talo ah in
dadka sameeya qoraalada ama abaabula shirarka loogu tala galay dadka
soomaalida ah, ay isticmaalaan afka soomaaliga oo ah kan ay ugu fahmi
ogyihiin, haddii aysan jirin sababo maangal ah oo qasab ka dhigaya in dadka
wax loogu sheego af qalaad.
Waxaa diyaariyay:
Axmed Cali
M.Khayre, iyo Maxamed Cali Cibaar
Aakhayre@hotmail.com
Mohamed_ebar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003
...AFSOOMAALIGA
OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
...QAABKA
QORAALADA LOO QORO.....
....SHURUUDAHA
QORAALKA KUSOO BAXAYA SOMALITALK
....
Xuquuqda
Qoraalada.....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|