SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Xasan Abshir iyo Deerow Shirka Halaga Saaro, sidaad waxaa dalbaday M.Cabdi Yuusuf iyo Cali Baashi  oo Katirsan DKG
  • Dalabkaas waxaa diidey maamulkii shirka oo weydiisdiistey in M.Cabdi Yuusuf iyo Cali Baashi ay shirka ka baxaan

SomaliTalk | Nairobi | July 14, 2003

KAAH

Saakay 10.30 subaxnimo ee waqtiga Nairobi ayaa waxaa ku balansanaa iney shiraan madaxda kooxaha iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya, shirkii markii la soo wada fariistay ayaa waxaa golihii shirka soo galay M.Cabdi Yuusuf iyo Cali Baashi oo ka kala socda labada gole ee DKG ah waxayna dalbadeen intaan shirka la furin in goobta laga saaro Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow waayo ma matalaan DKG ah.

Dalabkaas waxaa diiday maamulkii shirka, oo ka codsaday iney iyagu (M.Cabdi Yuusuf iyo Cali Baashi) ka baxaan shirka, iyaguna waa diideen, taasi waxay dhalisay in dhamaan madaxdii kooxaha Soomalida laga codsado iney shirka kuligood ka baxaan, si ay isugu haraan dowladaha daneeya arimaha somaliya, iyo hay'adaha caalimiga ah.

Shirkii gaarka ahaa ee ay qaateen maamulka shirka iyo hay'adaha caalamiga ah waxay ku heshiiyeen in maanta la joojiyo shirarka, isla markaasna gudi afar qof ka koobana loo diro C/Qaasim si ay ugala xaajoodaan arimahan cusub iyo ergada uu soo diray.

Sida wararku tibaaxeen waxaa gudigaas ka mid ah:
1. Safiirka Masar.
2. wakiilka Jamacada Carabta.
3. Safiirka Talyaaniga.

Shirka dib u heshiisiinta Soomalaida oo Eldoret ka bilowday 15 October 2002 ayaa soo maray heerar iyo marxalado kala duwan,  marxaladahaas oo ay kamid ahayd in shirka loo soo raro Mbagathi, Nairobi oo uu hadda ka socdo aydoo lagu jiro bishii 9aad ee shirkaas. Marxaladaha ugu dambeeyey ee shirka waxaa kamid ah in 5tii July 2003 lagu heshiiyey in xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ee dawlada la dhisi doono ay noqdaan 351, muddada ay dawladaasi jiri doontaana ay noqoto 4 sano, taas oo xubnaha baarlamaanka ay soo xuli doonaan saxiixayaashii October 27, 2002. Heshiiskaas waxaa ku gacan sayray C/Qaasim Salaad Xasan, asagoo ku tilmaamay mid aysan dawladiisu ogolayn. Diidmadii C/Qaasimna waxaa markiiba Ganafka ku dhuftay Xasan Abshir Faarax iyo Cabdalla Deerow Isaaq oo ka tirsan DKMG kaddib markii ay 7dii July 2003 shir jaraa'did ku qabteen xarunta uu ka socdo shirku ee Mbagathi ayna sheegeen in ay ayidsan yihiin go'aanka shirka.

DKMG waxaa mudadii la doortay ku egtahay bisha Agoosto ee soo socota, taas oo ay u buuxsami doonto mudadeedii saddexda sano ahayd, ayadoo taasi jirto ayaa waxaa muuqata in khilaaf weyni soo kala dhex galay saddexda nin uu ugu sareeya DKG.

"Waxaan qirayaa in mudadii saddexda sano ahayd ee ay jirtey DKMG ah in ay qaban lahayd wax badan haddii aysan jiri lahayn faragelinta joogtada ah, isla mar ahaan taasna ah maalin kasta, ee ay Itoobiya ku wado arimahanaga gudaha" sidaas waxaa toddobaadkan yiri C/Qaasim Salaad Xasan oo markaas joogey Maputo, Mozambique, oo uu ka socdey  shirkii 2aad  ururka Midowga Afrika (AU), Itoobiya Ra'iisul wasaareheedu arintaas wuu beeniyey, khilaafkaas labada dal (Soomaaliya iyo Itoobiya) waxaa lagu soo waramay in kenya ay isku deyeyso in ay Dhex-dhexaadin doonto.

Soomaaliya malahayn dawlad dhexe ilaa bilowgii sannadkii 1991, ilaa waqtigaas shacabka Soomaaliyeed waxay ku kala firdheen daafaha dunida, mudadaas waxaa la xaalufiyey dhirtii dalka Soomaaliya oo laga dhigay dhuxul la dhoofiyo, waxa kale oo cad in sun halih ah lagu aasay daafaha iyo gudaha dalka Soomaaliya, sida ku cad warbixintii dheerayd sannadkii 2000 uu qoray Dr. Bashiir Sh. Maxamed, labadan arimood ee xaalufinta iyo sunta waa 'dagaalka hurda ama dagaalka dahsoon' ee Soomaaliya, kuwaas oo cawaaqibkooda lagu baraarugi doono marka la helo dawlad xaqiiqo ahaan u dersi karta arimaha rasmiga ah ee saamaynta ku yeelan kara shacabka Soomaaliyeed.
 

SomaliTalk | Nairobi | editor@somalitalk.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD