Waxaa jirta sida lala wada socdo in dhawaan ay ka
dhaceen wax loogu yeedhay (dabaal degyo), maalmahii saqiiray ee xorriyadda
qiiradii Soomaliyeed meelo ka tirsan dunida daafaheeda, hadaba sida ku cad
qoraal ay soo saareen dhalinyaro iyagu gaar isku magacaabay kuna hadlaayey wax
loogu yeedhay (Ardayda Soomaliyeed ee Karachi), kuwaasi oo sheegay in xus lagu
qabtay maalmahii 26-June 27-June iyo 1-July magaalada karachi hadaba waxaanu
halkani ku cadaynayna hadaanu nahay Ardayda Reer Somaliland ee ku dhaqan
magaalada karachi in aanan waxba kala soconin, aanan ogayn meel lagu qabtay
xiiso gaar ah oo aanu u lahayna aanay haba-yaraate jirin, waxaa jirtay in
maalmo la damcay in lagu mu,maaradeeyo iyada oo la qarinaayo in qaar ka mid ah
ardayda reer Somaliland kubad cag ka soo qayb galaan balse arrintaasi noqotay
mid fashilanta kadib markii ay ogaadeen in lagu xusaayo waxa loogu yeedho
1-July oo ugu xardhan ardayda reer Soma! liland maalin madow maalmahaasi kor
lagu xusay kuwaasi oo taariikhdooda dhamaan aanu ku bedelanay 18-May 1991,
maalintaasi oo noqotay maalinta dib ula soo noqoshada xorriyadda Somaliland,
Waxaanu walaalahayo shacbiga iyo jaaliyadaha Jibouti meel wal oo ay ku
dhaqanyahiin ugu hambalyeynayna maalinta 27-June oo ahayd maalintii ay
xorriyadda ka qaateen gumaystahii France, balse waxaanu si cad halkani ugu
cadaynayna in aanan raali ka ahayn waxbana kala soconin danbi weyn na ay tahay
in laga turjumo masayrkayaga iyada oo qoraal lagu soo saaray bogga
Somaliweyn.com lagu sheegay in maalinta 1 july loo xusay (isku darkii waxa
loogu yeedhay Koonfur iyo Waqooyi), hadaba markay noqoto jamhuuriyadda
Somaliland anaga ayaa uga wakiil ah ka dhalanay, iyada oo aan wax nalooga
sheegay jirin in la iskaga anbabaro oo laga sheego bogaga Somalida waxaan jirin
waxay noqonaysa Danbi weyn oo haboon in la iska gar mariyo, mar labaad waxaanu
halkani ku cadaynayna
1. In umadda iyo shacbiga Soma! liland meel wal oo ay
joogaan aanay ka raali ahayn 1-july iyada oo lagu magac dhabaayo wax loogu
yeedho (Gobolada waqooyi) Somaliland
2, In umadda iyo shacbiga Somaliland ay leeyahiin maalin xoriyadeed
maalintaasina ay ku beegantahay 18-May 1991, maalintaasi oo lagu suntay
dastuurka qaranka Somaliland
3. In 1-july tahay maalin dhamaanba ka madow cariga iyo geyiga Somaliland uguna
xardhan quluubta Somaliland Murugo iyo tiif badan
4. In aanay sinaba Suuro-gal uga ahayn Ardayda Reer Somaliland ee ku dhaqan
magaalada Karachi inay dabaal deg u sameeyan maalmahii saqiiray 1-july waxa
loogu yeedho
qodobadaasi waa qaraar u yaalla Somalilander kasta oo ku dhaqan daafaha dunida
waana qodoba si gaar ah ugu suntan Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan
magaalada karachi. hadaba waxaa haboon in raali gelin buuxda ay ka bixiyaan
dadkaa sheegtay in maalintaasi 1-july loo xusay waxaa loogu yeedhay waxa loogu
yeedhay isku darka waqooyi iyo koonfur sida ugu dhak! hsaha badanleh iyaga oo
ku sheegay in halkaasi lagu qabtay ciyaaro kubadda cagta ah oo ay wada
ciyaarayeen xaafado ka tirsan magaalada karachi waa sida ku cadda qoraalkooga
eh. xaafadahaasina aanay habayaraate wax ka jiraa jirin iyada oo aanu fiiro
gaar ah siinaynay
WA BILAAHI TAWFIIQ SOMALILAD GUUL IYO GOBONIMO
ARDAYDA REER SOMALILAND EE MAGAALADA KARACHI:-
- MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
- CALI IBRAAHIM ISMACIIL (DHOOLAYARE)
- CUMAR MAXAMED MAXAMOUD (CUMAARO)
- CABDIRASHIID DAAHIR AAYE
- MUSTAFE XASAN WARSAME
- CAALIN MUXUMED FAARAX
- NIMCAAN CABDI WARSAME
- MUSTAFE MAXAMED DIIRIYE
Qoraalkan waxaa somalitalk soo gaarsiiyey
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
TELEPHONE: 00-92-300-9259624
E-MAIL: