KENYA: GUUR KII UGU YAABKA BADNAA
Haweeney 67 jir ah oo uu guursadey wiil 25 jir ah,
Hooyadii wiilka dhashay oo 53-jir ahayd markii ay maqashay guurkaas waxay u
Geeriyootey Dhiig Kar.
Abdi Yare|
kahin2002@hotmail.com | Nairobi,
Kenya
Waxaa maalintii jimcihii hore magaalada
nairoobi ee kenya isku guursada haweenay 67 sano ah iyo wiil 25 sano jir ah
taas oo fajaca aad u wayn ku dhalisay dhamaan dadwaynaha reer keenya, gaar
ahaan qoyska uu ka dhashay wiiliku.
Haweenaydaas oo 18 sano guur la'aan ahayd kadib
markuu ninkeedi hore oo ahaa dagaal yahmiinta mau mau ee xoriyada u soo
dagaalamay uu ka geeriyooday, "waxaan
raadinayay nin wayn ama nin laga dhintay, laakiin midna maanan helin, sidaas
waxaa ku calaacashay Wambui Otein"
Peter Mbgua oo maalintii oo dhan farxad ay ka
muuaqtay ayaa yidhi dad ku waxay leeyiuhiin way kaa wayn tahay laakiin taas
macno malaha jacaylka ayaa dhibaatada ah, jacaylku indho maleh, waxaan ahayn
saaxiibo dhab ah.
Wambui aayaa waraysi ay saxaafada siisay ku
tiri waxaa jira in rag waawayn ay guursadaan gabdho yar yar ee maxaa khalad
ka dhigay hadii ay naag wayn guursato nin ka yar .
Hooyada wiilka oo 53-sano-jir ah ayaa iyaduna
ku tilmaantay in uu yahay guur akhlaaqdaro ah aynan aqbali doonin hase ahaatee
markii dabe u geeriyootay dhiiga oo ku karay.
wabltaahi tawfiiq.
Abdi Yare|
kahin2002@hotmail.com | Nairobi
Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2003
Booliiska Nairobi oo Soo Laba Kacleeyey
Booliiska Xaafada Islii oo Dhowaanahan Laga
nastay ayaa..
GUJI July 12
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
»
WELI MA AKHRIDAY:
Sun Kuduugan Soomaaliya
|