SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
JAWAAB SNM WAXAY DHASHAY SOMALILND

Qore, Adan Yuusuf | najad88@hotmail.com

KAAH
SCWW,

Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo qoraal uu somalitalk uu ku soo bandhigay in magaciisu la yidhaahdo ,sheekh caaqil kaas oo u bixiyey snm waxay meel marisay balanqaadkii xasan keyd, kaas oo xanbaarsan qoraagaasi aragtidiisa iyo inta la fikirka ah.

hadaba waxaan donayaa inaan qodobo badan ka jawaabo oo maqaalka xanbaarsan orta halka ay arigtidaadu ku socotaa waa snm hooyadii Jamhuuriyada Somaliland jabhadaha kale ee aad ku afgobaadsatay iyada waa sii jiidhay lakiin halka itaalkaagu ku socday wuxuu ahaa Somaliland ,orta hadaanan ku jawaabin hadii kaleba wax macno ah oo ay ii samaynayso ma jirto ,hawlo ka waaweyn oo qaran dhan oo horumar tiigsanaya xawli aad u dheer ku socda ayaanu nahay ,hadaba waxaan kuu sheegayaa tariikhdu been ma sheegto,marka hore ala how naxariistee ,marxuum xasan kayd hadafkuu ku kelifay sanad ka dib inqilaabka waxay ahayd tariikh taal ,sidii ay ku timi somalinimadu waa la ogyahay, wixii siyaasad ee dalku soo maray waxaan filayaa hadii aanad kaa ahayn si kale ama aanad maqal si fiican taariikhda u akhri dabadeed waxaad helaysaa waxyalaha aad isku dhexyaacisay iyo caadifada ka muuqata qoraalkaaga waxaanan ku o! dhan lahaa in aad qoraalkaaga ku cabirto sida dhabta ah ee taariikhda ku qotanta waayo dadka akhrisanaya dhamaantood intooda badan way hayaan taariikhdan aad ka sheekanayso iyadoo dhaba,cadifad qabyaladeed ka bodeyn.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

horta waa dhab in jabhadaha aad magacooda sheegtay inay wax ka midaysnayeen dhinaca xidhiidhka itoobiya ,taas oo ah siyaasadu saxiib joogta ah ma leh,laakiin dan joogta ayey leedahay, itoobiyana dan ayey lahayd ,snm,na dan ayey lahayeen waana laysku danaysanayey waa waxa caalamku ku shaqeeyo, xidhiidhkii snm iyo ssdf sababta ay itoobiya isugu dhawadeen snm,na taariikhda dib u yar akhri waayo iyada ayaad ka helaysaa ,sababtii ssdf u kala fogadeen itoobiya ama ay u burburtay ama qayb ka mida oo ay ka dhab ahayd hadafkoodu ay ugu bireen snm taasna iyadana taariikhda uun dib u eeg way ku talaye, waayo snm hadafka ay ka lahayeen halgankaa ka dhab ayey ahayd taasi ayaa soo dedejisay jabka ku dhacay rajiimkii siyaad bare 1988--1991 hadaan u soo laabto hadafka snm waa dhab oo wuxuu ahaa in laga takhaluso rajiidkii siyaad bare taas waa lagu guuleystay hadaad ka naxday iyo hadii kaleba , guusha aad leedahay 1988 ay! uu gaadhay rajiimkaasi guusha aad sheegaysaa been ayaad ka sheegay iyada lafteeda tariikhda dib akhri iyo weliba caaqiladii,sheekhyadii goobjoogayaashii morgan (Cabdi bile)ayaa ka nool qoladii madaxda ee goobjooga ahayd oo isagu maalintii sadexaad madarka hargeysa orod ku tegay waayo ragii kale way mootanyihiin sida ,taliyihii cidamada qaybta 27aad gaaska 3aad burco qaybdiid G/le Sare Cadceed,taliyihii Boliska burco Faalso, taliyihii ciidamada berbera G/sare Ina macalin, Abaandulihii qaybta 26aad hargeysa Foodcade, kii dabargoynta jihad ,iyo qaar kaloo badan markaa garanmaayo guusha aad sheeganayso halka ay ku taalo waa halkee ma kismaayo, baardheere,buurdhuubo,waayo maalintaasu waxay ahayd maalintii ugu horeysay ee la jabiyey taliskii siyaad bare wixii ka danbeeyeyna waxay ahayd iskaba raacin,waxaa kuu sheegayaa dagaalku waqtigu bilaabmo ,guuli waa weli lakiin dhamaadkiisa ayaa guushu raacda ninka guuleysta,ka laga adkaadana waa ! in uu isdhibaa ,waxaa leeyahay maxay dhusadiisu iga qaadi dameer aan ku taaganahay,.............................

taas waxaa markhaati kaaga ah ,Jamhuriyada Somaliland.

SNM Waxay Meel Marisay Aragtidii Xasayn-Kayd [Caqiil]

» Qowleysatada Waqooyi Soo Dhigatay [Dr. Saciid]
 

waa midhihii gushaa laga helay markaa maaha inaad guusha la bakhaysho ee waa laysu haneyaa, waxaan kuu sheegayaa inaad in ay dhamatay saacada aad ka hadlayso ,waqtigeedii,.adiga ayeyna ahayd inaad ka faa,ideysato fursad fiican ee somalinimada ee jirtey lakiin maanta ma afkaad ku hiilin, hadaad ficil hinaastay,idinka ayaa burburiyey somaalinimada beenta ah aad doonayso ,waxyalaha maanta somaali ay kala faa,iday waxaa ka mida inay si fiican isu baratay ,burburka somali soo gaadhayna wuxuu ahaa dhawaca aad ugu wanqasheen qabyaalada gobanimadii,halkaad is qarinlahaydeen ayaad soo indha cadihiin, somaali si fiican ayey isu taqanaa aqoon waa laysu leeyahay laysuna dhuumanmaayo ,ninkii dhulkiisa iyo nimcadiisa lahaana wuu ku dhexjiraa oo dhexdabalanaya ,ninkii dulmiga ku noolaana waxay hoonka ka dhigay somalinimo aad moodo inay ka maqnayd markii uu dulmiga ku dhexnoolaa ,markaa somaalinmadu miyaanay jirin.

marxuun,xasan kayd ilaahay haw naxariisto iyo isaga iyo mujaahidiintii kale ee snmba waa dhab 1961 hogaamiyihii inqilaabka ayuu ahaa waxaanu ahaa ragii rukumada u taagay snm ,wixii uu ka dagalamay way dhamatay hadafkii uu kala lahaa wuu helay waanu ku guuleystay ,nin ragina waa ogyahay ,caaqilna loo sheegi maayo,..

duulanka snmta hadaad xaqdaro ku tilmaantay ,hadaba ma fadhatada daawaha iyo dacaska guratay ee magacyada kula baxday sida korneyl biliqo iwm ,haddii aad xaqdaro u aragto gulufkii weererka ahaa ee lagu galaabixiyey ciidamada siyaad bare orta waa aqoontaa iyo aragtidaada gaabnayd ee aad xamar kabo la,aanta aad kaga baxdeen iyo tii hargeysa cabdi bilenimada ,ta kale ee aad leedahay shacabka waqooyi aad ka dhigayso qaar ka duwan snm waxaan kuu sheegayaa in ciidan iyo shacab loo mideysnaa snm ee tariikhda uun dib ugu noqo ,xitaa wareysi uu bixiyey profosor cabdi samatar ee igu celi dheh ,oo uu kaga sheekaynayey cida ay ahayd snm hooyadii Somaliland.

Aragtidan aad maanta isticmaalayso waxaan filayaa in aaad miduun tahay ,si aad boodha isugu qariso ,aw caaqil sheekh xume

1.nin ay ka bastahay oo aqoontiisu intaas tahay .

2.inaad tahay ubadkii ku soo barbaaray safaradaha iyo maalkii qaranka ee lagu koriyey xoolahaas dadweynaha ee lagu yidhi snm ayaa idinka burburisay xaqaa dadweynaha lahaa ee aad xaqdarada ku raanbuusi jirteen ,sidaasna ayey tahay waxaad snm u higaadinayso.

3. iyo qoladii ku noolayd khiyaalada ee wadanka gudiihisa ku noolayd darajada sare la siiyey ee markii danbe noqotay(hadaan taajka derajadiyo,dalacaada laga nixin,Duhur laysu wada jiro hadaan guusha lay dayin aleylehe docdaydii ha goblamo. dalweynuhu) magacyada aad ula baxdeen meelahaa aad ku noolaydeen ,gaadhida aad wadateen,xafladaha aad ku jireen, fasaxyada debada ah ee ay tegi jirteen ,diyaradihii sida macno la,aanta aad ugu gooshijirteen, waxbarashada aanay darajadeeda lahayn ee loo diri jirey,wuxuu doono oo laga dhigi jirey,guryihii ay ku jireen , safaradihii ku yaalay dibedaha iyo gudaha ee fisayaasha sida dukaanka looga soo qaadi jirey iyadoo habarweliba basaboor dublamaasi siday taasu ma somaalinimo ayey ahayd "hasha geela cunta ee cabaada" lakiin waxaad modaa inaanay is weydiin waxyalahaasi sidaasa inaanay iyagu lahayn ee ay noqotay sidii magacooda ayaa inay ka cararaan ee (! BOOLI QARAN)hadii ay noqon lahayeen landcruiserkii quruxda badnaa,mercedeskii,toyotihii iyo noockasta oo quruxbadan oo xitaa ay diideen inay lanbar ku dhejiyaan ,(Guuxiisa moodmood gob inaad ku tahay), iyo guryihii dabaqyada ahaa ee quruxda badnaa ,carwooyinkii quruxda badnaa ,hoteladii quruxda badnaa ee fusuqa badnaa iyo safaradihii quruxda badnaa ee siinjirey basaboorka dumlamaasiga ahaa ee sharcigiisa la jibiyey dukaanka u ahaa shaahana lagu cabi jirey, lacagtii bangiiga laga qaadan jirey baabuurtii bangigu bixin jirey ,miyaad ka samrin in aanay saacadaasi dib u soo noqonaynin inaad aamustana ay kuu haboontahay, waayo maad lahayn snm tii ay ka dagaalantay ayey ahayd waana lagu guuleystay ee soomali dhinaacaaga ka raac isna sheegin ileyn anagu ku sheegi meyne,adigu badka iska ilaali,wallee reer aan ogahay ma guuro,....

waanay dhamaatay xaraantii iyo bakhtigii aad u barateen,waxaanan leeyahay dawaco meeshay macal ku barato,ayey macaluul ugu bakhtidaa, ka raadso abaalkii cabdi qasim aad ku lahaydeen iwm.

4.iyo inaad ahayd qaxootigii siyaasadeysnaa beentana loo sheegay markii danbena noqday qaybta 28aad sidaad carabka ku dhufatay meelaha la dejiyeyna ay ahayeen baraha wadooyinka ka baxa oo loo dejiyey istaraajiyad ciidamo magaalooyinka waaweyn sida wadada hargeysa iyo berbera ,berbera iyo burco,hargeysa iyo boorame runtii haddii aad tahay qaxootigaa aad u doodeyso ,sharcigii qaxotinimada waad jebisey been waa laguu sheegay ee ka faa,ideyso waayo waayo-aragnimadaas fiican adduunka intaan nooshahay wixii ku soo mara waa in ku qaadataa,haddii aad ahaan lahayd qaxooti dhaba weligaaba waad joogi lahayd sida qaxootiga iminka jooga SL,waana inaad eersataa hogaamiyaashadii kaaga masuulka ahaa ee qandaraaska fuliyey sida taraxtarax,gabyow ,siyaad da,uud ,adan weris ,sangub iwm,hadaad doonayso taariikhda somaalida si fiican u akhri waayo adigu sidaas sheegtay qaxooti baad ahayd wax kale ku maray wixii laguu sheegay moyee, guri dhowr dabaq,gaari quruxbadan, iyadoo aan ogeyn markii ! danbe meel aad ka baxdo waayo diyaarad ayaad ku soo gashay, xagu ,xaguna gebi,...

» 1 JULY MAALINTII MADOOBAYD EE SOMALILAND [Diridhaba]

Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! [Cabdiwaaxid]

XIRIIRKII SSDF iyo SNM ... GUJI [XagarYare]

TAARIIKHDA LAGAMA BEENSHEEGO [Kancaan]
 

sida ka muuqata qoraalkaaga nuxurkiisa liita hadaad leedahay snm ayaa jab aan gaadhsiiyey 1988 ,sheekhow ku meeyey guusha aad sheekanaysaa halkee ayey ahayd,halkey ku qorantahay,yaa tahay,halkaad ku haystaa guusha (hadanad hiilin kareyn ,oo aad ficil hinaastay ,qaranjabayna aad noqotay,ma afkaad taariikh beena ku hiilin, somali si fiican ayey isu baratay ,snmta aad sheegayso 1991 ay dhashay somaliland ,waxaanay leedahay ciidan mileteriya oo nooc kastaba leh,ciidamo boolisa ,oo noockasta oo ciidan iyo saanad uu leeyahay qaran dhisani (markaa iska soo mar waa kuu banaan marankaad doontaaye,...............saxiib soo dhaweyn si fiican ayaanu ku leenahay koonfurna kama iibin doontid SYL danbe taa waxaa fashilyey siyaasiyiintii 60aadkii ee somaliland ,sidii loogu tala galay ayey ku socotay ilaa iskaba raciskeedii markaa halkii tuulada kasoo bilow adigoo sheegaya kumaad tahay,meeday syl,yaa fashiliyey,meeday maandeeq,.

taariikh aan lagu riyoon ayaa jirta ma soo noqonayso SYL danbe oo ruwaayad aad kolba nin ku dartaan ayey ahayd waxaa dhici lahayd in ay gadho ilaa 50dhalinyaro ,ruwayadaa syl meelihii sida fiican looga dawaday waxaa ka mid ahaa buule barde , muqdisho .

hadaad doonayso somaaliweyn anagaa sameynay anagaana soo celinay qori caradii ,ee dadkaaga dhinac ka raac,yaanad lumine

kaad hiilka ka doonayso ee aad leedahay ka hortag ma USCbaa ,taa macnaheedu maxay waaye? usc il naxariseed igu eeg waxaan filayaa inaad ka hadlayso mid ka danbeysay (Dhulkaaga difaac diid maayo,isaaq ku duul doonimaayo, ..17sano ayaa ka danbaysay ee tariikhda uun dib u yar akhri waayo garanmaayo waxaasoo oo taariikhi halkay kaa dhaaftay marakiibtii kismaayo iyo muqdisho ayaa xitaa ka danbaysay iyo hoteel taleex markaa bal dib uun taariikhda ugu noqo ayaan kugu celcelinayaa waayo ayada ayey ku talaa, waayo waxaa la jogaa 2003,..waxa aan ka hadlayso waxaad modaa in xabsiga mandheera ku jiray ilaa 17sano ama habartii mar dhooftee doonidu la dhacantee iyadoo dhaqaale nafba kala dhaqaaqaeen ka dib dhowr ayamood salka dhigatay ciida ,...runtii magaca aad sidato caqilnimada iyo shiikha si fiican isaga u akhri sida magaca loo qaato cida qaadata iyo wuxuu yahay .

halka maanta aad ka fad kudisay way dhaaftay ,hadaf iyo ujeedana snm waxay dhashay Somaliland ,somaliyana waxay dhashay adiga iyo inta kula aragtida ah ,ama qaxootiga qaybta 28aad ,ama w/bari ee ha ka dhicin salamada qaar lagu sigtaa jire ,hadii kale soo soco saadanbe ayaad garan........waayo waxaan islahaa casaharo fiican ayey qateen lakiin waxaad modaa inay idinka maydhmeen lakiin snm ayey ahayd waqtigaa lakiin iminka soo soco sabaad .

hadaba sheekhow filinkaasi beri hore ayuu dhamaaday oo cabdi bile ayaa soo gabagabeeyey iminka kismaayo ayuu marayaa ee waqtiga la soco,hadaan ka naxayso iyo hadii kaleba somaliland waa qaran kobcay welina xawli dheer ku socda.

ILAAHAY BAA MAHAD LEH.

SOMALILAND HA NOOLAATO,....

Qore, Adan Yuusuf.

najad88@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD